Xisbiga WADDANI wuxu dawooyin gaadhsiiyey magaalada Burco oo shuban biyood soo ritey dad badan

 

Wefti ka tirsan Xisbiga Mucaaradaka ah ee WADDANI Oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Xisbiga WADDANI Cabdiqaadir Jirde, ayaa deeq- daawooyin ah gaadhsiyey Cisbitaalka guud ee magaalada Burco, halkaasi oo lagu dabiibayo dadka uu soo ritey xanuunka shuban biyoodku.

Deeq-danย  daawooyinka ayaa waxay weftiga Xisbiga WADDANI ย ay ku wareejiyeen isuduwaha Wasaarada Caafimaadka u qaabilsan gobolka Togdheer Dr Yusuf Dirir, isagoo ka mahad naqay deeq-daasiย  uguna baaqaabayย  Xisbiyad kale in ay u gurmada dadka uu uu xanuunka shubanku haleelay ee reer Togdheer.

Ugu horeyn waxa halkaasi ka haddley guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Xisbiga WADDANI Cabdiqaadir Jirde waxaanuย  baaq u diray ย bahda caafimaadka ee gobolada Awdal iyo Maroodijeex waxaanu ku bilaabayย  haddalkiisa:

โ€œWaxaanu goโ€™aansanay intii karaan-kayaga ah wixii aanu heli karno annagoo Xisbiga WADDANI ah, in aanu keeno oo ku tabarucno, markaan aragna baaxadย  iyo inta dhibaatadu leedahay iyo in bahda caafimaadka ee Burco ka xoog roontahay, waxaanu usoo jeedinaynaa bahda caafimaadka ee gobolada galbeedk haddii ay Awdal tahay iyo haddii ay maroodijeex tahay-ba ee uu qalabkoodu badan-yahay ee dhakhaatiirta badani joogto ee kal-kaaliyashaasha caafimaad ee badani joogaan in ay deg deg ugu soo gurmadaa gobolkan,xukuumadda waanu u sheegi doonaa hawsheeda marka aanu tagno dhibaatada waanu la qaybsan doonaa war-bixinta waanu siin doonaa, annaga baaqayagu waxa weeye in loo soo gurmado Togdheer, Togdheer waa xudintii Somalilandย  wixii ka dhaca Togdheer dalka oo dhan ayuu saameeyaaย  Col iyo nabad iyo cudur-ba & Barwaaqoba, markaa waxaanu leenahay walaalahayga halkaasย  Jooga Awdal iyo Maroodijeex iyo Cisbitaalada gaarka loo leeyahay in loo soo gurmad Burco iyo Togdheer-ba waa hawl qaran, waxa weeye jihaad ayaad ku jirtaan jihaadkaana maaha in la idinku eego idinka keligiin.โ€œ

Guddoomiyeย Cabdiqaadir Jirde oo oo haddalkiisa sii wata ayaa sheegay noocyada ay ka kooban tahayย  deeqdan uu Xisbigaย  WADDANIย soo gaadhsiiyey Cisbitaalka Burco, waxa uu yidhi:

โ€œWax Buuran ma sidno markaa wixii aanu is lahayn waa mihiimย  ee naloo sheegay in loo baahanyahay ee deg dega ahaa,waxaanu soo helnay iyo waxaanu weynayba,markaa isuduwe waxaanu doonaynaa in aad naga guddoonto hawshaa iyo alaabtaa, intaana kaga hadhimayno waxay ka koobantahay deeqdan aanu sidnaaย 1.i.v fluids eg ringers lactate,normal saline.2.antibiotic eg. Doxycycline , tetracycline, ciprofloxcine,3. Iv cannole 4.ors and zinc tablet. Iyo biyo nadiif ah.โ€

Dhanka kalena Isuwaha Wasaarada Caafimaadka ee Gobolka Togdheer oo deeq ka guddoomey Xisbiga WADDANI, ayaa ka mahadnaqay deeqdaasi, waxaanu yidhi:

โ€œGuddoomiye Jirde Dr Fadal , Marwo Faadumo iyo dhammaanba masuuliyiinta kele ee Xisbiga WADDANI ee halkan noogu yimi ee soo dedeelay ee na soo gaadhsiiyey daawooyinka, ย markaa aad iyo aad ayaan idiinka mahad-naqaynaa.โ€œ

Ugu Damayntii Guddoomiye Cabdiqaadir Jirde ayaa sheegay in aanayย  gurmadka intaa ku daynay ee ay wadayaan, waxaanu xusay in ay soo wadaan deeqoย  kale oo ballaadhan, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

โ€œWaxa maqan oo soo socdaย  noo imanaya oo gurmadkaa ka qayb-geli doona Musharxii Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Cirro iyo Hoggaamiyihii Xisbiga WADDANI Xirsi Xaaji Cali oo Dubai ku maqan oo iyana aanu hawsha gaadhsiinay iyanaย  dedaalkooda dawladdahaa iyo wixii ay keeni karaanba keenay.โ€

bandhige@gmail.com