Talladii Cali binu Abii Daalib (rc) Q.10aad (WQ: Cabdiraxmaan Cismaan)

carruurnimadii waxba maad aqoon haddana tartiib tartiib ayaad aqoonta ku heshay, laakiin waxaa jira waxyaabo badan oo ka baxsan aqoontaada, taas oo ku caajis iyo cajab gelinaysa iyo waxa kale oo buuxa waxyaabo aanad fahmayn. Si aayar aayar ah ayaad mustaqbalka ku helaysaa aqoontan taas oo balaadhinaysa aragtidaada.

Taas darteed, ta u wanaagsan waa inaad hanuunka ka raadiso kii ku abuuray, ku quweeyay kuna quudiyay, kuna siiyay maskax miisaman iyo jidh shaqaynaya.

Ducooyinkaagu keligii u khaas yeel, baryadaada iyo baahidaada isaga u khaas yeel oo keligii ka baqo.

Ha kuu cadaato, wiilkaygiiyow, aqoon balaadhan oo ku saabsan Alle, rasuulkeenii (csw) mooyee in aan cid kale Aadamaha siin. Waxaan kugula talinayaa in aad yaqiinsato tacliintiisii, ka dhigato hoggaamiye aad ku dayato, aanad aqbasho inuu ku hago si aad u badbaado. Waan ku siiyay tallo ta ugu qaalisan anigoo jaceyl iyo naxariis kuu haya, waxaanan hubaa si kasta oo aad u raadiso tallo kaa anfacda wanaaga, soo heli maysid mid ka sareysa tii uu i siiyay midkii aniga ila talliyay.

Xasuusnow, wiilkaygiiyow, haddii uu jiro Ilaah kale, oo aan Alle ahayn, wuxuu soo diri lahaa rasuul iyo nebiyo Aadamaha u cadeeya mulkigiisa iyo awooddiisa -adna waad arki lahayd hadday jiraan. Laakiin weligeed ma dhicin. Waa Alle keliya oo aynu wada rumaysanahay oo aynu caabudayno. Isagaa iskeen baray.

La soco: qayb danbe oo ka xiiso macaan, sirtana noloshana ku bari doonta, jaamacadna aanad ka heli karin, qof kalena aanad ka dhaxli karin, adigana ay kugu dheeraanayso inaad soo tijaabisaa ama aad nolosha ka dhaxashaa.