Caddaani cidna abaal uma gelin, cidna godob kama gelin, wuxu dhisayey xisbiga Kulmiye (WQ: Mustafe Cabdi Ciise “Shiine”)

 

Waxaan maalmahan FBga ku arkayaa in dhalinyaro badani ay soo dhigayaan halku dhig ahaa ” wasiir cadaanigii godobta u galay KULMIYE, xagee lagaga tagay, abaal daranaa Muuse iyo KULMIYE”.

waxay ila tahay in aanay jirin abaal uu cadaani cid u galay iyo godob uu cid ka galay toona, haddii uu Cadaani dhisaayay xisbiga KULMIYE iyo murashixiisa Muuse Biixi wuxuu ku dhisaayay xisbinimo, waanu dhisi lahaa qof kasta oo murashax ka noqda inta uu xisbinimadiisa aaminsan yahay ama aanu u arag xisbi aan laga rabin oonu isaga tagin.

Ma jiro siyaasi geela Aabihii lee yahay u raaca siyaasi kale ee waxa isu keenaa waa doorasho uu qofku doorto halka uu u arko inuu wax la qaybsan karo talo iyo kursiba.
Waa halkii uu Marxuum Cigaal ka lahaa “siyaasadu ma laha abaal baan kuu galay, ma cid baa geelii Xaaji Ibraahin Cigaal ii raacaysay” 1997kii kolkii lagu eedeeyay inaanu abaal lahayn,iyadoo lagu haystay xil ka qaadistii Gaboose.
Si kastaba xaalku ha noqdee Mudane Cadaani maaha, masuulka keliya ee waayay kursiga golaha dhexe ee KULMIYE, haddii uu cid godob ka galayna waxay la mid noqonaysaa inuu cid kale ka siiyay waxaanay xaq u lahayn, markaa hadaad na leedihiin “Muuse Biixi buu u boobay codod aanu xaq u lahayn ” Waa halkeeda,markaana waa inuu raaligeliyaa cida uu dhacay ee uu Muuse u boobay.

WQ: Mustafe Cabdi Ciise “Shiine”