Axmed M. Silaanyo waxa uu ahaa Hogaamiye aaminsan in xilka oo laysku sii xejiyo xilli aan haboonayn laga qaado xurmo la’aan iyo xagtimo baddan “Maxamuud Xaashi”

Axmed M. Silaanyo waxa uu ahaa Hogaamiye aaminsan in xilka oo laysku sii xejiyo xilli aan haboonayn laga qaado xurmo la’aan iyo xagtimo baddan.

Buuga lagu soo ban-dhigay taariikhda Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed waa buug qiimo leh waxa uu da’yarta u yahay dhaxal iyo dhigaal aan duugoobayn, muddo dheer ayaan aqaanay Axmed Silaanyo, halku-dhiyadiisii qiimaha lahaa waxa kamid ahaa maalintii burca-duuray ay mujaahidiin badani shahiideen waxa uu yidhi Lixle waxa uu ahaa geesi ku dhintay goob xarago leh, SNM-na waa wadda Lixe .

Hogaamiyayaashu waxa ay sameeyaan hal-ku-dhigyo taageerayaashooda wax ka badala,waxa ay dhisaan quluubta iyo yuhuunta shacabka,waxa ay bulshadda ay hogaaminayaan u til-maamaan wadada guusha iyo isbadalka.

Shirkii bali-gubadle 1990, SNM-gudaheeda waxa ka jiray xafiiltan xoog leh, mawqif siyaasiya oo geesinimo leh ayuu qaatay oo ah inuu tar-tanka ka hadho, hogaamiyayaashu waa kuwa gar-waaqsan in xilka oo laysku sii dhajiyo xili-yo aan haboonayn laga qaado xurmo la’aan iyo xagtimo baddan.