Inta badan dadka u banbaxay dacwadda Illaahay ummadda loogu yeedhayo waxa ay ka tagaan ehelkooda iyo ubadkooda.
Qisada Cabdiraxmaan way ka duwanayd sidan. Xaaskiisa iyo ubadkiisu waxa ay ahaayeen kuwo garab taagan, la dhadhamiya dhaxanta, gaajada iyo cabsida ay u marayaan si ay kalmadda Illaahay kor ugu qaadaan dadkana ugu yeedhaan xaqa.
Xaaskiisa, Ummu Suhayb, oo hanti badan dhaxal u heshay, gebi ahaantiiba waxa ay ku tabarucday u gargaaridda dadka tabaalaysan. Shan sanno oo ay Waddanka Kanada ku sugnaayeen waxa uu Cabdiraxmaan xaqiijiey in xaaskiisu laba toob oo kaliya ay lahayd, labadana ay gacanteeda ku tolotay. Mid marka ay xidhato, ka kale way maydhi jirtay. Iyada oo awoodi kartay in ay noocyada xariirta kala baddesho.
Cabdiraxmaan oo ka sheekaynaya sida xaaskiisa iyo ubadkiisu u garab istaageen waxa uu yidhi: “ xaaskayga iyo ubadkaygu waxa ay deggenaayeen Kuwayt, wakhtiga fasaxa ayay igu soo booqan jireen Afrika. Waxa dhici jirtay in maalmo badan oo isku xigta ay quraacda, qadada iyo cashadaba ay cuni jireen hal xabbo oo muus ah. Maallin maalmaha kamid ah ayay ka daaleen muuskii. Waxa ay u baahdeen in ay cunaan beed/ukun. Waan u diiday. Balse dadkii deegaanka ayay ka soo iibsadeen dhawr xabbo oo beed ah. Nasiib darro dhammaan beedkii wuu khaayisay, waxaanan u sheegay in ay tahay ciqaab xagga Rabbi katimid oo la doonayo in ay u adkaystaan gaashada maadaama maalmo yar kadib ay tegi doonaan magaalo wax kasta oo ay u baahdaan yaalaan.”
Isaga oo sii wada sheekada waxa uu yidhi, “ aniga iyo xaaskaygu waxa aanu 3 sanno degganayn tuullo ku taalo Madagascar. Habeen habeenada kamid ah, cirka oo mugdi ah, cabsi badan jirto anaga oo abuurta Illaahay iyo xidigaha daawnayna ayay xaaskaygu igu tidhi haddii aynu jannada galno nimcadan oo kale in aynu ka helno ayaan rajeynayaa.
Sida ay dadku u jeclaysteen diinta gaar ahaan ubadka yaryar isaga oo ka sheekaynaya waxa uu yidhi, “ carruurtu luuqadda aad ayay ugu fududahay in ay bartaan. Koox agoomo ah oo uu tababarayey ayaa waxa kamid ahaa wiil yar oo aad u firfircoonaa. Waxa uu la kulmay wiillkii yaraa oo ay dadbadani ku hareeraysan yihiin oo uu luuqaddooda ugu jeedinayo wacdi. Cabdiraxmaan wuu yaabay waxa uu weydiiyey wiilkii waxa uu u sheegayo dadka. Waxa uu ugu jawaabay, “ Jannadda ayaan jeclaystay marka aan tago in aanan cidlo ku dareemin, sidaa awgeed ayaan jeclaaday in dadka deegaanka aan ugu yeedho xaqa si aanu jannada ugu sheekaysano oo aanan nimcaddaas kaligay u helin”
Dhawr jeer ayaa la isku deyey in la khaarajiyo balse Illaahay wuu ka badbaadiyey. Illaahay ha u naxariisto marxuumku waxa uu tusaale fiican inoogu yahay in ay dhammaanteen ina saarantahay gudbinta iyo tebinta xaqa.