Burco Iyo Kabtan Faalso W/Q: Cali Cabdi Coomay

Sannadkii 1987-kii waxa saldhigga dhexe ee magaaladda Burco taliye ka ahaa nin lagu naanaysi jiray Kabtan Faalso, kaasi oo gacan adag ku maamuli jiray reer Burco. Wuxuu ahaa ma-naxe arxandarran oo dadka la soo xidhxidho ciqaab darran marsiin jiray. Dagaalyahanno ka tirsan SNM ayaa uu gaadhay dhibtii ninkaasi magaaladda ku hayey, waxaanay qorsheeyeen inay ninkaasi (Kabtan Faalso) shirqool dil ah ku fuliyaan gudaha magaaladda Burco.

Kooxdii qorshaha dilka fulinaysay waxa taliye u ahaa Cabdi Maxamuud Fayr, hasayeeshee kumay guulaysan falkaasi, waanu fashilmay, oo Kabtan Faalso ayaa muddo shan mirir ah dib uga dhacay goobtii dilka loogu talogalay, sidaasina ayuu ku fashilmay. Beryihii dambe ayey reer Burco ileyn waa bulsho caan ku ah magac-bixintii Kabtan Faalso waxa ay ku xaman jireen LAXDII GAWRACA SEEGTAY.

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com

Tixraac: Buugga SAAJAC ee laga qoray Mujaahid Faarax-Ifiso oo uu qoray Maxamed Siciid Ayaanle dhawaan filo bandhigiisa.