DADKA BOQOLKIIBA 8 KELIYA AYAA KU GUULAYSTA IN AY YOOLKOODA GAADHAAN (1)

Sannad kasta curashadiisa, dadka badankoodu waxa ay dejistaan qorshayaal ay doonayaan in ay ku gaadhaan himilooyin iyo yoolal noloshooda ay u dejisteen. Laakiin sahamin ay samaysay jaamacadda Maraykanka ee Scranton ayaa lagu ogaaday in dadkaasi ay %92 ku guuldarraystaan rumaynta yoolashaas. Kelidoodna maโ€™aha ee waa sida ay u badan yihiin hawlaha iyo qorshayaasha ay dadku dejistaan.

Suโ€™aashu waxa ay tahay maxaa ay boqolkiiba siddeedaasi sameeyaan ee 92 ka guuldarraystay ka maqan. Qormadan oo aynnu ka soo xigannay madasha Almiidaan (Aljazeera) waxa aynu ku dul istaagaynaa tallaabooyin ay xeeldheereyaashu sheegeen in lagaga badbaadi karo guuldarradaas.

๏ผ‘. Qor yoolkaaga:
Haddii aanad yoolashaada u qorin si faahfaahsan oo aanu madow ku jirin, adiga oo qeexaya tubta aad u marayso, sida aad ku helayso ilaha loo baahan yahay, iyo wadiiqooyinka yaryar ee marar loo baahanayo in la qaado si loo gaadho, waxa aad ku riyoonaysaa himilo gaadhisteedu kaa dheertahay.

2. Kaalmo raadis iyo talo doon midna ha ka khajilin:
Qof kasta oo yool lihi waxa uu u baahanyahay kaalmo iyo cid uu garab ka helo si uu u gaadho yoolkiisa. ku dadaal in aad hesho deegaan iyo duruufo ku dhiirrigelinaya, kuguna kaalmaynaya in aad aad sida ugu habboon diiradda ugu hayso yoolkaaga, dhugmada aad u leedahayna aanay mar keliya maahin.
Sida oo kale waa in aad hesho dad kugu xeeran iyo deegaan aad ka helayso talada iyo tilmaamta aad u baahato.

3. Yoolkaagu ha noqdo mid bir ku goโ€™an
Waxa ay cilmibaadhayaashu ogaadeen in %90 uu guulaysto yoolka marka hore la saxartiray, ee si loo bisleeyo si qayaxan oo aan fasiraado iyo humaag kale qaadanayn. Tusaale ahaan, inaad tidhaahdo sannadka dhammaadkiisa 20 kg ayaan miisaankayga ka ridayaa, waxaa ka saxan in aad tidhaado, โ€˜Bil kasta 3 kg ayaan ridayaa, maalin kastana 20 daqiiqo ayaan lugaynayaaโ€™.

LA SOCOโ€ฆ