Cilmi baadhista iyo ururinta xoguhu waa hubka ugu wayn ee loo adeegsato jaangoynta mustqablka iyo hawlgallada la doonayo in la fuliyo. Dunida horumartay ma jirto tallaabo la qaado ilaa ogaansho iyo xog la’aan. Haayadaha caalamiga ah ee ka hawl gala gudaha Soomaaliya oo dhan, maalin kasta, todobaadka kasta iyo sannad kasta waxa ay ururiyaan xogo kala geddisan oo ku wajahan guud ahaan dalka. Muddo sannad iyo dheeraad aan ku dhex jiray ururada iyo haayadaha, maalin kasta waxa barta farriimaha ciwaankayga iigu soo dhici jiray xogo aad u badan oo khuseeyaa guud ahaa arrimaha Soomaalida.
Xogahaasi waxa ay isugu jiraan xogta ah in tiro koob lagu hayo tuulo, degmo, gobol iyo magaalo kasta oo Soomaaliya ku taala, waxa kale oo xogahaas ka mid ah in dadkaas la ogyahahay inta caruur ah, haweem ah, rag ah iyo weliba noocyada ay u kala baxaan. Waxa kale oo qoran oo la ogahay xogaha dhaqaalaha, caafimaadka, waxbrashada iyo arrimaha siyaasadda. U jeedku ugu wayni waxa kale maahane waa in xogahani go’aaminayaan siyaaSaadaha iyo dahana gaarka ee ay cidi leedahay, ha ahaadeen iyo shisheeye iyo sokeeyaba.
Nasiib xumo, ma jiraan haayado ay Soomaalidu leedahay kuwaas oo haya amma qora xog ku saabsan arrimaha dadka iyo dalka, meesha ugu macquulsan ee xogo lagu qori lahaa ayaa ah jaamacadaha, se kuwaas waxa gabbalkoodu dhacay marki ay isu baddaleen meheradu ganacsi oo keliya ardeyga laga sugo uun lacagta. Wakhtiyadii la bartay jaamacadaha, waxa loo samaystay saddex u jeeddo oo waawayn oo kale ah:
- In Jaamacaduhu Ay Dadka Wax Baraan Oo Ay Jahliga Ka Saaraan
- In Jaamacaduhu Dalka Ka Caawiyaan Xogaha Iyo Cilmi Baadhista
- In Jamaacaduhu Bulshada Kala Qayb Qaataan Horumarka Togan
Se sida la ogahay ma jirto jaamacada isku hawshay in kharash ku bixiyo ururinta xogaha iyo cilmi baadhisyada muhiimka ah ee wax ka baddalaya nolosheenna. Sannad kasta jaamacadaha waxa kasoo baxa kumanaan ardey, ugu yaraan 2 qof ayaa qora buugga jaamacadda lagaga baxo, se waxa aan odhan karaa wax yar ayaa ka run ah xogaha ay ardeydaas qoraan, maxaa yeelay waalid, dawlad iyo jaamacad toona ardeyga kama taageeraan qoritaanta iyo helista xog sax ah oo laysku hallayn karo.
Taasina waxa ay innagu bannaysay albaab wayn oo cid kasta iska soo gashay, haddii la doonayo in gudaha Soomaaliya hawl yar laga fuliyo waxa khasaba ah in xog la helo, haddii xog la waayo waa in hawshaas ay dib u dhacdaa inta xog laga soo ururiyo arrinkaas, taasna waxa ay keentay in ay aad u yaraadaan hawlaha la doonayo in dalka laga fuliyo. Saas awgeed akhriste qormadan yar waxa aynnu ku faaqidaynaa buug ay qortay haweenay Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Saado Mire oo ah haweenay ku takhasustay agabka haraadiga ah ah barashada iyo ogaanshaha raadadka, lafaha iyo agabka dadkii hore.
Akhriste buuggan waxa uu daaha ka qaadayaa xogo badan oo dahsoon oo aan laga ogahay geyiga Soomaalida iyo badiba waddamada woqooyiga Afrika oo badi aqoon yahannada cilmiga bulshadu ay af ahaan iyo dhaqan ah isugu soocaan. Dadka xiiseeya cilmiga bulshada iyo cilmiga raadadkii hore waxa ay ka heli karaan xogo ku saabsan dadkii ka horreeyay Islaamnimada iyo weliba dadkii ka horreeyay Masiixnimada. Geeska afrika wa gobol ay ragaadiyeen masiibooyin badan oo isugu jira, abaaro, colaado, loollan u dhexeeya quwadaha adduunka iyo mashaqooyin kale oo badan, saas awgeed buuggan waxa uu kuu sheegayaa waxa ay salka ku hayaan dhibaatooyinkaas iyo sida ay kusoo bilaabmeen. Buuggan waxa uu ka kooban yahay 6 cutub oo ballaadhan oo mid kasta aad ugu tagayso xogo cajiib ah.
Cututubka 1aad: Cutubka ugu horreeya waxa uu ka faalloonayaa mawduucyada, nururka, eray bixinnada iyo taariikh dhuleedka uu buuggan daarran yaahay. Cutubka waxa uu daaha ka faydayaa aragtiyaha laga laga aaminsan yahay gobolka iyo doodaha la xidhiidha dhaqanka ee ku ladhan bulshada geeska Afrika, iyo sida ay xidhiidh ula leeyihiin haraadiga dadyowgii hore. Waxa uu daaha ka qaadayaa aragtiyaha iyo dhibaatooyinka ay ka dhaxleen dadyowgii ka shaqaynayay daraaSaadoha la xidhidha geyigan dunida ka hadhay iyo guud ahaaan hordhaca iyo nuxurka guud ee uu buuggani gudbinayo.
Cutubka 2aad: Deegaanka Aw-barkhadle oo masaafo dhan 30 Kiiloo mitir dhanka bari ka xiga magaalada Hargeysa ayaa dadku waxa ay kasoo wariyaan sheekooyin kala geddisan oo aad u kala fog, dadka qaarkood waxa ay sheegaan inay ahayd meeshii ugu horraysay ee degu ninka isaaqu ku abtirSaadoan ee Sheekh Isxaaq Binu Haashim, dadka qaarkood waxa sheegaan ninka ku magacaaban deegaanka ee Aw-barkhadle uu yahay ninkii ugu horreeyay ee dadka baray higaadda iyo qoraalka afcarbeedka. Xogo kale waxa ay xusayaan inay goobtu xaj u ahaan jirtay masaaridii hore, isla markaana ay goobtani ahayd maray isku xidha gobollada udugga ee Budlaan iyo deegaanka Saylac oo faraacinaddu ku nasan jireen.
Xogo badan ayaa xusaya in dadka ku hadla afka Kushutiga oo ay Soomaalidu ka mid tahay ay caabudi jireen ilaah ay odhan jireen Ilaaha cirka amma Waaq oo aynu badanaa maqalno, qoraalo badan oo la qoray wakhtiyo fog ayaa xusaya in deegaanka Aw-barkhadle uu yahay meesha ay dadkaasi xaj ahaan u iman jireen, muddo aan sidaa u fogaynna waxa la sheegay inay dad badan imaan jireen oo ay xoolo ku qali jireen isla markanaa goobta ay muddo badan joogi jireen, saas ageed cutubkan waxa uu ka faaloonaaya xogaha badan ee ku duugaan deegaankan.
Sannadku marka uu ahaa 1171 ee taariikhda miilaadiga ah ayaa la xusayaa in in ninkan Aw-barkhadle oo magaciisa oo dhammaystiran uu yahay Shariif Yuusuf Aw-barkhdle oo loo garan og yahay (Yuusuf Al-kownayn) akhriste waxa aad in badan maqashay nin lagu macaabi jiray Bucur-Bacayr, buuggan ayaa xogo badan kaa siinaya cidda uu ahaa walow ninkaas u noolaa muddo aan sidaa u fogayn, sida la sheegayna waxa uu xidhiidh la leeyahay dadkii ku cibaadaysan jiray xajka Aw-barkhadle.
Cutubka 3aad: Si aad u aaminto xogaha ku saabsaan deegaanka Aw-barkhadle, cutubkan waxa aad ku arkaysaa sawirro, xabaalo, agab, dhagaxaan, qoraallo, astaamo iyo waxyaabo kale oo muujinaya muhiimadda uu deegankani ku leeyahay taariikhda. Waxyaabaha aad cutubkan ku arkayso ayaa ah xiddigta ku qoran calanka yuhuudda iyo weliba calaamadda iska tallaabta ah ee Kiristaanka, sidoo kale cutubkan waxa aad arkaysaa raadadka iyo haraadiga dhismayaal hore oo deegaanka ka dhisnaa. Sido kale cutubkan waxa uu kuu sheegayaa guud ahaan agabka iyo waxyaabaha qaariibka ee deegaankan ku duugaan kuwaas oo aan badi Soomaalidu ogayn, isla markaana aanay jirin cid wax ka qortay, xataa buugaagta dugsiyada lagu dhigto kuma arkaysid xogaha uu deegaankani leeyahay.
Curubka 4aad: Deegaanku saamayn taban iyo mid toganba ku leeyahay hab dhaqanka bulshada, sidaas oo kale dhaqanku waxa uu kasoo bilaabmaa koox meel deggan oo ku fidday deegaanka, xogaha kala duwan ee deegaanka laga qoray ayaa waxa ay xusayaan in caado dhaqameedyada haweenku Soomaalidu ay leeyihiin ay kasoo bilaabmeen deegaanka, maadaama uu deegaankani ay isaga dambeeyeen dadyow kala geddisan dhaqan ahaan, diin ahaan iyo af ahaanba. Tusaale ahaan caado dhaqameedka xun ee gudniinka fircooniga ah ayaa la sheegaya in deegaanki uu yahay meesha uu Soomaalida kasoo galay, sidoo kale caadooyinka kale ee Haweenka Soomaaliyeed leeyihiin amma lahaayeen ayaa waxa ka mid ah sidaadka, saarka iyo caadooyin kale oo badan.
Sidoo kale dhaqannada Soomaalida waxa ka mid ah dabaqada ay leeyihiin oday dhaqameedyadu sida Ugaas, Caaqil, Garaad, Suldaan iyo kuwa la halmaala ay markii ugu horraysay kasoo baxeen deegaankan. Waxa kale oo uu cutubkan ka faalloonayaa agabkii loo adeegsan jiray cuntada ee Soomaalidu dhaqanka u lahaayeen ee ay ka midka ahaayeen xeedhada, faldhaaalka, hadhuubka, sibraar iyo qaar kale oo badan oo qoraallada tixraaca ee buuggan ay qaarkood sheegayaan in deegaankani uu ahaa meelihii ugu horreeyay ee agabkan laga adeegsado.
Curubkan sidoo kale waxa uu soo bandhigayaa agabyo badan oo loo adeegsan jiray cuntada oo Soomaalida iyo Oramadu ay aad isu shabbahaan. Sida aynnu horey usoo xusnayna bulshada ku dhaqan geeska Afrika waa kuwo wadaaga dhaqanno badan. Ugu dambiina cutubkan waxa uu si guud uga hadlayaa daawo dhaqameedyada ay Soomaalidu leedahay ee ka midka yihiin, Tiiraha, Likaha, asalka iyo daawooyin kale oo badan oo deegaanadu ku kala geddisan yihiin.
Cutubka 5aad:
Cilmi baadhayashu waxa ay is waydiiyaan dalka itoobiya Islaamka ka hor waxa ka jiray oo saamayn ku lahaa isla wakhtiganna ku leh diinta Kiristanka, Soomaalidu diintee ayay aaminsanaayeen wakhtigaas ? waa waydiin madaxa daalinaysa ! sida in badan la bulshada geeska afrika wax badan ayay wadaagaan sida dhaqanka oo kale, se waxa is waydiin leh Soomaalidu maxaa ay aaminsanaayen Islaamka ka hor ? Tusaale ahaan dalka Itoobiya waxa lagu arkayaa raadad waawayn oo ah Diinta kiristaanka, se dhulka Soomaalida lama hayo astaamo iyo caddaymo muujinaya in geyigan ay diini ka jirtay.
Geeska Afrika waa marin muhiim oo xidhiidha dalalka bariga iyo galbeedka ee dunidan, saas awgeed waxa kale oo lays wadiinayaa Jasiiradda carabta iyo dhulka Soomaalidu masaafo badan ma kala foga, maxaa ay Soomaalida usoo gaadhi wayday Diimihii laga aaminsanaa Jasiiradda carbeed ? saas ageed buugaan waxa uu xogo badan innaga siinaya caqiidooyinkii la aaminsanaa wakhtigaas. Sida aad ku arki kartana cutubka 3aad ee buuggan in la hayo astaamo iyo sawirro ay ku xardhan yihiin xiddigta ku sawiran calanka Yuhuudda iyo calaamadda Kiristaanka ee iska tallaabta ah.
Cutubka 6aad: Cutubkan ugu dambbeeyaa waxa uu ka hadlayaa aragtiyaha iyo khuraafaadyado badan oo wakhtigaas la aaminsanaa, badiba deegannada Soomaalida iyo Oromada. Qoraalka cutubka baaxaaddisa waxa uu buuggu kaga hadlayaa dhaqanno badan iyo agab faro badan oo labadan qoomiyadood wadaagaan iyo sida ay ilaa wakhtigan xidhidhka u leeyihiin. Haraadiga ( Archaeology) oo ah hadhaaga dadkii hore sida, lafahooda, xabaalaha, agabkii, sumahadihii iyo astaamihii ay dadyowgaas lahaayeen iyo sida ay xidhiidhka u laaheeyeen ayuu curubkani si faah-faahsan uga hadlayaa.
Cutubkani waxa uu sidoo kale soo bandhigayaa deegaanno kale sida awbarkhad laga heli karayo haraadiga dadyow hore, deeggaannadaas wax aka mid ah, laas-geel, gobolka siiba deegaanno u dhaw buurta Daalo, deegeennado ka tirsan dhulka Oromada, deegaanka Diinqal, Dhagax kuure iyo deegaanno kale oo badan. Sidoo kale cutubkan waxa aad ku baranaysaa sida loo garto ee lagu ogaan karo deegannada iyo astaamaha ay lahaayeen dadkii hore iyadoon wax qalab ah la adeegsanayn. Ugu dambbayn curubkan, waxa uu soo bandhigayaa haayadaha ay ururada ay dadkaasi lahaayeen, sida ciidanka, wadaaddada diimaha, odayaasha dhaqanka iyo guud ahaan qaab dhismeedka iyo qaab nololeedka ay dadkaasi lahaayeen.
Waa tuma Saado Mire ?
Saado Mire Waxay ku dhalatay magaalada Hargeysa, waxaanay ku barbaartay Muqdisho, Soomaaliya sanadkii 1977, aabaheed wuxuu ahaa dambi baadhe booliis ah, wuxuu u dhintay jidh’dil iyo helitaan la’aan daryeel caafimaad sababo la xiriira rabshadaha siyaasadeed iyo kuwa qabiilka ku saleysan ee ka taagnaa waddanka. Saado Mire 1991, waxay ka qaxday Soomaaliya iyada iyo hooyadeed iyo walaalaheed, intii lagu jiray Dagaalkii Sokeeye ee Soomaaliya Saado Mire iyo mataanteeda, Sohur, waxay u haajireen Iswiidhan halkaas oo walaasheed ka weyn ay ku noolayd oo ay magangelyo ka heshay.
Mataanahan ayaa markii dambe u guuray Boqortooyada Ingiriiska, oo ay wax ku soo barteen. Saado Mire waxay baratay Cilmiga Archeology’ga, oo Saddexdeeda heer ee kala ah BA degree-dii, MA oo African Archeology’ga ay si gaar ah ugu sii takhasustay, ugu dambayna waxay 2009, qaadatay PHD isla Cilmigan ah. Waxay kasoo shaqaysay oo ay cilmi baaris yo ka sameysay soomaalilaan, United kingdom, Danmark, Sweden, Itoobiya, Kenya, Jabuuti iyo Masar, waxayna ka soo shaqeysay Barnaamijyada Horumarinta ee Qaramada Midoobay. Waxay ka qeyb gashay gudiyada tifaftirka, ee qaabilsan dib u eegista taariikhda iyo Raadadka qadiimiga ah eeAfrika. Waxay ummadeena soomaaliyeed ku dhiirrigelisay barashada taariikhda Soomaalida. sidoo kale waa madaxa waaxda Aasaarta qadiimiga ah ee Somaliland.
Saado Mire, oo hoggaaminaysa koox ka kooban 50 caawiye, ayaa ka soo heshay Somaliland farshaxanka dhagxaanta taariikhihii hore ilaa 100 goobood walow ay jiraan Archeologist’yaal uga horreeyay arrimahan Baadhista Aasaarta, haddana lama helin cid Danayn gooni ah siinaysa, iyo cid si hagar-la’aan ah uga shaqaysaba, cid bililiqaysata iyo Cid kor-ka-xaadis u baadha mooyee; ugu yaraan 10 ka mid ah waxay u badanyihiin goobahaasu inay Laga heli doono Asalka Raadadka Hiddaha Adduunka. Sida Laasgeel iyo Aw-barkhadle. Sidoo kale Goobta Dhambalin, oo ku taal meel qiyaastii 40 mayl (64 km) u jirta Badda Cas, waxaa ku jira farshaxanka dhagaxa ee hoyga dhagaxaanta, oo lagu qiyaaso 5,000 sano jir, lo’ geeso leh, ido, iyo riyo ba.
Si loo baro dadkeeda hiddaha dhaqameed iyo farshaxan ee dalkeenna, una sii socota sahaminta Raadadka qadiimiga ah oo ay UNESCO u hesho Goobaha Dhaxalka Dunida qaar ka mid ah, meelo farshaxan dhagaxeed ee dunidu ah laga helayo, waxay asaastay “Horn Heritage”, oo ah NGO ama urur aan ahayn macaash-doon. Waxay sidoo kale ka qayb qaadatay aasaasidda Waaxda Dalxiiska iyo Raadadka qadiimiga ah, ee Soomaaliya. Iyada oo loo sii marinayo hay’addeeda samafalka ee Horn Heritage iyo la-hawlgalayaasheeda, Saado Mire waxay billowday oo ay hirgelisay mashaariic digital (3D) ah iyo Virtual Reality (VR) oo loogu talagalay hiddaha Soomaaliyeed, si qof kasta, meel kasta jooga uu uga heli karo, u galana socon karo shaqadeeda farshaxanka. Sannadkii 2006, Saado Mire waxay abuuray degelkii ugu horreeyay ee loogu talo galay Hiddaha iyo Raadadka Qadiimiga ah ee bulshada Soomaaliyeed.
Saado Mire waxa ay wadday ololeyaal warbaahineed oo si dheer iyo si gaabanba lagu gaadhsiinayo Dunida, la dagaallanka bililiqaysiga iyo burburinta goobaha qadiimiga ah ee Soomaalida. Website’yo, wargaysyo iyo Tv-yo baddana ayaa ka sameeyay, Dukmentariyo ay kaga hadlayaa Nolosheeda, shaqadeeda iyo Baadhisaha dardarta leh ee ay ka wado Taariikhaha Qadiimiga ah.Tv-ga CNN’ta ayaa ka sameeyay Dukmentari uu kaga hadlayo, Hayaankii nololeed ee Saado iyo Walaasheed Suhuur– oo iyana hayaankeedii waxbarashadeed keddib 2011 ka shaqo gashay Soomaalilaand, iyadoo ka socota MSF(Medicine Sans Fronteirs), ama dhakhtarada bilaa xuduudda ah. Sidoo kale waraysi ay ka qaaddey BBC’da qaybteeda soomaaliga oo ay siisay wakhtiyadii ay soo Saaraysay Buugeeda “Divine Fertility: the Continuity in Transformation of an Ideology of Sacred Kinship in North-East”.
Ayaa waxa ka mid ahaa haddalkeedii, “Buuggani waa buug aan bilaabay Tobon sanno ka hor, islamarkaana aan ugu hawlgalay inaan fahmo taariikhdii iyo dhaqamadii soo maray geeska Africa si gaar ah taariikhda soomaalida iyo Meesha aynu kasoo galno dadka aynu wada daganahay ilaa Badda cas. Waxaan u kuurgalay, si aan u ogaado dhaqamadii, xadaaradihii iyo Raadadkii illaa 3000-5000 oo sanno ka hor”.
Deddaalka dumarnimo iyo ka Raadad taariikheed ee ay inoo soo bandhigtayba waan ugu hambalyaynaynaa.