Buubaayow, khariiradda siyaasadeed ee bedelaysaa maxay tahay? (WQ: Xuseen Maxamed Maxamuud “Xuseen-lucky”)

 

Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa oo ah mid ka mid ah siyaasiyiinta dhawaan ku soo biiray Xisbiga Waddani, aadna uga mid ah siyaasiyiinta u dhashay Somaliland ee aan qarsanin aaminsanaanta midnimadda umadda Somaaliyeed, dhawaana ka soo gurya-noqday Magaaladda Muqdisho oo uu waqti dheer ku sugnaa, ayaa mar uu la hadlayay haween kusoo biiray Xisbiga Waddani waxa uu yidhi erayadan:

“Horey ayaan u sheegay in ku soo biiristayada Xisbiga Waddani ay beddeli doonto khariidada siyaasadeed ee Somaliland”

Haddaba, weedhahani waa kuwo ka xeeldheer inta dad badani malaynayaan.  Taa macnaheedu waa in qaabka iyo hannaanka ay ku soo socotay siyaasadda Somaliland ee gooni-isu-taaga ahi mudadii 25-ka sanadood ee ina soo dhaafay wax weyn laga beddeli doono siyaasiyan iyo mabda’iyan labadaba, iyadoo laga guurayo juquraafiga siyaasadeed iyo nadariyadda siyaasiga ah ee maanta degtay quluubta shacabiga Somaliland.

Dhab ahaantii, su’aasha sida qotada dheer u miranaysa laabadaha dadka qaar waxay tahay, ereyadani ma kuwo ku eg qalbiga iyo rabitaanka Ismaaciil Buubaa oo keli ahbaa, mise, waa barnaamij siyaasiya oo ay la wadaagaan ragga ay taladu ka go’do ee xisbiga Waddani oo ugu horeeyo Guddoomiye Cirro? Waa su’aal jawaabteedu ay weli maqan tahay.

Docda kale, arrinta kale, ee iyana xasaasiga ahi waxay tahay, mar la weydiiyay Ismaaciil Buubaa in uu ka tanaasulay fikirkiisii ahaa Soomaali-weynta ahaa iyo in kale, ayaa wuxuu ku jawaabay sidan:

“Marka aad ka tanaasushaan maryo-aloolnimada ayaan ka tanaasulayaa fikirkaygii Soomaaliweyn”

Taas oo iyada lafteedu ahayd mid ka turjumaysay naxli iyo buqdi ku arooraya dagaaladii sokeeye ee Somaliland ka dhacay 1994-1996 kii oo Ismaaciil Buubaa ka mid ahaa siyaasiyiintii dabkaas shiday ee markii danbena Xamar u cararay.

Waxaa kale oo ay calaamatul su’aal weyn saaraysaa sida Xisbiga Waddani loogu aamini karo ka midho dhallinta waxa inta badan Shacabka reer Soomaaliland aaminsan yihiin, oo ah Somaliland ka madax banaan Soomalida inteeda kale oo noqota dal xor ah oo caalamkana ictiraafo, taas oo ah waxa ay in badan oo reer Somaliland ahi ku riyoonayeen muddo 25 sannadood ah, balse weli u auuqata mid aan waxba ka soo naasa-caddaan.

Gunaanadkii, waxaa laga rabaa in Madaxda Xisbiga Waddani sharaxaad ka bixiyaan waxa ay siyaasiyan ku aroorto beddelka khariidadda siyaasadeed ee Somaaliland ee Ismaaciil Buubaa ka dhawaajiyay iyo weliba sida Siyaasi caddaystay in uu aaminsan yahay Fekerka Soomaliweyn oo ah qadiyad ka gedisan tan dadka dhulkani aaminsan yihiin uu ula jaanqaadi karo siyaasadda xisbigooda, waaba haddii ay xisbi ahaan ka aragti duwan yihiin fikirka siyaasiga ah ee Ismaaciil Buubaa, iyadoo dad badani qabaan in hgogaanka xisbiga Waddani ay qabaan fikirka Ismaaciil Buubaa, balse ay ka maagayaan in ay sidiisa oo kale ugu dhawaaqaan si cad sababo siyaasiya awgeed.

Isku soo wada duuboo, waxaa loo fadhiyaa jawaabta arrintan khusaysa ee ka timaada hoggaanka Xisbiga Waddani iyo taageerayaashooda.

Wa Bilaahi Towfiiq

Hoos ka akhri maqaalladii hore ee Xuseen-Lucky

Carruurta malcaamadaha dhigta ayaa ku haboon inay rabbi Inoo…

Ma gurmad baa mise waa tamashlayn?

Abaartii Dabadheer waxaynu haysanay Dawlad uu Madaxweyne-ku-Xigeenkeedu ahaa General Ismaaciil Cali Abokor, maantana…

Waayaha dadka ay abaaruhu haleeleen iyo weedha wasiirad Samsam, laba aan is lahayn

Nidaamyada faasidka ahi waxay dadkooda baraan in ay noqdaan kuwo aan runta waajahin, dhibkoodana ay xalkeeda cid kale ka sugaan

Colaadda Gaalkacayo ka oogani, waxay ceeb ku tahay caqliga bulshada reer gaalkacayo

Wasiir Shucayboow, dalka ma Hargeysa ayuun baad ka taqaanaa ama u taqaanaa?

Tolow, goorma ayaynu garan doonaa in aynu waddo khaldan raacayno

Burco

Email, husseinlucky@hotmail.com