Bulsho maxay soo jireen ku tahay, se xillimay noqon kartaa Q.2aad (W.Q: Cabdimajiid Iid Aadam Cawaale ”Dhinbiil”)

Bismillah waa markale iyo mawduuceenii ahaa “Bulso maxay soo jiren ku tahay” iyo waliba qaybtiisii labaad.

Horta sideedaba marka laga waramayo shay soo jirey ama cid gaar u lahayd oo wakhtiyadan danbe isbadalay runtii aad ayay u adagtahay in lagusoo kooboo qoraal laakiin waxaynu halkan kusoo qaadanaynaa inta aynu isleenahay way ugu muhiimsantahay.

Bulsho waxay soo jireen ku tahay ama ku noqon kartaa  marka ay la timaado astaamo muujinaya waxay sheeganayso in ay leedahay, ama dusheeda laga arko muuqaal guud oo ku tusinaya in waxa laga hadlayaa soo jireen yahay.

Haddaba aynu mawduuceena gudo galno, bulshadeenan Soomaalida ah saynu horeba u soo sheegnay wax lagu majeertaa in soo jireen tahay qarniyo badanna soo jirtay sida badanaa taariikhuhu sheegaan, se xilliyadan danbe aad moodoba in ay soo dabar go’ayso taasiyoo kuwa imika joogaa aanay wax dareenaba ka qabin, ama wax hawlaba isaga tirinaynin ilaalinta dhaxalkaa looga tagay oo Afkeeda iyo Dhaqankeeda tolmoon een ceebtaa lahayn ugu horeeyaan.

Soomaalidu waxay lahayd dhaqan iyo caadooyin u gaara oo aanay cidi lawadaagin, hadda waxaad moodaa in wax badan isbadaleen oo xaqiiqdii laga fogaaday isbadal aad iyo aad u weynina yimid.

Haddaba iyadoo taasina jirto ayaa u jeedadu waxay tahay Bulsho wuxuunbay soo jireen ku noqon kartaa laba mid uun:

  1. Waa inay haysataa cadaymo sheegaaya in ay tahay soo jireen, cadaymahaas oo noqon kara  kuwo qoran iyo kuwa kaleba
  2. Waa in ay iyadu iskeed u muujisaa ama dadka u soo bandhigtaa soo jireennimadeeda iyo waxyaabaha ay soo jireenka ku tahayba.

Haddaba iyadoo sidaasi ah ayaa Bulshada ku hadasha afka Somaaligu waxay haysata labadaa qodob ee aynu kusoo sheegnay kor, labadoodaba haday tahay cadaymaha ku tusinaya in ay soo jireen ahayd oo isugu jira qoraalo laga qoray iyo iyagoo iskood u muujiya in ay soo jireen ahaayeenba.

Sikastooy ahaataba hadaynu nahay Soomaali waxa jira waayadan danbe in aynu ka dalacnay oo waliba ka tagnayoo dhulka dhignay waxyaabihii muujinayay soo jireennimadeena haday noqoto Afkeenii oo tayo-beelay iyo dhaqankeenii oo la min-guuriyayba.

Labadaasina waa labada tiir ee ugu waawayn ee muujiya soo jireennimada bulsho, haday mid wax gaadhaanna  ka kalena wuu la dumaya. Tusaale ahaan imika Af-Soomaaligeenii baynu ka tagnay oo ka huleelnay kadib maxaa dhacay dhaqankiina wwuu minguuray isna sababtuna waxay tahay labaduba makala hadhaan oo way isku xidhanyihiin.

Bulsho soo jireen ahi waxay ku faantaa, sheegataa, qeyrkeed kaga saraysaa markay dhaxalkeeda ilaashato si fiicanna u keydsato, jiilka ka danbeeyana wax uga tagto.

Imika waxaynu odhan-karnaa taasi waxay u eegtahay midaan dhicin, waayo dhallintan dambe wax alla waxay war u hayaan majirto, wax alla ay kaydsanayaan majirto , wax ay dhowranayaanna majirto, taasina waxay keenaysaa in wixii lasoo dhoob-dhoobayay muddooyinka badan uu halkaa ku burburo oo ku baabo’o.

Dulucda qoraalkaygu waxay tahay Bulsho wuxuunbay soo jireen noqon-kartaa markay dhaxalkeeda dhowrato ee kuwa ka danbeeyana wax uga tagto.

 

Waxa qorey: Cabdimajiid Iid Aadam Cawaale “Dhinbiil”

E-mail: cabdimajiidiid@hotmail.com ama cabdimajiidiid@gmail.com