Caafimaadka Arooska (WQ: Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan)

  • Guur ama aroos waa dhismo qoys, kaaso oo ah rukun ka mid ah rukumada waaweyn ee umada. Guurku waxa uu saldhig u yahay jacayl, kaasi oo ah baahi uu qof walbaaba u qabo ka kale ee ku lidiga ah. Marka lagu guuleysto arrintaas ayaa waxa imaada aqal gal, dhismo qoys, taran, naasnuujin, iyo barbaarin ilmeed. Dhismaha qoysku wuxuu rabaa samir, jacayl, duco waalid, iyo shaqo badan oo loo baahan labada qofba inuu midba midka kale taageero.
  • Marka habluhu gaadhaan daโ€™da 13-15 sano waxa ku bilaabma dareen dumarnimo kaas oo ah in gabadhu ay fahamto inay u baahan tahay ku dhawaanshaha labka ama wiilasha. Habluhu marka ay baaluqaan waxa la arkaa in gabadhu bilawdo ka fikiraada nafteeda iyo iney is qurxiso taasoo ah iney dharwanaagsan, agabka quruxinta (make up) isticmaasho si ay u soo jiidato dareenka wiilasha una soo bandhigto dabeecadaheeda kuwa ugu wanaagsan.
  • Hablaha hamadoodu aad ayay uga hooseysaa tan wiilasha, laakiin habluhu waxay aad uga helaan hadalada naxariista leh ee dabacsan iyo in la siiyo ahmiyado gaar ahaaneed. Inta badan habluhu inta ay ku jiraan xiliga baaluqnimada kama helaan ama kuma degdegaan galmada laakiin waxay hormariyaan jacayl iyo naxariis, waxa taas sabab u ah iyadoo nolasha dumarku inteeda badan ay tahay naxariis iyo jacayl.
  • Waa in ay bulshadu fahantaa in baaluqaadu ka horeyso dhismaha jirka iyo koritaanka gabdhaha iyo wiilashaba. Haddii uu ilmuhu dhakhso u bilaabo galmada waxa la arkaa inuu hagaaso oo uu kori waayo. Hadalka oo kooban, wiilasha iyo gabdhahaba waa in la ogaadaa in galmadu ku fiican tahay marka la aroos galo.
  • Diin ahaan, dhaqan ahaan iyo caafimaad ahaan waxa fiican in galmada loo meel dayo oo aanay noqon ficil iska baaha. Waxa haboon in la aogaado in ay jiraan cuduro halis ah oo ay keento galmadu taasoo afka qalaad lagu yidhaahdo (sexually transmitted diseases) sida dhuubawga (AIDS), xabada, jabtida iyo waraabowga. Cuduradani waa kuwo halis ku ah caafimaadka iyo tarankaba waxana ay keenaan in qofka ay haleelaan uu qoomameeyo noloshiisa. Waxa haboon in qofku uu wax ka fiirsado, maah maah soomaaliyeedbaa waxay tidhaahdaa dhubuq dhubuq hore dhabano hays danbe ayay leedahay.
  • Waa in aan lagu degdegin guurka ilaa inta xooga iyo garaadkuba taabo galayaan, isla markaana waa in aana lala sugin guurka da, weyn. Waxa caafimaad ahaan la isku raacsan yahay in ay haboon tahay in lagu guursado dada 18-20 sano oo gabdhaha ah iyo 22-25 sano oo wiilasha ah. Gabadhu waa iney bilawdaa galmada inta aanay gaadhin 30 sano. Curashada ka danbeysa 30 sano aad ayay u keentaa dibaatooyin badan oo ku saabsan dhalmada iyo tafiirtaba.
  • Raggu aad ayuu ugu dambeeyaa dumarka marka laga eego xagga baaluqaada buuxda iyo tamartaba. Sidoo kale raggu wuu kaga danbeeyaa dumarka taranka, taasoo macnaheedu yahay halka ay dumarku kaga dhalmo daayaan 45-50 sano jirka, waxa la arkaa in raggu ay dhalaan ilaa 70 jirka. Sidaa awgeed waxa lagu talinayaa in ninku ka weynaado xaaskiisa afar ilaa todoba sano.
  • Marka dhalinyaradu gaadho da,da ay ku guursanayaan waa in ay baadhaan caafimaadkooda si ay u ogaadaan xaalkooda , taas oo siineysa taxadir guud ahaaneed iyo tafiir caafimaad qabta.
  • Habeenka u horeeya waa in wiilku si habsami leh u soo dhaweeyaa gabadha bikirka ah oo aan lagu degdegin galmada amaba aan si qalafsan ama qasab ku jiro aanay u dhicin. Waxa haboon in xuubka bikirnimadu jabo iyada oo aanay gabadhu naxsaneyn si ay iskaga celiso xanuunka bikir jabka. Haddii si qalafsan oo aan naxariis lahayn loogu galmoodo gabadha waxa laga yaabaa in gabadhu ay dhiig baxdo ama shoog uu ku dhaco. Haddii ay arrintaasi dhacdo waxa laga yaabaa in ay ku keento gabadhaas inay galmada oo dhan ka caagto ama baqdin ka qaado raga oo dhan.
  • Marka gabadhu ay bikir jabto waa in la daayaa mudo 3-5 maalmood ah, si nabarku u bogsado. Mudadaas waa in lagu dadaalaa nadaafada nabarka , waa in lagu dhaqaa biyo diiran oo lagu daray cusbo ama dhitool.
  • Waxa dhaca mararka qaarkood in bacda gabadhu ay aad u adag tahay oo ay ku adkaato wiilka bikirjebintu, haddii la adeegsado xoog waxa imaan kara dhiigbax badan iyo suuxdiin culus, markaa waxa loo baahan waa talo dhakhtar si dhibaato la,aan loo furo bacda.
  • Wakhatiga ugu wanaagsan ee la sameeyo galmada waa habeenkii hurdada ka hor si labada qofba u nastaan galmada ka dib in mudo ah. Sidoo kale waxa loo baahan yahay in loo diyaar garoobo galmada si ay u dhacdo wakhti ay labada qofba u baahan yihiin galmada.
  • Waxa mamnuuc ah in la sameeyo galmo marka qofka dumarka ahi leedahay caadada sababta oo ah in gabadhu marka ay hamooto dhiigu ku soo dhaco miskaha iyo cawrada dabadeedna dhiiga ayaa ku bata waaxyaha kor ku xusan. Dhinaca kale ilmagaleenku wuu furan yahay marka dumarku caadad leeyihiin, markaa isutagu waxa uu ilmagaleenka gaadhsiin karaa jeermis, taasi oo noqon karta sabab keenta caafimaad daro.
  • Waxa haboon marka gabadhu gaadho toddoba bilood in la jojiyo galmada, waayo waxa dhici karta in dhalmada ilmuhu ay ka soo degdegto wakhtigeedii iyo inuu bukoodo ilmagaleenka maxaa yeelay xiligaas ilmagaleenku wuu furan yahay.

 

Xigasho

  1. Buuga daryeelka caafimaadka iyo dhallaanka hooyada- Prof. Mohamed Haddi
  2. medscap.com
  3. WHO health Guidelines 2011

ย Waxa Qoray: Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan

ย