Burco way lee’anaysaa, madaxdeediina kubbad bay ciyaarayaan! (WQ: Xuseen-Lucky Maxamed Maxamuud)

 

Saddexdii todobaad ee ina dhaafay dadka reer Burco waxay si laga damqado ugu lee’anayeen Xanuunka shuban biyoodka iyo Daacuun is weheliya, iyadoo tabartii dadka shacabka ah iyo miisaankii cudurkaasi lahaa ay kala weynaadeen, nasiib darro, waxaa ah, sida aanay ciddii dadkan dawladda u ahayd anay ugu baraarugsanayn baaxada dhibaatada cudur ee shacabkan haysata, gaar ahaan kuwii cashuurtooda gurnayay ee xukuumadda u ahaa, arin damqashadeeda leh waxaa ah, in habeen hore (habeenkii khamiisaad) magaaladda Burco laga waayay hal xabo oo sayloon ah (Faleebo) oo lagu xidho bukaanka tarab-tarabka u leanayay, iyo weliba Taliyihii Xigeenkii Saladhiga dhexe ee Burco oo isna la dhaawacay, iyadoo aakhirkii wax aan badnayn laga helay hay’adda HPA la yidhaahdo, mushkiladu waxay tahay waa xukuumad aan lahayn kayd iyo caqli waxa soo socda saadaalin kara oo wax u meel dhigan kara, balse, ka adag inay wuxuun liqdo, Subaxaanaka Yaa cadiim.

Dhibaatada jirtaa waxay tahay inaanay meesha oolin damiirkii masuuliyadeed ee si qorshe iyo xikmad leh u dersi lahayd dhibaatada jirta mugeeda, ka dibna u wajahi lahayd si miisaan ku jiro, wasaaradda caafimaadka ee heer gobol ayaa u muuqata mid intii karaankeeda ah wirirg wirig leh, balse ku dhex hafatay mowjadaha hirrarka ah ee marba marka ka danbaysa soo butaacaya, kaasoo maalin walba galaafta nolosha haldoorkii shacabka reer Burco, halka xukuumaddii dhexena ay u muuqato mid aan xilba saarayn ,wax dhib ahna aanay kuba haynin masiibadda ku habsatay dadkii reer Burco, oo runtii ah wax aan taariikhda lagu arag tan iyo waqti dheer muddo ku siman.

Gudoomiyaha Xisbil-xaakimka Kulmiye, ahna musharaxa Madaxeyne ee xisbigaas, ayaa warbaahinta maxaliga ah kasoo muuqday isagoo dhalinyaro kubad la ciyaaraya garoomada ku yaala magaaladda Hargeisa mid ka mid ah, iyadoo shacabkii reer Burcona ay hoobanayaan, iyadoo arintiisu u muuqatay mid ah LAX DHUNKANI ABAAR MA OGA, taasina, waxay astaan cad u tahay sida Xukuumadda maanta jirta iyo Xisbul-xaakimkeedu u moogan yihiin gudashadda waajibaadkii iyo amaanadii saarayd, iyo inaanay naxariis u haynin dadka shacabka ah.

Docda kale, waxaa isaguna kaalintii laga filayay gabay madaxweyne Siilaanyo uu ay Burco ahayd halkii uu ku dhashay, iyo xuduntii laga falkinayay hanashadda Kursiga Madaxweyne ee maanta ku fadhiyo, isagoo noqday Abaalaawihii ugu weynaa intii rag soo martay miidaanka siyaasadda inta taariikhda la xasuusto.

Isku soo wada duuboo, , waxaan leeyahay, Shacabka reer Burco, Abaal Siilaanyo kaga quusta, Muuse Biixina kaga quusta Garasho, illeyn waa ninkaas Kubadda caruurta la cayaaraya iyadoo shacabkiisii daacuun laynayo-e, reer Burcowna Muuse Waa Kaas, ninkii mustaqba wax u diran lahaa iyo kii aan u diran lahaynaowba,

Gunaanadkii, waxaan Allaha awooda badan ka baryayaa inuu ka kor qaado shacabka reer Burco dhibaatada haysata, taasoo ka heshay daleel madhan iyo meel banaan, oo aan gargaarkaaga wax ka sokeeyaa oo u maqani jirin.

Wa Bilaahi Towfiiq.

Qalinkii: Hussein Mohamed Mohamoud (Hussein-lucky),

Burco, email, husseinlucky@hotmail.com