Caddaaladda oo la waayaa colaad bay keentaa, colaadduna caddaaladday curyaamisaa! (Sayid-Axmed Dhegey)

Bariido wanaagsan, in nolosha la faalleeyaa, waa wax soo jireen ah, in lagu kala duwanaadaana waa wax weligeedba soo jirtay, waana jiri doontaa. Keliya waxa la ilaaliyaa ixtiraamka habka loo gudbinayo aragtiyada kala duwan. Waxa aan dhawr jeer arkay laba eray oo qaali ah oo la isku tuurtuurayo oo kala ah Caddaalad iyo Nabad. Labada eray midna ciyaar ma galo oo waa labo is barkan, oo aan kala maarmin, haddii mid la waayo ka kalana waa la waayey. Haddii maamul jira uu caddaalad darro sameeyo waxa imanaysa cabasho. Haddii cabashada laga garaabi waayo oo laga indhaqarsado waxa imanaysa kala danbayn la’aan. Taasoo aakhirka tagta colaad af iyo addinba leh.

Maalintii isniinta ee taariikhdu ahayd 13 Nofambar 2017 ayaa loo dareeray codbixinta lagu kala dooranayey Saddex Xisbi Somaliland. Adduunka meel kasta waxa laga sheegay in doorashadaasi ay u dhacday si fiican, laakiin maalmihii ugu danbaysay ee la sugayey in lagu dhawaaqo ayaa muran xooggani soo kala dhex galay Xisbiga Waddani iyo Guddidii Doorashooyinka, taasoo saamayn weyn ku yeelatay dadkii shacabka ahaa ee kala taageersanaa Xisbiyada, gaar ahaan Waddani iyo Kulmiye. Arrinkaasi waxa uu gaadhay heer rabshado dhacaan.

Haddaba waxa aan aad ula socday laba eray oo kala ahaa nabad doonimo iyo caddaalad doon. Labada eray si fudud waa loo odhan karaa laakiin waa erayo qaali ah oo ka qaalisan wax kasta. Caddaaladdu waxa ay ka bilaabantaa erayga dibnahaaga ka soo baxaya, oo in aad si caadil ah u sheegto waxa aad maqashay, aragtay ama samaysay ayaa caddaaladdu ka bilaabantaa. Haddii uu kuu yimaaddo qof dhaawacan oo uu ku yidhaahdo hebel baa i dhaawacay oo dhaawacaa ii gaystay, ee ii soo gurmo, waa inaad feejignaan ku dartaa oo waxa laga yaabaa in qofkii kale uu sooba dilay isagu. Waxa aad qorayso ayaa caddaaladdu ka bilaabantaa oo taas ayaa lagu xisaabinayaa aakhiro, ee cid kale laguu xisaabin maayo. Qofka maamul loo dhiibtay ee caddaalad wax ku maamuli waayaana waa ka sii daranyahay qofka keliya ee naftiisa uun ka masu’uulka ah.

Sidaasay caddaaladdu u tahay mid marwalba aad u baahantahay in aad naftaada ka bilawdo, eray kasta oo aad odhanayso, qorayso waa in uu ku fadhiyaa caddaalad. Taasoo macnaheedu tahay inaad Runsheeg tahay. Marka caddaaladda la waayo weeye marka aaminaaddu dhimanayso, ixtiraamku baaba’ayo, ka dibna aanay jirayn kala danbayn, oo colaadda ku sii dhawaata. Marka Colaadi timaaddo, waxa yaraada wax kasta oo caddaaladda looga baahnaa, oo xaaladda colaadda ayaa keenta in ay yarayso caddaaladda. Sidaa awgeed Caddaladdu waa aasaaska nolosha oo bilaw u ah aadamaha, qofkii diin aaaminsanna waabuu ka sii xagjiraa gaar ahaa ummadda muslimiintu waa u tiirweyn caddaaladdu.

Qoraalkan kooban waxa aan uga jeedaa, waar qofkastoow! bal dib isu xisaabi waxa aad qortay, waxa aad war soo gudbisay iyo guud ahaanba sida aad u samaysay caddaalad adigoo aragtidaada xorta ah adeegsanaya. Caddaaladdu waa furaha Nabadda, Nabadduna waa Gogosha Caddaaladda.

Nabad iyo Caano

Sayid-Axmed Dhegey

18-11-2017, Iswidhan