Sucuudigu wuxuu shaaciyey raggii ka dambeeyey weerarradii ka dhacay Madiina iyo Qatif

Dawladda Boqortooyada Sucuudiga ayaa shaacisay magacyada iyo dhalashada raggii ka dambeeyey weeraradii Isniintii lasoo dhaafay ka dhacay magaalooyin Madiina iyo Qatif.

Qaraxyadan oo ahaa kuwii ugu badnaa ee maalin kaliya ka dhacay Sucuudiga ayaa lagu tuhunsan yahay in ay ka dambeeyeen kooxda Daacish inkastoo aanay jirin cid illaa hadda sheegatay.

Wasaaradda Arrimaha Guddaha Sucuudiga ayaa sheegtay in qaraxa ka dhacay magaalada Madiina agagaarka masjidka barakeysan ee uu ku aasan yahay Nebi Maxamed NNKH uu ka dambeeyey Naer Muslim Hamad oo dhalasho ahaan kasoo jeeday dalka Sucuudigu.

Ninkan oo caan ku ahaa isticmaalka daroogada ayaa boolisku waxa ay sheegeen in isagoo xidhan Suun miineysan uu ku soo dhowaaday askar ilaalo ka aheyd masjidka Nebiga ka dibna uu halkaas isku qarxiyey, waxaana halkaas ku dhintay lix ruux oo afar ka mid ah ay boolis ahaayeen.

Abdullah Waqar Khan oo ka soo jeeda dalka Pakistan ahaana 30 sano jir ayay wasaaradda Arrimaha Guddaha Sucuudigu sheegtay in uu ahaa ninkii ka dambeeyay weerarkii ka dhacay agagaarka qunsuliyada Maraykanka ee magaalada Jeddah, isaga keligii ayaana ku dhintay.

Qoraalka ka soo baxay wasaarada Arrimaha Guddaha Sucuudiga oo ay faafisay wakaalada wararka dalkaas ayaa lagu sheegay in saddex nin ay ka dambeeyeen weerar kale oo habeenimadii Isniinta ka dhacay magaalo la yidhaahdo Qatif oo ku taalla bariga Sucuudiga taasoo ay degaan shiicada waddankaas, wasaaraddu ma sheegin magacyada raggaas iyo in ay Sucuudiga u dhasheen iyo in kale.

Saraakiisha ammaanka Sucuudiga ayaa sheegay iney xabsiga dhigeen 19-nin oo lala xidhiidhinayo weeraradan, kuwaas oo 12 ka mid ahi ay ka soo jeedaan waddanka Bakistaan, halka 7 kale ay yihiin dad Sucuudiyaan ah.

Boqorka waddanka Sucuudiga Salman Bin Cabdulcasiis ayaa hore wacad ugu maray in ay gacan bir ah ku qaban doonaan ammaanka waddankaas oo aanay baxsan doonin kooxihii soo abaabulay weeraradan.

bandhige@gmail.com