Wasiirkii hore ee wasaaradda Caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid, haatanna afhayeen garabka la magac baxay Isbahaysiga Dimuqraadiyada doonka Kulmiye oo ka cadhooday shirweynihii Kulmiye ayaa sheegay in wararka sheegaya in ay Waddani ku biirayaan, ayaa meesha ka saaray wararkaas oo ay wali iyagu shirar ka yeelanayaan in halkii ay iskugu biyo shuban lahaayeen,.
Isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:
โQolada Kulmiye ee aanu ka nimi, maanta way dareensan yihiin miisaanka aanu lahayn, haddii ay isku dayaan inay ragga wax la hadhaana la yaabi mayno. Qolyaha kalena inay xodxodasho bilaabaanna la yaabi mayno oo miisaanka meesha yaalla baa keenaya.โ
Xuseen oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inaanu jirin wax u diiday inay Saddexda xisbi kii ay doonaanba wada-hadal la furaan, isagoo meesha ka saaray inay haatan meel gaar ahi u qorshaysan tahay, waxaba uu yidhi:
โMa reebana inaanu Waddani la hadalnaa oo aanu ka doodno waxyaabaha aanu isku raaci karno, ama aanu Ucid la hadalnaa, mamnuucna nagama aha haddii kulmiye is dhiibayo oo uu shirkii dib u qabsanayo in aanu wada hadalnaa, laakiin wali waxba ma jiraan.โ
Xubnaha Isbahaysiga ayaa wali saaran diyaarad aan la garanayn garoonka ayaa soo cago dhigan doonto.