“Cabdiraxmaan Waddanii Guusha Wuu Hayaa Guushina Way U Muuqataa” W/Q :( Siyaasi Cali Gurey)

    “CABDIRAXMAAN WADDADII GUUSHA WUU HAYAA GUUSHINA WAY U MUUQATAA
    “Cabdiraxmaan Waddanii Guusha

WADDANI wuu hayaa wadadii guusha. Cabdiraxmaan Cirro teelo looma dhigan eh geed dheer iyo geed gaabanba waa la isugu taagay sidii guusha loo seejin lahaa. Wax walba waa lagu dayay oo la dhaqaajin kari waa. Hadda guushi way u muuqataa caadifina maaha ee nin miyir iyo maan kaashada fartiisana inta fahmi kartaa ay tiro yar yihiin. Hadii wax laga qaadayo beri hore ayaa karkaarka la waydaarin lahaa. Waa nin isu soo jeeda garanaya wax uu doonayo, halka uu u socdo iyo mar kasta wadada ugu toosan, uguna dhaw ee suurtogalka ah. Cabdiraxmaan, Xaasha maaha nin dhiigga dadka damaciisa ku doona sida kuwa kale.

Markaa Waddani iyo taageerayaashiisa waxan leeyahay yaan cadifiyadiina laga faaiidaysa oo aan la idinku riixin waddo jar iyo haadaan ah.

Hadda maba jirto wax la ogolaan karo ama la diidi karaa komishanku doorasho aanu sharci uu ku qaban karo haynin ayaa baa la yidhi iskaga dhawaaqa kuna dhawaaqe eh halkeey marinayaan sharciba ma hayaane. Sharciguna iyaga iyo Maxkamadda Sare midna kuma xidhna ee xeerdejinta ayuu u yaalaa. Si uu noqon doonaana maaha qasab in uu noqdo sida komishanku maleawaalayo. Ilaa sharci loo helo maaha in mucaaridku ku mashquulo”

 

Qore : Siyaasi Cali Gurey

Bandhige@gmail.com