Raysal-wasaaraha Israa’iil waxa uu yeedhay danjirihii Maraykanka u fadhiyey

Raysal-wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netenyahu, ayaa xafiiskiisa ugu yeedhay dan jiraha Maraykanka u fadhiya dalkaas, kadib markii ay soo baxday xiisad ka dhalatay qaraar Qaramada Midoobay ku dhaleecaysay deegaamaynta laga wada dhulka la haysto ee Daanta Galbeed iyo bariga Quddus.

Sannado badan ayuu Maraykanku ka dhex difaacayey Qaramada Midoobay, laakiin habeenkii Jimcihii codkii diidmada qayaxan ahaa muu adeegsan. Waxaana la meel mariyey qaraar dhaleecaynaya Yuhuudda lagu degaamaynayo dhulka la haysto, iyadoo la muujiyey rajada ay Falastiiniyiintu ka qabaan in dhulkaasi maalin uun ka mid noqon doono dowlad ay iyagu leeyihiin. Deegaameyntaa waxa lagu tilmaamay in ay tahay mid sharci darro ah oo si qaawan ugu xad gudbaysa sharciga caalamiga ah.

Israa’iili-yiintu se gabi ahaan ba way ku gacan saydheen go’aanka waxa aanay rumaysan yihiin in Washington hagratay.

Netenyahu wuxu aaminsan yahay in maamulka Obama si xeeladaysan uga galgashay arrintan oo uu damacsanaa in uu dhirbaaxo diblomaasiyadeed ku dhufto Israa’iil. Raysal-wasaaruhu wuxu doonayaa in la siiyo tafaasiil dheeraad ah oo wuxu xafiiskiisa ugu yeedhay danjiraha Maraykanka.

Markii horena waxay Israa’iil sidoo kale u yeedhay danjirayaasha dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka oo ay ku jiraan kuwa Ingiriiska, Faransiiska iyo Ruushka u fadhiya Israa’iil si loogu muujiyo sida ay Israa’iil go’aankaa uga xun tahay.

Natenyahu waxa uu sidoo kale diiradda saaray Qaramada Midoobay waxaanu amar ku bixiyey in dib loo qiimeeyo xidhiidhka ay Israa’iil la leedahay ururka Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa. Durbana way iska caddahay in qaadhaankii ay Israa’iil siin jirtay hay’adaha Qaramada Midoobay la jari doono.

bandhige@gmail.com