Caafimaad darada ay dooroshooyinku sababaan (WQ: Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan)

 

Doorashadu waa hanaaan hufan oo muwaadiniinta wadan kastaa ay u doortaaan qofkii iyaga meteli lahaaa, inta badana waxay u badan tahay awood dawladeed (public office).

Malaayin qof oo Dunida ku nool ayaa la dhibaataysan caafimaad daro ka soo gaadhay doorashooyin ay galeen ha noqoto inta ololaha lagu jiro ama ha noqoto marka natiijada lagu dhawaaqaba.

Somaliland maha markii ugu horeysay ee doorasho ka dhacdo, waxay soo bilaabantay 2003 oo ay tartamayeen saddex xisbi qaran ee kala ahaa (UDUB, KULMIYE, UCID), kaasoo guushu ay ku raacday xisbigii udub 41.21%.

Waxa markale Somaliland doorasho ka dhacday 2010 oo ay tartameen isla saddexdii hore u tartamay oo kala ahaa (UDUB, KULMIYE, UCID) kaas oo uu ku guuleystay xisbiga Kulmiye aqlabiyad dhan 49.59%.

Hadaba maalmahan Somaliland waxa ka bilaabmay ololihii dooroshooyinka madaxweynanimo ee 2017, waxaana lagu yaqaanaa dooroshooyinka xumad faro badan ama xanuuno dadka haleeela xiliyadaas ay ku jiraaan ololayaasha xisbiyada. Hadaba qoraalkani wuxuu xooga saari doonaa caafimaad darada dooroshooyinka laga dhaxlo xiliyada ololaha lagu jiro. Waxaana ka mid ah:

  1. Xanuunada galmada lagu kala qaadaaa (STDs) oo bata, sababta oo ah xiliyadan Waxaa jira dhalinyar badan oo isku keliyaysta, waxaan ogsoonahay inuu shaydaan saddexeeyo, taasina waxay dhalisaa aafooyin badan sida in la arko caruurta la tuuro sagaal bilood ka dib xiliga doorashooyinku ay dhacaan.
  2. Qaaxada (tuberculosis), xanuunkan waa Xanuunada lagu kala qaado neefta, markasta waxaad arkeysaa gawaadhi basas ah ama raaxo taksiyo badan oo ay saaran yihiin intii rakaabka loogu talogalay in ka badan. Bal malee haday ku jiraaan dad qaba xanuunka qaaxada intee oo muwaadin ayay galaafanayaan.
  3. Joonis cadka (Hepatitis B), xanuunkani Somaliland wuu ku badan yahay waxa lagu qiyaasaa 30% inkastoo cilmibaadhistaasi ay hordhac tahay, xanuunkan siyaabo badan ayaa loo  kala qaadaa sida galmada, hooyada oo ilmaha uurjiifka ah u gudbin karta iyo qoyaanka is taabanaya sida faro-dhididka oo kale.
  4. Dhaawacyo soogaadha dadka qaar ama ha ku jiraaan ololaha ama ha ka madax banaanadaane sida Jabniin ka oo kale.
  5. Nafaqodaro (malnutrition) ka dhalata naaskii oo aan la siin maadaama oo ay hooyooyinku ku mashquulsan yihiin ololayaasha
  6. Wakhtiyada lagu jiro ololayaasha xisbiyada ee dooroshooyinka waxa dhacda dhimasho caruurta u badan, taasoo ka timaada dayaca caruurta lagaga tago, maadaama oo ay hooyadii ama cidii daryeeli lahayd ay doorosho ama olole ku mashquulsan tahay.
  7. Warwar badan (stress), dad badani wey werwersan yihiin, cadhada iyo caadifada ayaa ku badan waxaana caafimaad ahaan kacsan dheecamada (epinephrine, norepinhrine), tani waxay sahashaa in garaacada wadnuhu xawli u garaaco caafimaad ahaana ma fiicna.
  8. Niyad jab (depression), taageerayaasha qaar wey niyad jabaan waxaana yaraada dheecanka (dopamine) taasina waxay dhalin kartaa  inuu dhibaato geysan karo sida gacan ka hadal oo kale.
  9. Hurdo la,aaan (insomnia), waxaana keenaya qaadka faraha badan ee la cunayo habeenka ka horeeya maalinta subaxaa ay kaltanka u leeyihiin xisbigaasi si ay u sii abaabulaan taageerayaashooda.
  10. Cabsi/cuqdad(phobia), waa dhibaato weyn tani waxaanay kala fogeysaaa umada, waxaad arkeysaa taageerayaasha qaar ay ku jirto nacayb badan taasina waxay burburineysaa danta qaranka. Dad badani dooroshooyinku waxay ku abuurtaa cuqdad nafsi oo kale, iyagoo run u qaadanaya waxyaabaha xanafta leh ee ay xisbiyadu ku ololeynayaan.
  11. Canbaar (dermatophytosis) ka dhalata garamada iyo koofiyadaha lagu isku dhiibo xiliyada ay taageerayaashu jibaysan yihiin.
  12. Shilalka (car accidents) dhaca oo bata xiliyada dooroshooyinka lagu jiro, taasna waxa loo sababeynayaa gawaadhida oo xawli ku socda, taageerayaasha oo dibada uga soo baxaya gawaadhida, taasina waxay ka baxsan tahay asluubta wanaagsan ee ololaha doorashada.
  13. Waxa bata Xanuunada lagu kala qaado neefta sida qaaxada, jadeecada IWM, maadama ay dad badani isku imanayaan goobo buuqa oo dusha ka xidhan sida basaska oo kale.
  14. Waxa iyana dhibaato baaxad leh loo geystaaa bukaanada ku xanuunsanaya cisbitaalada iyo guryahaba, taasoo ay wax yeesho qaylada iyo sawaxanka ay samaynayaan taageerayaasha xisbiyadu.
  15. Boodhka iyo siigada ay dadka iyo gaadiidkuba kicinayaan waxay dad badan ku sababtaaa xasaasiyad (allergy) ama waxay ku kicisaa xasaasiyad ay hore u laahaayeen.
  16. Maadaama oo ay dadku qoraxda in badan taagan yihiin, dad badan falaadhaha cadceeda waxay ku leeyihiin xasaasiyad ama dawo ay qaataan baa ku leh oo iyagu isma oga sida dawooyinka loo yaqaano TETRACYCLINES.

Talooyin Muhiim Ah

  1. Taageere danta qaranka ayaa ka weyn ta qofka aad taageerayso ama murashaxa kuu ah
  2. Noqo taageere edeb leh ama mucaarid ahaw ama muxaafid ahaw
  3. Taageere ha ka tegin dhaqanka wanaagsan ee islaamka iyo ka soomalinimo
  4. Iska ilaali hadalada xanafta leh ee dadka muslimiinta ah kala kaxaynaya, walaw runba ha ahaadaane.

 

Waxa Qoray: Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan