Xaqa Bukaanka ( WQ: Mustafe Adam)

In la booqdo ‘bukaanka’ waa mid ka mid ah xuquuqda uu walaalkaa kugu leeyahay, ajar badanna waad ka belaysaa illaahay (SWC) agtiisa, bukaankana xanuun baabiyee iyo raynrayn ayay u noqonaysaa.

Sidaas awgeed, haddii madaxweynuhu booqday mid ka mid ah wasiiradiisa – oo lagu tilmaamo nin ka nadiif ah musuq iyo qabyaalad – maaha in dhaliisha xukuumadda ee cusbitaalka dawlàdda loo mariyo booqashadaas.

Waxa aan arkayay rag iyo dumar ku dhaliilaya xukuumadda wasiir xanuun ku soo booday loo dhigay cusbitaal gaar loo leeyahay, arrintaasi waa mid ka baxsan Islaanimada, bani-adanimada iyo aadaabta. Keliya in loo duceeyo ayuu inaga mutustay. Ilaahay ha caafiyo isaga iyo inta la midka ah ee xanuusanaysa.

Waxa kale oo iyana aan habboonayn in qof xanuusanaya sawiro lala galo (publicity) – haddii uu ogol yahay dhib ma leh, laakiin, waa in idan ama ogolaansho laga qaataa.

Arrintaas sawirada lala galayo dadka bukaanka ah ama baahan haddii aanay ogolayn waa in la joojiyaa.

Waad Mahadsan tihiin