Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Maxamed Xasan Ibraahin ayaa ka hadlay dhaliilo hore loogu soo jeediyay wasaaraddiisa oo ku saabsanaa in Wasaaradda Maaliyaddu ay ku lug leedahay sixir bararka doolarka Iyo hoos dhaca shilinka Somaliland. Kadib Kulan ay yeesheen golaha xukuumaddu oo looga hadlayey sidii hoos loogu dhimi lahaa qiimaha sare usii kacaya ee dolarka iyo kor u kaca qiimaha sarrifka ee lacagta dollarka.
Eedayn uu soo jeediyey Xildhibaan Siciid ayaa ka hadlay cida shilinka dalka dibindaabyada la daba taagan taasi oo ku sheegay Talada Madaxtooyadda ee kor u qaadista shilinka Somaliland iyo ficilada Wasaaradda Maaliyaddu ku hantaaqinaysaa waa laba isburinaya waxaana uu yidhi isagoo ka hadlaya:
“Iyadoo sicir barar laga qaylinayo ayaa Wasaaradda Maaliyaddu Golaha u soo gudbisey cashuur bararin aan xad lahayn! Xaggee ayay iska qaban la’dahay, shicibkii oo la ciirciiraya qiimihii hore ma macquulbaa in kor loogu sii qaado qiimaha badeecadaha iyo adeegga.”
Markale isagoo xildhibaanku hadalkiisa sii wata waxaa uu yidhi
“Ta ka sii darani waxay tahay, Wasaaradda Maaliyaddu sannadkan waxay bixinaysaa kharash dhan 1,218 Bilyan [ hadda maaha Milyano waa hal tirilyan iyo laba boqol ito sideed iyo toban bilyan] oo Shilin Somaliland. Taas macneheedu waxa weeye, bil kasta waxaa celcelis ahaan la bixinayaa oo suuqa soo gelaya kharash dhan 100 Bilyan [ama 100 kun oo Milyan] oo Shilin. Haddii ay suuqa Wasaaradda Maaliyaddu ku soo afuufayso mawjado Shilin Somaliland ah suuragal ma tahay in Sarrif Bararka dawo loo helo? Sidee ayay isula jaanqaadayaan dadaalka Madaxweynaha iyo doc-faruurka Wasaaradda Maaliyaddu.”
Haddaba wargayska Xogogaal ayaa wax ka waydiiyay Agaasimaha Guud ee wasaaradda Maaliyadda eedahan uu xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi usoo jeediyay wasaaraddiisa kuna aadan in wasaaradda Maaliyaddu ,asuul ka tahay kor u kaca dolarka iyo hoos u dhaca ku yimi mar kale shilinka Somaliland xili ay xukuumadda iyo Madaxweynaha qaranku isla qaateen in shilinka Somaliland kor loo qaado hoosna loo dhigo qiimaha sarifka dolarka waxaana uu agaasimuhu kaga jawaabay arintaasi:
“Horta Xildhibaanku anaguu ma eedaynayaaye isagu ma ka bad qabaa wuxuu nagu dhaleecaynayo,waxaan kuu sheegayaa dhammaanba xubnaha ku jira xukuumadda sida wasiiradda, Agaasimayaasha, Xildhibanada, askarta iyo shaqaalaha dalku midna ma ogola shilinkii Somaliland oo way ka cararayaan,doolar ayay wada doonayaan, Hadii la yidhi doolarka hala yareeyo suuqa gelaya ma in nin kastaa jeclaado doolar fudud oo uu jeebka ku qaataa, Waar cid kale iska daaye adigaagan weriyaha ah saadka ayaa kuu furan, oo in saad lacagta lagugu siiyo ayaad doonaysaa, aniga saad iima furna”.
Bulshada iyo aqoonyahanka dhinaca dhaqaalaha ku tukhasusay ayaa waxa farta ku godaan saameynta ay Zaadka iyo E-dahabku ku leeyihiin sicir bararka ku yimid isku bedelka Somaliland shilinka iyo doolarka.