Burburkii dawladdii askarta Soomaalidu maxay ka dheeftay maxayse ku dumisay? (WQ: Ismaaciil Ciise Xuseen)

 

Bismilaahi waa kow, hakisbile boqran, arooryo bidhaamaysa iyo maalin barwaaqo sooran. Shalayto barqadii ayaa ay ahayd kolkii aan bartaydan ama ardaydaagaygan aan ku leeyahay dalweynahan foolqorane (faysbuug) ku soo baahiyey weydiin xoog badan -aragtidayda- oo ku saab sanayd dhab ahaan soomaalidu inay dheef iyo sareedo ka heshay burburkii dawaladdii askarta iyo intaa lidkeeda ay ka heshay dhib iyo leeleel.

Weydiintaa oo dabcan ah mid warcelinteeda aalaaba si xooga loogu kala aragti duwan yahay, waxa aan idiin ballan qaaday in aan aragtidaydana idinla wadaagi doono idanka Alle. Saaka waxa kow ah kalkii ama sannadkii toddoba iyo labaatanaad ee ka wareegay dharaartii lagu kala dhaqaaqay xaruntii iyo saldhiggii ugu weynaa ee ay ka arrimin jirtay dawladdaa aynnu warkeeda hayno, waa dharaartii uu odaygii Maxamed Siyaad Barre isaga oo aad u dhibsanaya ka huleelay xaruntii uu ka arriminayey muddo ku siman kow iyo labaatan sano, saddex bilood iyo toddoba maalmood, waxa ay ahayd maalin ka mid ah bil iyo sannad wax badan oo soomaalidu si u taqaanay ay aragtay iyaga oo si kale u eeg,!! waxa laga yaabaa dharaartaa raggii joogay inay xataa cadceedda iyo falaadheheeda u arkayeen si ka duwan sidii ay hore ugu arki jireen, sabab, isbedelka yimi awgii, -qadhaadh iyo macaan kii uu doonaba ha dhadhamee-, dunida ayaa aynna tahay waxa looga bartay in ay sidaa oo kale u dhacaan isbedello waaweyn oo saamaymtooda yeesha – tognaan iyo tabnaan middii ay doonaanba ha ahaadaane -,.

Intaa aynnu ararta ku soo dhaafno, waxa aynnu dhab ahaan uga warcelinaynaa soomaalidu waxa ay ka dheeftay iyo waxa dhib soo gaadhay ka dib kolkii ay meesha la baxday dawladdii uu hoggaanka u hayey Maxamed Siyaad Barre.

Arrinkaa kolka aynnu doonayno in aynnu ka warcelinno waxa aynnu ku khasbannahay in aynnu ahaanno kuwo ka madax banaan dhammaan waxyaabaha warcelintaa waxu dhimi kara oo ay ugu horrayso hiilka, garab istaagga cid gaar ah, cadhada, caadifadda, colaadda, nacaybka, eexda, iyo fara xumaynta sooyaalka aragtiyaysan. Waxa aynnu ku khasbannahay in aynnu ku hubaysnaanno garsoorka toosan, run sheegga, degganaanta, iyo dhammaan waxyaabaha innagu kaalmaynaya in aynnu bixinno warcelin caafimaad qabta oo taabbagal ah.

Geesta kale waxa aynnu ku khasbannahay in aynnu warcelintaa iyo kuwa la mid ka ah ka istaagno dhawr dhinac oo kala duwan si ay innoogu suurtowdo in aynnu bixinno warcelin maangal ah waxa jirana wax badan ka iftiimin karta. Anigu immika waxa aan ka istaagi doonaa saddex dhinac oo ah kuwan soo socda;
– Dhinaca dhulalka ama degaamada soomaalida – koonfurta iyo woqooyiga.
– Dhinaca horumarka diineed iyo kan aqooneed iyo dib u dhaca labadaba.
– Dhinaca milgaha dadka soomaalida dhexdeedo iyo dhinaca debedda labadaba.

Saddexdaa dhinac oo qudha ayaa aan ku soo gaabinayaa qoraalkaygan idanka Alle. Haa waa ay jiraan dhinacyo badan oo kale oo laga istaagi karo mid walbaa uu yeelanayo dhinacyo togan iyo kuwo taban labadaba, haddii aynnu doonno in aynnu qoraalka ku daro waxa aan ka cabsanayaa dheeraanta qoraalka iyo culayska dhankaa innagaga imanaya. Aynnu immika u guda gallo qoraalka saddexdan qodob ee kor ku xusan.

– Dhinaca dhulalka soomaalida ama degaamada soomaalidu dhab ahaan waa ay ku kala duwanaanayaan dhibta iyo dheefta laga helay ama ka dhalatay burburkii dawladdii askarta iyo halgankii jabhadihii hubaysnaa ee dagaalka la galay dawladdaa. Marka la joogo degaamada woqooyiga waxa aan muran ku jirin in ay maalintii dawladdu burburtay ka joogsadeen duulaankii iyo weerarkii joogtada ahaa ee ay dawladdu ku haysay degaamada iyo magaalooyinka waaweyn ee woqooyiga, maalinkaa ayay joogsadeen, dilkii, jidh-dilkii, duqayntii, barakiciintii, isku dirkii beelaha walaalaha ah ee wada dega dhulkaa iyo noocyadii dhaqamada aan wanaagsanayn ee uu nidaamkii Maxamed Siyaad Barre ku hayey dhulka gobolada woqooyi tobankii sano ee ugu dambeeyey taliskiisa.

Isla sannadkaaba waa kuwii nidaamka iyo maamulka immika jira ku yagleelay magaalada burco bishii shanaad siddeed iyo tobankeedii sannadkaa -1991-kii, halkaa ayaa ay ku dhammaatay dhibkii iyo xanuunkii weynaa ee maalintaa jiray, intii ka dambaysayna waa ay jiraan dhibaatooyin dhacay dhinacyo dhawr ah hase ahaatee marna uma dhowa kuwii ay ku jireen intii taliskii askartu joogay.

Dhanka koonfurta marka la joogo degaamada woqooyi bari soomaaliya – Buntilaan- iyaga laftoodu waa ay ka dheefeen burburkii nidaamkii Maxamed Siyaad, sabab, gobolada Bari, Nugaal iyo Mudug, waxa ay ahaayeen kuwo aad u dib dhacsan xilligii Maxamed Siyaad, hase ahaatee kolkii dawladdii dhexe burburtay waxa ay heleen dhawr fursadood oo horumarka iyo horusocodka ku caawiyey kuwaa oo ay ugu horrayso maamulkii ururkii islaamiga ahaa ee Al-itixaad al islaami, maamulkii Jaamac Cali Jaamac, iyo dhidbiddii Cabdullaahi Yuusuf ee maamulka Buntilaan. Qodobadaa aynnu sheegnay ayaa ah kuwa keenay dhaqaaqa goboladaasi dalka ku soo gaadheen meelo badanna maanta ku dhaafeen oo ay kaga horreeyaan.

Koonfurta kale ee aan Buntilaan ahayn haddii si guud loo eego waxa aynnu odha karraa burburkii dawladdaa inta ay ka dheefeen iyo inta dhib ka soo gaadhay waxa badan dhibka ka soo gaadhay kolka aynnu ka eegayno xagga maamulka iyo kala dambaynta nolosha, sabab, waxa jira degaamo aan maamulba arag intii ay dawladdaasi burburtay oo maamulba ugu dambaysay taliskii Siyaad Barre.

Dhinaca diinta iyo aqoonta madaxa banaan waxa aan shaki ku jirin in aad iyo aad looga faa’iidey, sabab, maalintaa ay meesha ka baxday cabudhintii wadaadada, xadhiggii ducaadda iyo yeedhayaasha toolmoon, diidistii xijaabka, diidistii casharada diiniga ah ee ka socon lahaa masaajidda, diidistii furashada macaahidda iyo xarumaha aqooneed ee madaxa banaan iyo noocyadii kala duwanaa ee dagaalka ahaa uu taliskii Maxamed Siyaad ku hayey dhinaca diinta. Dharaartaa wixii ka dambeeyey ayaa dhaqanka toolmoon ee muslimnimo si fiican uga muuqday degelada soomaalida ee uu ka arrimin jiray maamulkaasi, Geesta kale maalinkaa iyo wixii ka dambeeyey ayaa ay madax banaani heshay guud ahaan aqoontu.

Dhinaca kale milgaha qofka soomaaliga ah marka la joogo soomaalida dhexdeeda waxba iskama bedelin oo waa uun soomaaligiisii, ma jirto cid gaar ah maamuuskeedii ku weydey maamulkaa burburay, hase ahaatee kolka la joogo debedda iyo dunida kale qofka soomaaliga ahi aad iyo aad ayuu u qiimo dhacay oo magaciisii hoos ugu dhacay intii ay dawladdaasi burburtay. Waxa ay noqotay soomaalidu tusaalaha kowaad ee bulsho fashilantay loo soo qaato – inkastoo aragtidayda aanay ahayn mid sax ah arrintaasi- adduunka marka la joogo soomaaligu waa nin aad ugu hooseeya dhinaca maqaalufada iyo wax wada lahaanshaha, taasna waxa aad mooddaa in ay wax badani ka jiraan – aragtidayda se waxa ku jira buun buunin weyn oo adduunku innoogu darayo.

Halkan hoose ka akhrios maqaaladdii uu qoray Ismaaciil Ciise:ย 

Calmaaniyadda iyo Soomaalida

Ismaaciil Ciise Xuseen Hargeysa Somaliland.