2o ka mid ah Imaamyada masaajidada Somaliland ku yaalla ayaa waxa 16 ka mid ah loogu deegay 16 gaadhi oo nooca tukhaanka loo yaqqaano, halka afarta kale loo abuuray ganacsi.
Mashruucan ayaa waxay ujeedadeedu tahay sidii shaqo abuur loogu samayn lahaa Imaamyada masaajidada.
Munaasibad kooban oo mashruucan oo lagu shaacinayey ayaa lagu qabtay Hargeysa, waxaana lacagtiisa bixisay Hay’adda reer Qatar ee RAF, iyadoo ay fulinayso Hay’adda Khariga ah ee Al-huda.
Gawaadhidan ayaa lacagta ku baxday lagu sheegay $86798, mashruucan ayaa waxa uu wax weyn ka tari doon dhibaatada dhinaca dhaqaalaha oo masaariif Imaamyada waxa ka tari doonta.
Mashruucan ayaa noqonaya mashruucii ugu horeeyey ee ka faa’iidaystaan Imaamyada Masaajidada .