Safiirada Dahsoon ee Somaliland! (WQ: Khadar Cabdi Indhayare)

Gaadhsiiya Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi. Mudane hoo tacabkaagii!

Mudane marka aan si macno leh, garsoor iyo caddaalad ah na aan deeqaha waxbarasho ee waddanka u qaybino, oo ay kaw ka ahyd tii sannadkii 2018 oo aan ka mid noqday, waxbarashona aan ugu baxnay waddanka aynu jaarka nahay ee Itoobiya, tiro ahaana arday 300 ka badan loogu qaaday si ay waxbarasho ugu soo qaataan waddankaas ayaa waxa soo baxday arrin marka aan loo fiirsan u muuqan mid macno leh. 300 ee arday ee sannadkaas yimid waddanka iyo kuwa ka sii danbeeyay oo deeqahaaas si hufan loogu qaybiyay waxa ay noqdeen safiiro aan la dareesanayn.

Guud ahaan waddanka Itoobiya waxa sida iniinta ugu firdhay ardaydaas, halkaas oo aan gobol, degmo iyo magaalo kaste aan laga waayin karin arday reer Soomalila d ah oo sida farriin ah waxaan ahay Somalilander, Soomaaliland ka yimid. Sharaxaada waddanka ayaa noqotay mid baahsan xitaa illaa islaamaha caanaha iibiyaa aqoonsadeen waddan cusub oo Soomaliland la yidhaa. Ardaydani dhammaan kuwo farrin wada sida, jeclna in ay farriintaas gaadhsiyaan qof kaste, bare, aqoonyahan, arday, kuwa shaaha iibiya, caanalayda iyo goob kaste waxa ka baxay dawan cusub oo la yidhaa “Waxaan ka imid Somaliland” . Sharraxaad kaste ha kugu qaadatee yoolkoodu waa in ugu yaraan la fahmo meesha aanu ka nimid. Waxaanu ka nimid Somaliland, Hargiesa oo Somaliland ah, magaaalo xeebeedka Berbera oo ay garan ogyihiina waa meesha i danbaysa ee aanu u adeegsano ka dhaadhicinta Somaliland. Mudane maxaa nagu kallifay farriintan?

in kastoo meelaha ay ardaydani ka soo kala jeedaan ay kala duwan tahay, beri iyo galbeedna ay ka soo kala kicitimeen, halkan kuma kala qaybsana, gudbinta qadiyadanna waa kuwo aan u kala hadhin. Waxa maalin laste sharaxaad uga baaban waddan waddan kale loo haystay, kama daalaan arrinkaas. Waxa ugu weyn ee arrinkaas ku riixayaa ma aha inay u kala qaybsan yihiin muxaafid iyo mucaarid, ee halkan waxa keli ah ee yaal waa Soomaliland. Farriintan waxa dhammaan arday kaste u xanbaariyay wax kale maaha ee waa micnaha hufnaanta iyo garsoorka ku dhisan ee ay maanta ku astaysan yihiin, kaas oo ah waxaad tahay arday qaran, halka waagii hore arday kaste uu wanaag u hayn jiray adeerkiisa iskoolarshipka ugu soo kifaaxay ee ki daray, maanta ardaybkastaa waxa uu abaal u ahayaa qaranimadiisa, waxa uu mudnaantii adeernimo maanta dusha ka huwinayaa madaxweynaha Siyaasadaas cuddon l yimid, kuwo aan adeerkood u xusul duubina gaadhsiiyay arday kaste. Mudane mahadsanid mar kale. Kuwan bahdoodu waa arday qaran, qiimigana waxa u yeelay in ui yahay arday qaran.

Mudane Sida ay ardaydaasi uga mideysan yihiin qadiyadaas maanta aan filaayo in ay guri kaste gaadhay waxa marag weyn u ah;
Ardayda qaarkood waxay nafhurid xitaa marks ay ku waayi karaan u sameeyaan si qadiyadooda aan qadiyad kale loo dhex gelin. Waxa dhacdo la yaab leh noqotay in maanta Somaaliland la barbardhigo waddamada horumaray, taas oo ku timid sida ay dhallintaasi arrinkaaa ugu adag yiihin. Waxa marmarka qaar Somaaliland la barbardhigaa waddamada horumaray, halkaas oo aad ka garan karto dedaalka ay galiyeen dhallintaasi, waxaan shabah ka galay macalin, arday iyo aqoonyahan kasteba waxa ay tahay Somaliland, ilaa qaarkood ay moodeen waddan Maraykan u dhigma. Taasina waxay ku tusinaysaa sida safiiradan aan la ogayni ay hawsha u wadaan. Tasaale yar oo kooban aan ku siiyo akhriste; waxa maalin dhacday anagoo fasalka ku jirna in uu profosorkii Itoobiya ka sheekeeyay, markaasna waxa jirtay dhacdo xanuun badan oo waddankan ku habsatay, taas oo ahayd in uu dab ka kacay dhul kaymeed gobolkan aanu joogno ka mid ah. Dabkaas ayaa noqday daahiro aad looga werweray wagaas. Barehan isagoo arrinkaa ka xun ayaa uu na weydiiyay dhibka isagoo ka werwer qaba dab damis la’aanta haysta waddanka taariikhda weyn leh ee Itoobiya. Anigoo markaas ahaa ardayga keli ah ee ajnabi ka ahaa fasalkaas oo badi Axmaaro ahaa, cid meel kale ka soo dooshayna aan aniga uun ahay ayaa uu si kedis ah profosorkii su’aal ii weydiiyay. Mr khada, ka warran Somaliland, dab demis diyaaradeed waddankiinu ma leeyahy? Inta aan qoslay ayaan ku idhi, Somaliland waa waddan Curdin ah, hadda kan baabuurta loo adeegaado ayaanu leenahay, kan diyaaradahana waanu rajeynaynaa inanu yeelano. Waxa intaaa raaciyay in waddamada South Africa iyo Kenya ay balan qaadeen in ay diyaarado dab damis ah u soo diraan, waxaanan u malaynayaa in arrinkaasi weydiintaas ku dheliyay oo is yidhi waddanka Somaliland la yidhaa isagu miyaanu tolaw idin caawin karin.

Farriinta ugu cajabta badan ee ay ardaydaasi ka midhi dhaliyeen waxa weeye in ay si fiican dadka ugu kala sooceen Somaliland iyo Somaliya, halka maanta badi dadka waddankani si fiican u kala garan ogyihiin waxa aan u jeedno. Waxa ay dadkani ogaadeen inay jirto Somaliland nabdoon, oo anay shabaab ka hawl gelin, qarax iyo qastoona anu ka jirin. Markii ay sharaxadaasi ku badatay waxa hanqalka soo taagay Itoobiyan badan waxayna marar badan i weydiiyaan sida shaqo looga heli karo Somaliland, illaa wiil libareeri hayaa uu si toos ah iiga codsaday in uu i raaco, si uu firsad shaqo uga soo helo halkaas isaga oo ay ka go’antay. Mudane, Safiirada waddan kan Itoobiya kuma kooban afraada tirada yar ee xafiiska Adis fadhiya, waxa aad soo dirtay ku dhawaad 1000 arday oo dhammaan wada dareensan qiimaha waddaniyada dibada oo maanta geed dheer iyo ku gaaban ba u saaran sidi qof kaste oo Itoobiyaan ah looga dhaadhicin Somaliland!

Mudane, markii aad qabiil ku qaybin ka gudubtay, wasiir beeshiisa doojiyana aad arrinkii kala wareegatay, uga danbaysay, waxa dhacay waxa aan caawa kula wadaagay, waxaan soo bixo doona jiil abaal qaranimo aqoonsan oo aan mid qabiil iyo mid reereed an midna ogeyn. Mudane, haddii aaf arrinkaas aad halkaas ka sii waddo, ishana ugu hayso deeqahaas waxa dhambaalkeenu gaadhi meel kaste, waxaanu warkeenu ka dhici mashriq iyo maqrib, waxa dabeed fadhiga inoogu iman kuwa aan maanta gaadhi la’nay. Deeq kaste haddii aan dirno wiil qaran, oo madawga laga saaro waxbarashda waxa soo bixo doona jiilka aan rabno. Waxa ay xaflado qaranimo ku qabteen hudheelo aan xuska Itoobiyanka xitaa lagu qaban jiron. Safiiradani inta aan ka war qabo waxay sameeyaan xaflado xus oo 18 May ugi weyntahay, taas oo maalintaas dareen dheer ka gudbiya waxa aan rabno. Ku darsoo qarashka hawlahaas waxa dhexdood ka abaabula ardaydaas iyagon marnaba gacan weydisan dawladeena , waayo waxy dareesan yihiin waajib qaran waa raq ba waa ku rageed. Itoobiya mudane waa ina baratay, laakiin aan os balaadhino oo aan dunida kalena deeqo u raadsano, safiiradaasna aan meel kaste u dirano, ka dibna aan eegno waxa is bedela!

Walaalkiin Khadar indhayare
Qarinom wax warqad ku qoran maahee waa masuuliyad maalinteeda la guto!
Gondar, Ethiopia
Habeen Axad ah, habeenkii aan dhashay!
Farxad iigu noolaad jaalleyaal.