Iswiidhan oo celineysa qaxoonti tiradoodu u dhaxayso 60 ilaa 80 kun

ku dhowaad muhaajiriin gaadhay 80 kun oo waayey in ay Iswidhan qaabisho ayuu Wasiirka Arrimaha Guddaha Iswidhan ku dhowaaqay in ay waddankooda ka saarayaan.

Marka la barbar dhigo qaxoontiga ay Iswidhan aqbashay ayaa waxa uu ka badan tirada dadka u dhashay waddankaas.

160 oo qaxoontiya ayaa gaadhay Iswidhan sannadkii tegay, balse sannadka waxay sheegtay in aanay aqbali doonin qaxoonti dambe.

Wasiikra Arrimaha Guddaha Anders Ygeman ayaa sheegay in qaxoonti tiradoodu u dhexeyso 60 ilaa 80 kun oo ka mid ah kuwii soo gaadhay sannadkii tegay balse ku guuldareystay in la aqbalo codsiyadooda magangelyo-doonka ah laga saari doono.

Sidoo kale Wasiirku waxa uu sheegay in qorshaha saarista qaxoontigu qaadan doono sannado, isla markaana dadka la saarayo loo kirayn doono diyaaradda khaas oo geeya waddamadii ay u dhasheen.

Iswidhan oo adkaysay xeerarka iyo ammaanka xuduudaheed ayaa waxa yaraaay qaxoontigii ay qaabili jirtay sannadihii hore, wali waxaan caday tirada Soomaalida qaxoontiga ah ee ku jirta qaxoontigan waddanka laga saarayo.

bandhige@gmail.com