Caafimaadka indhaha iyo arraga Qaybta labaad (WQ: Kamaal Axmed Cali)

CAADKA

In aragga uu caad ka soke maro waxaa keena sababo badan, oo ay ka mid tahay aragga oo daciifay oo u baahan in muraayad lagu kabo. Waana arrin da’ kastaba dhici karta, laakiin dadka waayeelka ah aad looga fisho. Gaar ahaan aragga dhow.

Dhinaca kale waxaa jira sababo khatar ah oo keeni kara dahaadhkaas ka soke maraya aragga waxa uu qofku eegayo. Waxaa ka mid ah labada xanuun ee Glaucoma iyo Macular degeneration oo inta badan da’da ku xidhiidhsan, suurtagalna ay tahay in ay indho la’aan keenaan.

Haddaba haddii aad dareento in araggaaga uu shucaac ama dahaadh marmar ka soke marayo, waxaa waajib kuug ah in aad sida ugu dhaqsaha badan dhakhtar ugu tagto.

ARAGGA DHOW

In qofka uu ka lumo aragga waxa u dhowi waa xaalad caafimaad oo si sibiq ah qofka u hesha. Waxa ay dhakhaatiirtu ku naanaysaan ‘Tuugga aragga xada ee aamusan’. Inta badan waxa ay xaaladdani ku xidhan tahay da’da qofka oo weynaata. Sida uu sheegayo Dr. Matthew Gorski bilowga hore xaaladdani waxa ay ku timaaddaa si aanu qofku aad u dareemayn, ama dhibaato badan u arkayn. Laakiin muddo kaddib waxa ay sababtaa in ay disho neerfayaasha aragga, taasina ay horseedo in qofku uu waayo gebi ahaanba aragga.

Gorski waxa uu ka digay in xaaladdani haddaan marka ay bilowga tahay laga hortegin, in ay keeni karto indho la’aan aan la daweyn karin.

Maadaama oo ay xaaladdani si sibiq ah qofka ku hesho, sida ugu fiican ee looga hortegi karaa waa in qofku uu joogteeyo baadhista aragga. Hubin iyo baadhis joogto ah oo aragga lagu sameeyo inta ka horreysa afartan jirku waa arrin u fiican guud ahaan caafimaadka aragga. Haddii afartan jir la gaadhana waxa ay noqonaysaa waajib, haddii aan la fulin khatar loo noqon karo indho la’aan kedis ah.

GARAAC, DAWAKHAAD, MATAG IYO BU’DA ISHA OO WEYNAATA

Glaucoma waa xanuuno dhowr ah oo ku dhaca indhaha, dhaawacna gaadhsiiya dareensida aragga, isla markaana sababa indho la’aan. Waxa uu xanuunkani ka mid yahay xanuunnada ugu badan ee ay dhakhaatiirta takhasuska indhaha ee Somaliland sheegeen in ay ku arkeen dadka ay la kulmaan.

Xanuunkan oo sababa in uu cadaadiska (Pressure) ka ishu aad u kaco, waxaa ka dhasha in qofku uu dareemo tashuush daran oo aragga ah, xanuun, dawakhaad iyo matag marmarka qaarkood. Haddaba marka uu qofku xaaladdan dareemo waxaa qasab ah in qofku uu sida ugu dhaqsaha badan u tago qaybta gurmadka degdegga ah ee cisbitaalka indhaha, si uu uga hortago in uu araggu si kedis ah u wada lumo.