Caqabadaha Haweenka Ka Haysta Doorashooyinka Soomalilaan Ee Sannadka 2021 (WQ: Muna Axmed, WT:Mukhtaar Axmed)

Warbixin ka kooban 9 bog uu daabcay machadka daraasaadka siyaasadda ee ( CPA Center For Plicy Analysis) ayaa si kooban oo oo nuxur leh waxa loogu faaqiday cabaqado badan oo haweenka ka hor taagan inay ka qayb qaataan doorashooyinka bisha dambe dalka ka qabsoomaya.  Sida lagu xusay hordhaca warbixinta ayaa waxa lagu sheegay in hadal haynta ku wajahan doorka haweenka ee doorashooyin iyo siyaasaddu uu yahay mid aad loo hadal hayo, waxaana aad uga hadlaya ururada bulshada rayidka, xisbiyada , xukuumadda iyo daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka.

Waxa in badan la yidhaahdaa “Dumarku waa inay kuraas badan ku yeeshaan golayaasha, dumarku waxa ay u qalmaan inay kuraas helaan, kaalintu haweenku waa ay bannaantahay, dumarka waa in kooto loo xidho, haweenka waa in lagu dhiirri geliyaa ka qayb galka doorashooyinka iyo siyaasadda, se falka ayaa ka cod dheer erayada. Waana run oo sidii loo qaatay hannaanka dimuquraadiyadda waa hadal hayn joogto ah, Soomaliduna wax ay tidhaahdaa “ hadal ha i odhan kuma yidhaahdo” cidna daacad kama hayo qaddiyadda haweenka iyadoo ay ugu wacan tahay caqabadaha iyo duruufaha jira.

Xilliga lagu jiro olalaha doorashooyinka, wadarta cod bixiayaashu waa haween, arrinta la yaabka leh ayaa in ragga awoodda ku haysta xisbyadu ay yool ka dhigtaan haween. Xisbayadu barnaamjiyadooda sidaad waxa ay kusoo daraan inay xoojinayaan oo ay badinayaan ka qayb galka haweenka ee doorashooyinka iyo siyaasadda. Mararka qaar wax ay saxiixaan inay ka go’an tahay in ay saami dhan boqolkiiba soddoon (30%) ay siinayaan haweenka haddii ay ku guulaystaan doorashooyinka. Laakiin doorashada ka dib waxaas oo dhan wuxuu noqdaa hal bacaad lagu lisay.

Doorashooyinka isku sidan ee la muddeeyay inay qabsoomaan bisha 5aad 31 keeda ee sannadkan 2021, machadka daraasaadka siyaasaddu waxa uu ogaaday in keliya 13 habeen ah ay u sharraxan yihiin golaha wakiilada marka loo eego 246 musharrax. Sidoo kale ay keliya ku jiraan 14 haween doorashooyinka golahayasha deegaan oo ay ka sharrxan yihiin in 650 musharrax. Musharaxiinta la rajeynayay inay kaasoo baxaan doorashooyinka isku sidkan ee sannadan ayaa dhan 993 musharax, iyadoo ay ugu wacan tahay degmooyinka qaar oo aanay cidi iska sharraxin sababo badan jira awgood.

Saas awgeed xogtani waxa ay faaqidaysaa 7 caqabadood oo haweenka ka hor taagan inay ka qayb qaataan siyaasadda iyo doorashooyinaka isku sidkan ee sannadkan ka qabsoomaya Soomaalilaan.

  1. Nidaamka siyaasadeed ee qabiilka ku dhisan

Dhaqanka soomaalidu ceeb ayuu u arkaa in haweenka lacag la waydiiyo, saas awgeed dhammaan lacagaha ku baxa doorashooyin iyo ololaayasha waxa bixiya rag. Sidoo kale qof aan wax lacag ah ku darsan xisbiga suuro gal maaha inuu is sharaxo, wax kale oo iyana xusid mudan in haweenaydo badanaa ay kasoo jeeddo laba belood ah beesha ay u dhaxday iyo beesha ay ka dhalatay, sidaas awgeed waxa la is waydiiyanaya maadaama ninku uu beeshisa ku matalo xisbiga, haweenaydu beeshee ayay ku matalaysaa ? mid ka mid ah haweenka waraysiga la qaadaya ay tidhi “ Aaabahay ayaa ii sheegay ciddaan u codaynayo”

Dhanka kale, xisbiga mar hore ayuuba sii go’aansaday cidda u codaynaysa oo xisaab hore ayaaba laysku sii dhufsaday. Xilliyada lagu jiro ololayaasha doorashada, odayaasha beesha ayaa lacagta qaadhaanka ah kasoo ururiyo dadka siiba ganacsatada iyo dadka wax haysta. Sidoo kale waxyaabaha lagu xusay warbxintan ayaa ah in  haddii haweenaydo doonto inay is sharaxdo ay odayaasha labada reer isu tagaan oo ay u diidayaan inay is sharaxdo,maadama haweenaydu dhex u noqonayso labada beelood ee u dhaxday midna ka dhalatay.

  1. Xisbiyada Siyaasadda

Xisbiyadu siyaasaddu waa warshada soo saarta hoggaamiyayaasha siyaasadda, waxa ay noqdeen kuwa ay madaxa iska duudeen raggu. Sida arki karaayo kala sarraynta awoodaha ee xisyada in guud ahaan guddoomiyaha, xoghaya, golaha dhexe iyo guud ahaa xilaka sare ay badankooda hayaan raggu. Keliya xisbiga wadda ayaa haweenay u magacaabay guddoomiye ku xigeenka 5aad ee xisbiga. Tan ayaa muujinaya in meesha ugu daran ee haweenka ka haysta inay door muhiin ah ku yeeshaan siyaasadda iyo doorashooyinka.

Bishii 9aad ee sannadkii 2020, xisbiyada Soomaalilaan waxa ay galeen heshiish ah in xisbi kasta uu musharraxiinta baarlaamka siiyo lix haween ah. Sida ay sheegayso xogta musharraxiinta golaha wakiillada in keliya Xisbiga Ucid uu fuliyay heshiishkaan oo ah in 6 haween ah ay uga sharraxan yihiin golaha wakiilada, halka Xisbiga Kulmiye uu sharraxay 4 haween ah, halka isna Xisbiga Waddani uu sharraxay 3 haween ah.

  1. Caqabadaha Maaliyadeed

Marka loo eego xeerka doorashooyinka ee cusub  (Xeer No. 91/2020), waxa uu sheegayaa haddii aad tahay qof haysta shahaadada koowaad ee waxbrashada oo aad leedahay doonis iyo riyo aad ku hoggaamiso dalka oo aad ka sharrxan tahay Golaha Deegaanka waa inaad bixinta lacagta diwaan gelinta musharraxa ah oo ah 15 milyan oo Shilinka Soomaalilaan ah, oo dhiganta 1764$ ah doollarka maraykanka. Sidoo kale haddii aad ka sharrxan tahay Golaha Wakiillada waa inaad bixinta lacagta diiwaan gelinta Musharraxa oo dhan 40 milyan oo shilinka Soomaalilaan ah una dhigan 4605$ doollarka Maraykank ah, ugu dambeynna haddii aad tahay Musharrax Madax wayne waa inaad bixisaa 150 milyan oo shilinka Soomaalilaan una dhiganta $17,647 oo doollarka Marakaykan ah.

Lacagahaas oo dhan waa keliya lacagta diiwaan gelinta, intaas waxaa dheer lacagata ololaha, warbaahinta, lacagta diiwaan gelinta xisbiga, hoolasha la kiranayso, odayasha iyo cidda kaala shaqaynaysa hawsha. Sida la ogahahay haweenku ma awoodaan waxaas oo lacago ah maadaama aanay lahayn ganacsiyo waawayn. Saas awgeed maaliyadduna waxaa caqabad ballaadhan oo aan si dhayal ah looga gudbi karin.

  1. Sharciyada Doorashooyinka

164 xuboono oo ah labada aqal ee wakiillada iyo guurtida waxa ku  jira hal qof oo haweenay ah. Sababtuna waa in mar kasta ninka laga door budo haweenayda. Marar badan waxa laysku dayay in haweenka iyo dadka la hayb sooco qoondo loo xidho, se haddana waxa lagu tilmaamay inay sharci darro ay tahay. Sidoo kale sharaciyada iyo qaab dhismeedka doorashooyinka haweenka si gaar ah uma tix galin, mana jirto waddo kale oo fududaynaysa in haweenku si sahlan uga dhex muuqdaan siyaasadda. Tanna waxa lagu tilmami karaa caqabad kale oo wayn oo haweenka ka hor taagan inay ka qayb qataan siyaasadda.

  1. Abuubulka iyo Ololeyaasha

Qaab dhismeedka iyo hogaha ololayaasha Soomaalilaan waa mid aad uga geddisan kan dunida kale, ololuhu waa waa mid ku salaysan hab reernimmo, cidda kuu ololaynaysa ee hawsha kula wadaysaa inay noqdaan reeraha. Taasina waxa ay keenaysaa in dib loogu noqda fadhiyada odayada iyo cuqaasha, sidoo kale ololuhu waa mid ku salaysan aragtida musharraxa, maxaa yeelay musharraxu waa mid matala shacab ballaadhan ee waxa uu matalaa koox dad oo ah beel meel cayiman degta, saasa ageed ololahaas waxa uu noqdaa mid wakhti lumis ah, lacag baddanna ay ku baxayso. Dhanka kale, qof kasta oo oo qayb ka noqonaya ololahaaga waxa uu doonayaa inaad u samayso ballan qaadyo badan sida inaad xil amma boos u magacaabtid, inaad lacag badan siiso iyo inaad ha furato hawlo adag oo aanad qaadi karin.

  1. Ka qayb Qaadashada Cod-bixinta

Haddii ay tartamayaan haweenay aqoon iyo khibrad leh iyo nin aan aqoon badan iyo khirbrad lahayn, waxa hubaal ah in ninku uu si fudud kasoo baxayo, sababtuna waa in xeer dhaqameedku wuu sidaas dhigayo, sidoo kale haweenayda suuqa loo geliyo dacaadayo anshax xumo ah. Sida in haweenay umulaysa oo ubad korinaysa oo wallacaysa ay timaaddo xafiis dadka looga adeegayo. Haweenaydu iskeed uma samaysan karto cidda u codonaysa maadamma odayaashu ay horey u doorteen cidda codaynaysa. Taasna waa caqad wayn oo hor taagan haweenka.

  1. Warbaahinta iyo baraha bulshada

Dunidu waxa ay la tacaalaysaa xanuunka daran ee Covid-19, saas ageed waxa yaraaday goobo badan oo laysugu imaan lahaa, walow Soomaalilaan weli dadku hawshooda caadi isaga wataan, saas ageed isticmaalka warbaahinta ayaa waxa uu cabaqad ku noqday ka dib maadaama odayaashu ay qaab qaddiimi ah amma qaab hoose hawsha u galaan oo ah in qoyska aabbahood la faro inuu ubadkiisa ku dhiirri geliyo inay cideen, sidoo kale badi reeruhu ay adeegsan qolalka Whatsppka oo mid qaalintu uu wataa uu maamule ka yahay.

Sidoo kale badi xarumaha warbaahinta ee dalka sida Tvyada, Wargeysyada iyo mareegaha waxa masuul ka ah ragga, taasna waxa ay keentay in aan wax muhiimad ah la siin haweenayda, sidoo kale barnaamijyada haweenka maaha mid ay muhiimad siiyaan baahintiisu. Dhanka kale lacagaha ku baxa warbaahintu waa kuwo aad sarreeyaa, maadama warbaahintu yihiin kuwo baahin wayn loo qabo waa in lacag badani ay ku baxdaa in warkaaga iyo xogtaada laa baahiyo.

Ugu dambayntii waraxbinta waxa lagu soo gabo-gabeeyay talooyin iyo soo jeedin ku wajahan caqabadaha haweenka ka haysta inay inay ka qayb qaataan siyaasadda iyo doorashooyinka. Warbixintan waxa laga fahmayaa in dhaqanku uu yahay caqabada ugu wayn ee haweenka hor taagan maadama meesha ugu horraysa ee hawshu ay ka bilaabmaysaa ay tahay in haweenda uu caaqilka amma odayaashu reerku marka horeba aqbalaan.

W/Q: Muuna Axmed Cabdi

W/T: Mukhtaar Axmed Nuur