Trump wuxu cambaarayn caalami ah kala kulmay ka bixidda heshiiska cimilada

President Donald Trump speaks about the U.S. role in the Paris climate change accord, Thursday, June 1, 2017, in the Rose Garden of the White House in Washington. (AP Photo/Pablo Martinez Monsivais)

 

Adduunka ayaa si wayn u cambaareeyay ku dhawaaqitaanka Madaxweyne Trump ee ku aadan in Maraykanku uu ka baxayo heshiiskii la dagaalanka isbedelka cimilada adduunka ee Paris lagu gaadhay 2015-kii.

Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa go’aankaas ku tilmaamay mid niyad jab wayn la imanaya, halka Midawga Yurubna uu ku tilmaamay maalin murugo oo adduunka soo foodsaartay.

Si kastaba ha ahaatee saraakiil sare oo xisbiga Dimuqraaddiga ka tirsan iyo warshadaha dhuxusha ayaa soo dhaweeyay go’aankan.

Madaxweyne Trump ayaa caddeeyey in Maraykanku ka baxayo heshiiskii Paris ee la dagaalanka isbedelka cimilada adduunka.

Isagoo taagan kaabadda Aqalka Cad ayaa Trump, oo la hadlayey warbaahintu, wuxuu sheegay in heshiiskani uu ciqaab ku yahay Maraykanku uuna dalka ka sii qaado malaayiin shaqo ah.

Wuxuu sheegay in uu yahay tusaalihii u dambeeyey ee muujinaya in Washington gasho heshiisyo dalalka kale faa’iido u leh laakiin uu diyaar u yahay heshiis kale oo xeerarkiisu u cadaalad falayaan Maraykanka.

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama, oo heshiiskan wada xaajood ka galay markii dambena saxiixay ayaa sheegay in waxa maamulka Trump diidan yahay uu yahay mustaqbal fiican.

Obama waxaa kale oo uu sheegay in uu ku kalsoon yahay in gobollada, magaalooyinka iyo shirkadaha Maraykanku ay dadaalkooda dardar gelin doonaan oo ay hoggaan u noqon doonaan qorshaha la doonayo in lagu badbaadiyo dunida.

bandhige@gmail.com