Buugga Siilaanyo oo lagu xusay in aan xasuustiisu fiicnayn! (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

Buugga Siilaanyo oo lagu xusay in aan xasuustiisu fiicnayn.

Xildhibaan Cabdiraxman Yusuf Cartan ayaa ka marag furay inaan Xasuusta Siilaanyo fiicnayn xilligii uu Madaxweynaha ahaa.. Waxaanay sidaasi ku taallaaa buugga caawa la daahfuray. Aamina-Weris ayaa xog badan dabooshay.

Qoraalka ku xusan buugga ee aan sawirkiisa idiin soo gudbiyay, oo aan dib u qoray haddii aanu sawirku si fiican u muuqani waa kan:

“Il-wadareed aad u qiimo badani waxa uu ka yimi Marwada Axmed Siilaanyo ee Aamina-Weris Shiikh Maxamed Jirde. Waxa aan aamminsanahay in aan la’aanta Aamina-Weris aanu buuggani u suuragaleen qaabka uu u yaal. Kaalinta Aaminawaris ee qoraalka buuggani aad ayuu muhiim u ahaa.

Sababta oo ah markii aanu ku tallaabsannay qoraalka buugga, xasuusta Axmed aad u ma wanaagsanayn, mana uu xasuusan karayn tafaasiil badan oo ku saabsan xilliyo waa hore tegay oo habaaska waqtigu fuulay, waana halka ay Aaminawaris si la-yaab leh u gufaysay.

Baaxadda xogaha ay Aaminawaris ku biirisay buuggan ka sheekaynaya safarkii nololeed ee saygeedu, waxa uu muujinayaa xidhiidhka aadka u wanaagsan iyo nolosha ay wadaageen lammaanuhu.

Lammaanahani ma ayay ahayn oday iyo xaaskiisii sida ay badiba Soomaalidu u taqaanno, balse waxa ay ahaayeen laba qof oo aad u mutacallim ah oo nolosha si siman u qaybsada. Sida ay Aaminawaris ku faanayso inay saygeeda nolol iyo qadderin leh isla soo mareen uuna farax iyo murugo la wadaagi jiray wixii la soo dersa”

Eeg bogga makhaatiga u ah buuggii Miyiga illaa Madaxtooyada ee Hoggaamiye Hersi Hassan. Bogga 5aad ee buugga Axmed Siilaanyo: Nin Tacab Badan Geliyay Qaranka.