Madaxweyne Siilaanyo wuxu isku bedelay Badhasaabbada Gobollada Hawd iyo Saraar, wuxuuna magacaabay la-taliyaha Madaxweynaha arrimaha dhaqanka iyo is-dhexgalka 

 

Madaxweynaha JSL Md Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa isku bedalay labadii badhasaab ee Gobollada Saraar iyo Hawd, isla markaana masuul cusub u magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqanka iyo Is-dhexgalka Bulshada.

Sidaana waxa lagu cadeeyay war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay Wargeyska Hubaal, waxaanu u dhignaa sidan.

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-5177/102017 uu isku bedel ku sameeyey laba Guddoomiye Gobol, kuna magacaabay La-taliye Madaxweyne.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                    Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                    Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda ay Guddoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Aqoonsaday:        In baahi loo qabo in isku beddel lagu sameeyo jagooyinkan hoos ku xusan;

Markuu Ka Fiirsaday:       Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu Ku Qancay:           In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday in laga bilaabo taariikhda Xeerkan

In Mudane, Ibraahim X. Xasan Cali, uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Saraar ee Jamhuuriyadda Somaliland. (hore Gobolka Hawd )

In Mudane, Cali Maxamed Faarax, uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Hawd ee Jamhuuriyadda Somaliland. (hore Gobolka Saraar )

Magacaabida La-taliye Madaxweyne

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                    Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda ay La-taliyeyaasha Madaxweynuhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                    In baahi loo qabo magacaabidda jagada La Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqanka iyo Is-dhexgalka Bulshada;

Markuu Ka Fiirsaday:       Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Maxamed Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqanka iyo Is-dhexgalka Bulshada.

ALLAA MAHAD LEH

Axmed Maxamed Silanyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland