Somaliland oo aan weli aqoonsi helin way ku qasbantahay in ay hesho waddan la aqoonsanyahay oo ay ku tiirsanaato, Si dalku u noqodo mid iskufilnaada oo hadii aan meel kale wax uga imanahayn hantidiisu u goyso waxa uu rabo, Saldhig, Deked, Beero, wax kasta oo ay wadankaas kale kusoo dhaweysan karto in ay ugu deeqdaana waa mid meesha kujirta, Intii waddamo reer galbeed ah oo Diinta iyo Bini-aadamnimada aan waxba ka aqoonin aynu isbahaysi samaysan lahayn, Illahay agtiisana aynu ka noqon lahayn Khaa’yimiin, sida quruxda iyo sharafta Islaamnimo iyo tan dhaqankanka Soomaalinimo ay dhigayaan ayaa ah waddan Diinta iyo dhaqanka suuban ay na walaaleeyeen in aynu dhabarka saarno. Is xulafaysi aynu Imaaraadka, Masar, ama Sucuudiga la galno ayaa inooga khayr iyo sharaf badan mid aynu Itoobiya, Kenya ama Maraykan aynu la galno, Runtii Saldhiga Dawlada Imaaradku ay rajaynayso in ay Berbera ka furato, waa mid guud ahaan Shacabka niyada wanaagsan ee hormarka jecel ee Somaliland ay soodhaweynayaan, una arkaan mid guul iyo aqoonsi u ah.
Taarikh yar oo kooban: Waxaa la sheegay in guud ahaa Imaaraadka Carabtu xiligii sagaashamaadkii ay ku jireen macaluul, abaaro, gaajo iyo darxumo, halka guud ahaan dhismayaashoodu ay ahayeen kuwo aan jirin, oo ku jira derkado dhoobo kasamaysan, Oo aan dayactirnayn, Wakhtigaas Maamulkii ka jiray Imaaraadku wuxuu dhul ay beertaan weydiistay Dawladii Soomaaliya ee Wakhtigaas oo iyadu ka tamar iyo awoood badnayd Imaaraadka, si ay uga baxaan abaaraha iyo macaluusha ay ku jiraan, laakiin nasiib daro dawladii wakhtigaas Soomaliya ka talinaysay way diiday in ay dhul siiso, Inkastoo ay hadii ay siiso cashuur iyo faaido kale ka helilahayd, taas badelkiida waxaa siisay dhul aad u balaadhan dawladii Suudaan ee wakhtigaas, Godobtii soomalidu gashatay Imaaraadka wakhtigaas ilaa hadda waata ka dhigtay in dadkeena Soomaaliyeed lugu dhibo, lugu cabudhiyo, luguna takoooro magaaloyinka Imaraadka, halka dadka Dalka Suudaana, la sharfo, la karaameeyo Isla markaana la shaqaaleysiiyo.
Su’aalo: Ma ogtahay in waddamada caalamku gaar ahaan Reer-galbeedku tartan ugu jiraan sidii ay wax ula qabsan lahaayeen wadamada Afrika gaar ahaan kuwa Dalalka geeska oo Somaliland ay kamid tahay?
Ma ogtahay Dalka Djabouti oo ay saldhigyo ku leeyihiin wadamada Maraykanka, Faransiiska iyo China ay Somaliland dhinaca diinta iyo dhinaca horumarka kaga horayn karto hadii la suurto geliyo Saldhiga Military ee Imaaraadka?.
Ma ogtahay in Somaliland noqon doonto meel indhaha caalamka kusoo jeestaan marka dawlada Imaaraadku Dekeda Berbera kasoo dejiso hubkeeda ugu horeeya ee Diyaaradaha iyo Markaakiibta Dagaalka ah?
Hadal kaftan ah: Intaas hadii aan kaga gudbo, Dadka fikirka wanaagsan ee Muwadiniinta ah ayaa marka la weydiiyo sababta ay arintan u diidanyihiin ama uga weji d’adbayaan ku odhanaaya, Imaaraadku waa Dawlad ciidan iyo awood leh, laga yaabee in ay ina damaaciyaan oo inoo awood sheegtaan sidaasna dhulkeena kula wareegaan?, Haye waad fikir wanaagsantahay waxaana tahay Muwaadin dalkiisa iyo dadkiisa ka fikiraaya, Laakiin ma ogtahay In ay jiraan Sharciyo iyo Markhaatiyo labada dhinacba ka madaxbanaan oo heshiidka inoo kala qoraaya, Hadii ay tan aad sheegaysaa dhici karto, Maxay ugu dhici weyday Dalka Jabuuti oo dhul iyo dadba ka yar Somaaliland oo uu in kabadan 20 sano degenaa Maraykan oo ciidan iyo awoodba ka badan Imaaraadka carabta, haddii aad i tidhaahdid Jabuuti waa Dal aqoonsi caalami ah haysta?, Waa Sax laakiin yaan haysan aqoonsi.
Ma adiga ayaan Dalkaaga iyo dadkaaga, waxay galaan iyo waxay gudaan aan aqoonsanayn, waxaan kuleeyahay hadii Kufsi yari ka dhaco meel kamid ah Soomaaliland caalamka iyo reer-galbeedku muddo ayey ka sheekeeyaan oo inugu cambaareeyaan, hadii hadhow taad sheegaysaa dhacdo, oo Imaaraadku awood iyo ciidan inoo adeegsado, ma nimanka Kufsi ama wax ka yar oo dhacay ka aamusi waayey ayaa ka aamusaya Ummad dhan oo la dulmiyey, oo loo awood sheegtay, si kastaba ha ahaatee, heshiis iyo sharciyo ku salaysan wakhti iyo muddeeyn ayaa meeesha yaala, hadii hadhow la inoo awood sheegto oo aan sharci iyo heshiis shaqayn waayo, yaa kaa yaqaan sida Dulmiga looga dagaalamo, yaa kaayaqaan sida leebka iyo qaansada loo adeegsado, Dawlad awood leh oo Soomaaliya layidhaah ayaad hore u soo burbursatay, ma carab Jiriqaaga iyo ayax kusoo kortay ayaa kaa awood badnaanaysa, Iga raali noqo intaas oo dhami waa kaftan.
Bal maantaba fikir ahaantayda yeynaan fursadaas seegin, oo yeynaan dayicin. Fiiro-gaar: Waa Fikirkayga saliimka ah, hadii aad aqbto mid ila mid ah ama mid igu lid ah waad ila wadaagi kartaa.
Mahadsanid
Mr.Hamse Bashe (Wiyeer-Yare)
+252 63 403 8503 / 445 7401
E-mail: Wiyeeryare@gmail.com
Hargeysa Somaliland