Bulsho wada siyaasiya (Hibo Ciise Maxamed “Basbaaso”)

Sawaxankii iyo qayladii ka baxeysay maqaaxida ayaaban ka argagaxey, waxaasi muxuu noqon karaa, kollay laba qof ayaa meesha isku dagaaley, lagayaaba, hore usii dhaaf, balaayada waalaga caraaraa bay naftaydii go,aan ku gaadhey, talaabadan hoosta kasii xadey waxan soo istaagey goobtii aan ka raaci laaha gaadiidka dadweynaha (bas), ii joog. Se waaba meel tii hore kasii daran, bisinka maxaa dhacey maanta ma maalintii dagaalka aduunkaa, lagayaa baa dee ilen watan ayaamihii la qeybsadee tolow adna dhankaaga maka gashaa, oo halkeed ka bilawdaa, acuudu bilaah mashaydaan yar baad noqotay, anigoo hoos iskula faqaya ayaa waxan maqlay dhawaaq dhagahayga kusoo dhacaya, waaba run oo qofbaa ila hadlaya.

Salaan diiran kadib waxan weydiiyay qofkii ila hadley waxan ka jira baska ee uu la qeylinayo iyo doodan dadkii kuwada xiiqeen, waxaan jawaab ku helay gollaha wakiilada ayuu muran soo kala dhex galay…. Hadalkiiba intaan lay dhamaynin baan amakaagii iyo anfariirkii dib iskugu noqday oo “Haddii golaha wakiilada muran soo dhex galay dadkii wadanka joogay oodhana ma muran baa so kala dhex galay..yaab, mise xalkii baa gacantooda soo galey? Bal adba.

Waxan soo gadhey Jaamacadii waxa lagu sugnaa wakhti lagalayay imtixaano waxan fadhiistay kursi kamida kuraasta ku yaala goob wax lagu akhristo (Library), miis dheer oo ay dhawr qof wadaagi karaan ayaa I hor yaaley dadbaa fadhiyay kuwa kalena sidaydoo kale ayay hadda fadhiisayeen isla markiiba buug weyn oo aan ku rarnaa ban lasoo kala baxey si aan hawlahayga u dhameysto laakiin nasiib daro waxa iga soo hor jeeday laba wiil oo ay dood adagi dhex taal “Hadda waa Jaamacadii waliba goob loogu talagaley in wax lagu akhristo” waxey ku doodayeena wax kale mahee isagaa khaladka leh mayee iyagaa leh oo watii barigii caynkaas ahaa saa layidhi, waar maahee anigu waxan joogay kullankii meeshaas oo halkasay wax usocdeen baa la yidhi.

Markay mudo 30 daqiiqo ah isku bas beeleen ayay go,aan sadeen inay tagaan xafiiskii golaha wakiilada, waar maanta meeshu way xidhantahoo lamaba kala soconayee sug aynu hebel lahdalnee, inamari niyaw wuxu yidhi hadduubay ugu kulashahee yaynaan seegine.

Sidii ayey ku dhaqaaqen anagoo intii aanu miiska fadhinayba afkooduun daawaneynay ileen bulshadu waa wada siyaasiye ana wanigaa ku biiray!!!!

Maaha xaajo uguba oo carab iyo labadiisa daan ayaa is qaniina balse maaha in lagu mashuulo oo hadba sawiro inta lasoo qaado lagu qor-qoro waxyaabo qofka sharaftiisa lagu liidayo, baraha bulshada, maqaaxiyaha doodaha cilmiga iyo meelkastana lagaga sheekeeyo hadba wixii yar ee soo kordha.

Wadaad, waranle, caruur, ciroole, Rag, dumar, culimo, caamiye intuba digsidii siyaasadey malaas ku walaaqayaan, ma xuma oo waa wadankaagi inaad xaaladiisa wax ka ogaataana way fiicantahay laakiin intaadan faraha lasoo galin oo aanad qofna ku gafin is weydii.

Goob joog ma ahayd ama si dhab ah ma ugu kuurgashay waxa dhacey? Aad xog sax ah ka bixiside, dadkan aad ka waramaysid mala kulantay ama shakhsiyadooda waxbadan ma diraasaysay? Aad sadaalisid ficiladoodee.
Shalay wixii kadhacey barlamaanka waxey ahayd arin aad u fool xun, sharafta iyo meeqaamka ay umada ku lahaayeena hoos ayuu udhacey, taasoo jirta haddana meel rag iskugu yimi khilaaf lagama waaye waligeedbay dhici jirtee, wana la xalin jiree in qoraalda aflagaadada ah ee lasoo dhigayo baraha bulshadu kawada xidhiidho (Social Media) hala joojiyo oo waxna halayska hubsado.
“Siyaasadana haloo kala hadho”

Halkan hoose ka akhri maqaaladdii hore ee Hibo Ciise Maxamed qortay:

Been ha ku sabaaleyn

Guurka haweenka badan

Aafo

Hashu maankayga gaddee ma masaar bay liqday!
Hibo Ciise Maxamed (basbaaso)
hibafaakhir@gmail.com