Buugani waxa uu ka kooban yahay 450 bog oo u qoran si wanaagsan oo farshaxanimo iyo afsoomaali lawada fahmi karo ah , buuga waxa tifaftiray Mustafe Khaire , Waxa daabacday shirkada Sagaljet Company qaybta labaad ee aan akhriyey ilaa hadda oo ah qaybta shanaad ee buuga iyo waxa ay nuxur ahaan xambaarsan tahay qormooyin muhiim ah oo ku sahabsan Somaliland , iyada oo aan idin xasuusinayo in aan qaybtii hore oo ka koobnayd 4 qaybood aan hore idiin kula wadaagay bartaydan.
Qaybta 5naad Waxa uu qoraagu si qoto dheer ugaga waramayaa dib ula soo noqoshadii jamhuuriyada Somaliland iyo halkii ay ka soo bilaabantay, halgankii SNM , dhacdooyinkii beesha caalamka iyo Maxamed Siyaad Barre dhex maray intii uu dagaalka kula jiray jabhadaha, natiijadii dagaalka iyo khasaarihii uu geystay.
Waxa ku xusan kacdoonadii bilaabmay ee ay ka mid ahaayeen kacdoonkii dhalinyaradii UFFO gadoodkii ardeyda , daryeel la’aanta dawlada ee caafimaadka, gaar ahaan cusbitaalka Hargeisa, cadaadiskii dadka saarnaa iyo xaaladihii la isla soo maray ee ay dawlada Somalia ku haysay shacabka reer Hargeisa.
Waxa ku xusan Qaabkii dalka loo soo galay 1988 kii ee Burco iyo Hargeisa, waxaa sidoo kale ku xusan guushiii SNM ka gaadhay dagaalkii ay kula jirtay dawladii Somalia 1991 , qaybtani waxa ka dhex maqan ama aanu qoraagu si wanaagsan uga hadal shirkii Burco iyo dib u yagleelidii qaranka , nabadayntii iyo sidii Somaliland loogu dhawaaqay oo waxa uu toos ugu boodayaa shirkii Borama ee 1993 , halkani waxa aan is idhi laba mid ba wuu uga tagey ;
1- Madaxwayne Cabdiraxman Axmed Cali oo ahaa gudomiyihii SNM ee dalka xoreeyey noqdayna madaxweynihii ugu horeeyey ee Somaliland oo ay isku beel ka soo jeedaan qoraaga oo uu is yidhi waxa la moodi in aad reernimo qoreyso.
2- Qoraagu maadaama oo aanu isagu ka mid aheyn mujahiddintii SNM , Isla markaana ay buuga ka muuqato in uu meelaha ku durayo, isaga oo habdhaqankii jabhada aad u dhaliilaya marka uu ka hadlayo dhismaha ciidamada qaranka.
Laakiin maadaama oo uu taariikh ka hadlayo waxa ay ahayd in aanu qarin libinta SNM oo uu hogaaminayey Cabdiraxman Axmed Cali la’aantoodna aanay Somaliland jirteen , sida uu u sheegay habdhaqankii jabhada ee aan wanaagsanayn markii ay dalka qabsadeen .
Qoraagu waxa uu xusay in dagaalkii sokeeye 1994 ilaa 1996 in ay rideen saraakiil iyo dad dano gaar ah leh oo ay dadka isku jabiyeen , waxa kale oo uu qoraagu iftiimiyey in badalkii lacagtii Somalia ee shilinka Somaliland Somaliland badelay 1994 ay dawladu ka macaashtay 20 milyan oo dollar , oo ay awood ugu yeelatay in ay UNISOM ka maaranto.
Qoraagu qaybtani waxa uu ku nuux-nuuxsaday asbaabihii dagaalka sokeeye riday, dedaaladii ay ka galeen dad badan oo uu ka mid yahay qoraaga laftiisu waxii dhex maray Jama Yare iyo Cigaal oo uu is yidhi ka odayee oo uu Jaamac Maxamed Qaalib ku gacan saydhay , isaga oo ku tiraabay in aan Ina Cigaal xabad mooyaane aanu wax kale ku tageyn.
Sidoo kale waxa uu qoraagu xusay markii ay beel Somaliland ka mid ahi Burco kaga dhawaaqday Federal iyo go’aankii uu cigaal qaatay ee ahaa dagaalka oo uu is yidhi qoraagu ka baaji isaga oo Madaxwayne cigaal la xidhiidhay iyo jawaabtii cigaal oo noqotay .
Ambassador Cawil waan ku aqaanaa in aad tahay shaqsi dalkiisa jecel , 1960kii waa la i tukhaan-tukhiyey aqbali maayo maanta tii oo kale ciidan iyo shacbiba waan haystaa , waxba iguma aha in aan Burco dhulka la simo hadii aanan ka baqanayn in ay taariikhdu isku meel na dhigto Maxamed Siyaad Barre oo Hargeisa dhulka la simay.
Qoraagu waxa uu xusay dadkii reer Somaliland ee u guntaday in dagaalkaasi inaga dhamaado ee qaaradaha aduunka isaga yimid gaar ahaan aqoonyahankii , oo uu xusay Xasan Meigag Samater iyo Faysal Cali Waraabe oo ah hada Gudomiyaha xisbiga Ucid.
Waxa qaybtani si wanaagsan ugu xusan kaalinta Ambassador Hussein Ali Duale ( Awil ) ee diblomasiyadeed ee uu ku lahaa xidhiidhka Kenya iyo Somaliland isaga oo xusay in uu kulanadii Madaxwayne cigaal iyo Daniel Arab Moi in uu kaalin muhiima ka qaatay oo uu ahaa xidhiidhiyaha labada dawladood.
Qaybtani 5naad waxa ay ka mid tahay qaybaha ugu xiisaha badan buuga maadaama aniga shaqsiyan ay ii taabanayso oo ay tahay intii aan jirey iyo waxii aan ku garaadaystay , taariikhda qoraagu ka waramayo , ilaa 2010kii oo ay qaybtani ku joogto oo ah doorashadii madaxtooyada oo ah ay ku duugan tahay taariikh wanaagsan oo u baahan in laga faaiideysto dadka Somaliland na ay ka war qabaan.
Waxa uu xusay dawladii uu Daahir Rayaale Madaxwaynaha ka ahaa sidii uu ku yimid kursiga magacaabistii qoraaga ee wasiirka maaliyada Somaliland, guulihii xukuumadaasi oo aynu ka xusi karno dhawr qodob oo muhiim ah marka aynu soo koobno;
1- Hirgalinta nidaamka dimuqaradiyadeed ee Somaliland iyo qabashadii afar doorasho oo dalka ka dhacay 2002 ilaa 2010.2-Dhismaha ciidan qaran oo Somaliland yeelato oo cudud leh .
3- Somaliland iyo sidii ay u iib geeyeen qadiyadeeda iyo dedaaladii, wadamada Africa lagu gaadhsiiyey qadiyada jamhuuriyada Somaliland, tii midowga Africa , martiqaadyadii heerka caalami ahaa ee uu Madaxwayne Rayaale ka helay USA , UK iyo wadamo kale .
5- Fidinta maamulka dawladnimo oo laga qaaday Degmada Oog ilaa Laascaanood, iyo qaabkii wanaagsanaa ee dawladnimadu ku gaadhay gobolada bariga Somaliland.
6- La dagaalanka argagixisada oo khatar weyn ku haysay Somaliland weeraro badana ku soo qaaday iyo kaalintii Somaliland ee ay kaga badbaaday falalkii dambe oo loo soo maleegi lahaa oo dhan.
Qoraagu waxa uu aad ugu mahad naqay qaybtani ganacsatada waaweyn ee Somaliland oo ugu horeeyo Jaamac Oomaar , Baxsane , Cabdi Cawed ( indhadeero ) , Maxamed Siciid Dahabshiil oo uu sheegay in aan la’aantood qaranka waxba badani u qabsoomeen oo ay kala soo dabaasheen marxalado adag isagana ay wada shaqeyn lahaayeen wanaagsan.
Waxa uu xusay sida uu uga naxay geeridii Cabdi Cawed Cali ( indhadeero ) markii uu Cabdilaahi Maxamed Ducaale u sheegay sanadkii 2006 iyaga oo ku sugan shirkii midowga Africa ee Gambia , Banjul , waxaa uu xusay qoraagu murugtii iyo naxdintii uu dareemay in uu Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo ahaa wasiirka arimaha dibadu markii uu ka yaabay uu waydiiyey ma saaxiib dhow baad ahaydeen, oo uu qoraagu ugu jawaabay saaxiibtinimada ka sokow waxa aan ogaa qiimaha uu dalka u leeyahay iyo dakhliga uu soo hooyo.
La soco … Qaybta 3aad .
Mohamed Abdi Jama
Muxamed Dhimbiil