Ramadaanta iyo Xannuunka Macaanka: barakada soonka iyo badbaadada nafta (WQ: Dr. Abdikarim D Hassan)

Maalmo kooban ayaa inaga xigta bishii barakaysnayd ee ramadaan. Dad badan oo la nool xannuunka Macaanka ama Sonkorow-ga ayaa jecel in ay soomaan bishan barakaysan oo ay ajarkeeda iyo naxariista ilaahay ku guulaystaan.

Hasayeeshee xannuunka Macaanku waa xannuun la xidhiidha sonkorta jidhka oo uu miisaankii ka lumay. Uma jeedno in aan xannuunkan iyo sababihiisa ka sheekayno, laakiin waxaan dadka macaanka qaba la wadaagayaa tallooyin ka caawin kara in ay si fiican u fahmaan xannunka, ka dibna ay go’aan fiican qaataan: In ay soomaan ama ay iska dhaafaan.

Marka hore aan fahano saamaynta soonku ku yeesho jidhka qofka Macaanka qaba. Khataraha ka dhalan kara soonka waxa ugu muhiimsan oo aynu halkan kusoo koobi doonaa afarta ugu waawayn.

1. In sonkortu aad kor ugu kacdo xiliga qofku uu soomanyahay ( Hyperglycaemia)
2. In sonkortu si aad u khatar ah ay hoos ugu dhacdo (Hypoglycaemia)
3. Xaalad loo yaqaan keto-acedosis oo ah in dhiiga qofka aysiidh ku samaysanto (Ketoacedosis).
4. Fuuq-bax iyo xinjirow dhiiga ah (Dehydration and Thrombosis).

In sonkorta dhiigu hoos u dhacdo ama kor u kacdo waa khataro qofka macaanka qabaa si joogto ah ula nool yahay, laakin soonka ramadaantu khatartaas ayuu sii kordhidaa in kabadan shan libin laab. Labadan khatarood waxay aad ugu sii badan yihiin dadka qaba Macaanka nooca kobaad.

Isbedelo farabadan oo mudada dheer wax yeelo ku ah jidhka oo dedejiya xannuunada wadna xannuunka, kelya xannuunka iyo xinjirowga dhiiga ka dhasha soonka. Isbedeladan intooda badan waxa dhacda in qofku aanu markaas dareemin laakiin ay si wayn u saameeyaan jidhkiisa. Cilmi-baadhiso badan ayaa arintan taageeraya oo lagu sameeyay wado badan oo muslim iyo reer galbeedba ah, waxa ka mid ah Saudi Arabia, Pakistan, Malaysia iyo Turkey.

American Diabetes Association (ADA), European Diabetes organisation iyo International Diabetes Federation (IDF) oo ah saddexda urur Hay’adood ee aduunka ugu wayn ee daraasadeeya xannuunka Macaanku waxay ku heshiis yihiin in qofka macaanka qaba ay u fiican tahay in uu soonka iska daayo bisha ramadaan caafimaadkiisa dartiis. Hadii aanu taladaas u hogaansami karin oo uu go’aan sado in uu soomo waa in uu la tashado dhakhtar si ay u helaan talo u gaar ah oo ku haboon xaaladiisa.

International Diabetes Federation (IDF) waxay dadka Macaanka qaba u qaybisaa sadex qaybood: qolo khatartoodu aad u sarayso (very high risk) oo ay tahay in aanay soomin. Qolo khatartoodu dhexdhexaad (high risk) tahay oo lagula taliyo in ay iska daayaan soonka laakin hadii ay go’aansadaan soomka in ay taxadaraan oo ay qaadaan tallaabooyin ay isku ilaaliyaan. Qolo khatartoodu hoosayso (moderate/low risk) oo soomi kara wax dhib ahina aanay badnayn.

Qoloda koobaad waxa ka kamid ah (very high risk group):

• Qof sonkortiisu hoos u dhacday heer uu miyir doorsoomay sadexdii bilood ee ugu danbeeyay (Diabetic com with last 3 months).
• Qof hadii uu ku dhacay Dhiig-aysiidh-ka macaanku keeno saddexdii bilood ee u danbeeyay (Ketoacidosis 3 months Prior to ramadan).
• Qof lagu yaqaan in si fudud sonkortiisu hoos ugu dhacdo, ama aan dareemin astaamaha sonkor soo-u-dhaca (Unaware of Hypoglycaemia symtoms).
• Qof qaba Macaanka nooca 1aad oo aan la xakamaynin (Uncontrolled T1DM).
• Qof xannuun kale macaanka u weheliyo (acute illness).
• Hooyo Macaaan qabta oo uur yeelatay, laguna daweeyo Insulin ama dawada Sulphonylureas.
• Qof kelyaha la maydho (Dialysis) ama heerka sadexaad ama afraad ee kelyo xannuunka maraya (chronic kidney disease stage 4 &5)
• Qof da’wayn oo xannuuno kale u weheliyaan macaanka.

Dadka noocyadaas ka midka ah waxa lagu adkaynayaa in qaataan talada caafimaadka oo aanay marnaba soomin ramadaanta.

Qolada labaad (high risk group) waxa ka mid ah:

• Qof qaba Macaanka nooca labaad oo mudo aan la xakamayn iyadoo uu dawo ku haboon uu qaato.
• Qof qaba Macaanka nooca kobaad oo sifiican u xakamaysan (Well-controlled TIDM).
• Hooyo Macaan qabtay ama Macaan qaaday intii ay uurka yeelatay kadib oo lagu daweeyo dawada Metformin ama cunto nidaamin.
• Qof kelyo xanuun derajada sadexaad ah qaba (chronic kidney disease stage 3.
• Qof qaba xannuunada wadnaha iyo xididada laakiin xasiloon.
• Dadka Macaan qaba kana shaqeeya shaqooyin howl adag leh, sida xamaalid, warshad, ama askar howl ku jira.
• Dadka qaata dawooyinka wax garadka maskaxda saameeya.

Dadkaa aynu soo sheegnay waxa u fiican in aanay soomin, waa in ay qaataan tallada dhakhaatiirta. Labadaad nooc ee hore haday ku adkaystaan in ay soomaan, iyadoo ay tahay qo’aan ay xaq u leeyihin in ay qaataan, waa in haystaan dhakhtar ay si degdeg ah ula xidhiidhi karaan hadii ay u baahdaan. Waa in ay si joogto ah, maalintii ugu yaraan saddex jeer cabiraan macaanka dhiiga.

Waa in laysku beego xadiga dawada uu qaadanaya iyo hadba sonkortiisu inta ay marayso, laakin dhakhtarka ayaa bedelaya, ma aha in qofku isagu iska kordhisto ama yareeyo dawada uu qaato. Waa in ay diyaar u noqdaan in ay soonka jabiyaan hadii ay dareemaan astaamaha hoos u dhaca ama kor u kaca sonkorta. Hadii hoos u dhaca ama kor u kaca sonkortu soo noqnoqdo waa in uu joojiyo soonka inta ka hadhay bisha.

Qolada sadexaad (moderate/low risk) waxa ka mid ah:
• Qof qaba Macaanka nooca labaad (Type 2 Diabetes mellitus) oo sonkortiisu si fiican u xakamaysan tahay laguna daweeyo mid ama wax ka badan oo dawooyinkan hoos ku qoran ah:
1. Qof lagu daweeyo cunto nidaamin iyo jimicsi.
2. Metformin. Acarbose. Thiazolidinediones. Sulphonylureas.
Qofkaas marka uu soomo waa in lasiiyo talo iyo wacyi-gelin kusaabsan macaanka, cuntada, howsha, iyo waxyaalaha ay tahay in uu ka digtoonaado. Waa in ugu yaraan laba jeer uu dhiiga cabiro maalintii. Xadiga wada uu qaato waa in loo miisaamo soonka iyo heerka sonkorta.

Lasoco qaybta danbe oo aynu kaga hadli doono cuntada bisha ramadaan iyo Macaanka.