Ciidamo xad-dhaaf oo la soo hor dhoobay agagaarka xarunta baarlamaanka

Dagaal gacan ka hadal ah oo shalay dhex shir guddoonka Golaha Baarlamaanka gaar ahaan Guddoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa ayaa waxa maanta ay xukuumaddu soo hor dhoobtay ciidamo xad dhaaf agagaarka xarunta baarlamaanka.

Dagaalkana gacan ka hadalka ahaa ee dhex maray shir-guddoonka golaha baarlamaanka ayaa ka dhashay heshiis madmadow badani ku jiro oo la sheegay in ay xukuumaddu ku wareejinayso Kaydka Haamaha Shidaalka Berber ganacsato ilaa hadda aan magacyadooda ummadda loo soo bandhigin. Tafaasiisha heshiiska laftiisa sida muddada uu heshiisku jirayo iyo saamiyada la kala leeyahay iyadana wali lama soo bandhigin

Dagaalkii shalay dhexmaray Cirro iyo Baashe ayaa dadweynuhu badankoodu ka bixiyeen aaraa kala duwahan oo ay kula taageerayaan, inkastoo ganacsatada la doonayo in lagu wareejiyo aan la garanayn ayaa dareenka Salaadiinta dhaqanka oo arrimahan aad uga hadli jirey aan wali hayn cidda ka hadasha.

Waxa xusid muddan Warshadda Sibidhka Berbera oo ay xukuumaddu mar isku dayday in ay ganacsato ku wareejiso dagaalkii ugu badnaa xukuumaddu waxay kala kulantay odayaasha dhaqanka.

Si kastaba ha ahaatee waxaan ka dhursaana waa mooshinka dabadda ka riixayso xukuumadda iyo ganacsatid lagu wareejinayo Kaydka Haamaha Shidaalka Berbera oo la ogaado maalmaha soo socda.

bandhinge@gmail.com