Rabbi haka yeelo mid uu ku maamuso jannooyinkiisa qaaliga ahe, wuxu la yimid qaab-fikir ka duwan wixi la hayey; wuxu ifiyey tubtii toosnaanta, wuxu tilmaamay dariqii guusha, wuxu sheegay qaab-socodka hadda Muslinku hayaa in uu yahay kii cadawgu doonayey in lagu huursanaado.
Sheekhu intu masaajid fadhiistay kitaab lama uu soo kala bixin oo ma sharixin, se wuxu qaaday tubtii Rasuulka CSW ee ahayd inu dhaqan ku baddalo wixi gurracan.
Wuxu ahaa Imaamku nin ku baraarugsan ciyaar kasta oo ay dheelayaan galbeedka iyo barigu ba. Wuxu ogaa labada nidaam ee ay kala wataan in lagaga hortagi karo un mabdaโ la mid ah ka ay wataan oo lagu booriyo. Waa dawlad weyn, in dawlad weyn la helo. Waa aqoonyahanno, in duul aqoonyahanno ah la helo. Cudud bay leeyihiin, waa in cududdaa mid la mid ah la helo. Haddii kale iyagaa raciyad loo ahaan.
Qaab-fikirkaa waa ku Rasuulku CSW lahaa; โKorreeye boqolkii sannadood ba wuxu u soo saara ummaddiisa mid dib u soo nooleeye diinta.โ Ee u soo saaray Daaโuud, Albaanina xasan ku sheegay.
Raggii hore ee aynnu bar-bilawga qoraalkeenna ku soo sheegnay iyaguna sidan oo kale ayey xilligoodi ugu istaageen inay tilmaamaan waddadaa laga leexday ku soo noqoshadeeda, sidaasa ay iyaguna uga mid noqdeen rag ku sifoobay xadiiskan. Imaamkuna ugu sifoobayaa tilmaantaa xadiisku sheegay.
Imaam Banna xilligiisu waa wakhti Muslimiintu noolayeen laba daran; Afkaarihii Shuuciyadda iyo tii galbeeedka oo Muslinkii xilligaa noola oo awood, aqoon, dhaqaale ahaan ba ย dumay moodayeen in lagu gaadhayo raaciddoodaa waddadii guusha.
Imaam Xasan Al-Banna Ilaahay ha u naxariistee wuxu u is taagay in uu bidhaamiyo dariiqa guushu in aannu waxan ay wadaan ahayn ee uu ka sal-balaadhan yahay inta la moodayo. Waa dariiqa Alle SWT oo si dhab ah tubtiisa loo qabsado. Wuxu sheegi jiray in labadan mabdaโ ee loo kala dheeraynaya wakhtigoogi gabaabsi yahay. Mid waa la ogaa โShuuciyaddiiโ kan kale na wuu iska soo gababsan doona. Se mabdaโa xaqa ah ee Islaamnimadu waa mabdaโa kaliya ee dunida waaraya ilaa maalinta kawnka la laabayo, si kasta oo uu xagal daaco noqon maayo mid jirid beela.
Imaamka iyo raggiisi waxa ay alifeen bugaag iyo qoraallo maanka qofka la hadla, oo qof kasta oo akhriya si dhab ah isku baddalayo ogaanayo na xaggii laga yimi, xaggii la gaadhay, in sidan la ahaado waxa keenay iyo xalka lagaga bixi karo.
Bugaagtaa ay qoreen iyo khudbadahaa ay jeedinayeen waxa ay ahayeen qaar ka geddisan sidii hore ee wax loo sheegi jiray. Kutubta Callaama Qaradaawi,Fiqi-ruug Sayid Saabiq, Xasan Al-Banna, Bakar Abu Sayidย iyo Sayd Qudbi ayaa kuugu filan in aad ogaato.
Waa kutub qaarkood soo godliya arrimo aan hortood la gorfayn, waana ta keenta aqoonyahanno kale inay didmo ka mujiyaan.
Sida oo kale qoraaladooda maanka tuujiya ayaa ah qaar lagu ammaano hadh iyo habeen, oo noqday qaar iska celiyey ama ka badiyey kutubtii caqliga ahayd ee galbeed curinayey.
Gun iyo gunaanadkii qormadeenna oo soo afmeeri doonta taxanihii sooyaalkii nololeed ee Imaam Banna naxariistii janno Alle ha ugu deeqe, waxa qof kasta oo qoraalkan la socday is waydiin karaa sababta aan ugu doortay magaca ah; Dheemankii Qarniga.
Ama la odhan karaa; โSiduu ninkani ugu sifoobay? Ama muu gaadhin darajadaa.โ Waxa aan leeyahay kolkii aan arkay; qaab-fikirkiisii, curintiisi, hammigiisi, himiladiisi, iyo doorkii nololeed ee u nolosha ka soo qaatay, sidu u soo saaray rag ilaa maanta dunida Islaamku u ayday iyo in aan hortii sidan loo baraarugsanayn ayaan u doortay in aan idhaa qarnigan waa haldoorkiisi ama dheemanku qarnigani lahaa.
Walaaladayda diidan magaca maqaalka waxa aan leeyahay in aad diidaan waa qiimayntiina oo sidaa tidhi anna qiimayntayda ayaa sidaa tidhi. Raggaa aan hore u soo carrabaabayba ogobey haddaa waa ay jiraan rag diidan in ay ku sifoobeen tilmaantaa xadiiska. La yaabi maayo, sababta oo ah Suubbanaha ba qaar baa diidana nabinnimadiisa.
Dhammaad
Xigasho:
- โImaam Xasan Al-Bannaโ Anwar Jundi; oo aan ka helay maktabadda Sheekh Aadan Siiro.
- โTarbiya Islaamiya wa Madarasatu Xasan Al-Bannโ Callaama Qaradaawi
- โTarbiya Siyaasiya Cinda Imaam Xasan Al-Bannaโ Callaama Qaradaawi
- โAmsaalatu Min Tarbiyatu Xaddaariya Cinda Imaam Bannaโ Sayid Dusuuqi
- โMucaalim Mashruucu Xaddaari fi Fikri Imaam Shahiid Xasan Al-Bannaโ Maxamed Camaara
- โMan Qutila Xasan Al-Bannaโ Muxsin Maxamed
Hoos ka akhriso qaybtii 1aad ilaa 9aad:
Xasan Al-Banna: Dheemankii Qarniga- Q.9aad
Xasan Al-Banna: Dheemankii Qarniga- Q.8aad
Xasan Al-Banna: Dheemankii Qarniga- Q.7aad
Xasan Al-Banna: Dheemankii Qarniga- Q.6aad
Xasan Al-Banna: Dheemankii Qarniga- Q.5aad
Xasan Al-Banna: Dheemankii Qarniga- Q.4aad
Xasan Al-Banna: Dheemankii Qarniga- Q.3aad
Xasan Al-Banna: Dheemankii Qarniga- Q.2aad
Xasan Al-Banna: Dheemankii Qarniga- Q.1aad
Facebook: Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub
Talo iyo tusaale ba waa xagginna
Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan-Rakuub
Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub
Tell: Telesom: 063 440 85 03. Somtel: 97 08 515
Email:ย cabdirisaaqafrican@hotmail.com
Rakuub.wordpress.com