Tartanka ciyaaraha Olomikada ee ka dhici doona Rio de Janeiro sannadkan ayaa waxa soo foodsaartay cabsi weyn oo ah fiditaanka xanuunka Zika, kaas oo xuduntiisa fiditaankiisa tahay Braasiil.
Maamulayaasha cayaaraha caalamiga ee olombigga ayaa waxay sheegeen in wax kasta la sameeyey si ciyaarahaas sannadkan dhici doona looga ilaaliyo viruska.
Guddoomiyaha guddiga caalamiga ee olombikada Thomas Bach ayaa sheegay in todobaadkan la soo saari doono talooyin ku saabsan sidii cayaartoyda iyo dadka booqashada ku imanaya ay u noqon lahaayeen kuwo bed qaba inta ay soconayaan cayaaraha Rio.
Brazil ayaa filaysa in ku dhawaad nus malyan qof ay soo booqdaan inta ay cayaaruhu socdaan, waxaase jira walaac laga qabo in tiradaas ay hoos u dhacdo, ayadoo ay jiraan dhowr dal oo dumarka uurka leh kula taliyey in ay dib u dhigaan saffarada ay doonayaan in ay ku tagaan meelaha uu virusku ka jiro.
Viruskan oo kaneecadu gudbiso ayaa lala xidhiidhinayaa mushaakil xagga dhalmada ah oo sii kordhaya. Hay’adda caafimaadka adduunka ayaa ka digtay in virusku uu si xawli badan ugu fidayo Qaaradda Ameerika, iyadoo ilaa hadda 20 dal lagu arkay.
Dhaqaalaha Brazil ka soo gali doona ciyaaraha Olimbikadda ayaa waxa saameyn weyn ku yeelan doona viruska Zika, iyadoo wali ay dhici karto in dib loo dhigo tartanka ciyaaraha iyo in waddanka kale lagu qabto.