Gaalnimada, jahliga iyo dhiiranaanta! (WQ: Dr-Abdulqani Hussein Beder)

Gaalnimada, jahliga iyo dhiiranaanta!
**************************
Gaalnimadu waa nooc ka mid ah dulmiga, waa xaq-duudsin, taasoo macnaheedu yahay: in xaq ay cid gaar ahi leedahay loo diidayo oo cid aan mudnayn la siinayo.
Xaq cidi leedahay waxa ugu weyn xaqa Alle addoomadiisa ku leeyahay, gaalnimona waxa ugu qaro weyn ta Alle lagu duudsinayo xaqa uu gaarka u leeyahay!
Alle waxa uu leeyahay xaqa Abuurka, Amarka iyo Cibaadada, isku dey kasta oo xuquuqdaas Alle loogu weecinayo cid aan muteysan waa gaalnimo.

Gaalnimadu waa denbi dhulka guudkiisa lagu galo midka ugu weyn, sidaas oo kale aakhirana ciqaab ta ugu xun baa laga dhaxlaa.

Sababaha gaalnimada keena waxa ugu weyn uguna horreeya aqoon darrida.

Aqoon darridu waa cadow, sidaa awgeed waxa ay qofka seejisaa wixii dan u ahaa, badhaadhihiisuna ku sugnaa.
Sidaas ayey aayadaha faraha badan ee quraanku tilmaameen, Nebigana SCW, markay qureyshi dhibtey ee madaxiisa ka dhiijisay waxa uu ku celcelinayey Allahayow tolkey u denbi dhaaf wax kuwo og ma ahee(اللهم اغفر القومي فإنهم لا يعلمون) !.

Waxa aan u kuur galay qormooyinka dadka qaarkood barahan bulshada ku baahiyaan ee ay arrimaha diinta wax kaga sheegaan, wax sheegistaas oo marar badan gaalnimo xambaarsan, waxana ii soo baxay in waxa ugu weyn ee gefafkaa gaalnimada gaadhsiisan in lagu dhaco sababta u ahi ay aqoon darro diineed tahay, ceebtuna waa dhiiranida aqoon darradu riixayso.

Haa waxa jiri kara kuwo belaysan oo la kireystay ama hawadooduba ka awood badisay, iyagoo hanuunka iyo xaqa garanaya oo aanay aqoon la’aani hayninna badheedhaya.

Sidoo kale gaalnimadu waxa ay yeelan kartaa sababo kale oon jahli ahayn, sida kibirka iyo isla weynida, hunguriga iyo dadnimo iibsiga.
Kibirka iyo islaweynidu waxay qofka ka hor istaagi karaa inuu xaqa raaco, xuquuqda lagu leeyahayna bixiyo.
Isla weynidu waa cudurkii Ibliis ku kelifay inuu yidhaahdo “Aadam oo dhoobo laga abuuray u sujuudi maayo, waayo anigaa ka khayr badan oo dabbaa layga abuuray “!, boqol jeer inay dhoobadu dabka ka wanaagsan tahay ma ogeyn !

Kibirku waa cudur qalbiga ku dhaca, Nebi Muxamedna SCW, waxa uu ku macneeyey kibirka: (Xaqa oo la diido iyo dadka oo la xaqiro)

“الكبر بطر الحق وغمط الناس”رواه مسلم في صحيحه.

Calaamadaha baadinnimada waxa ugu weyn Ahlul xaqa oo lala collaytamo.

Tawbada iyo tawfiiqda Alle ha ina waafajiyo.

Dr-Abdulqani Beder