Cadduur dhawdhawduba uma dhacsana (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

Nin Profesor ah ayaa maqaal wanaagsan ku sheegay in ayna dadku odhon uun doonimayno eh marka ay mudaharadayaan eh waa in ay  si fiican u soo bandhigaan waxay doonayaan.

Waa talo wanaagsan laakiin waxaa is waydiin leh ma lagu dhagaysanayaa.

Waxaad moodaa nimankan ina hoggaaminayaa nooca ay doonaan ha noqdeen eh, in lagula taliyay dhagah furaysta, haddii aad aragto websites ka inta talo wax ku ool ah ee ku taal.

Waxaan umalaynayaa nimankani in ay ahdaaf kale leeyihiin oo ay ku socdaan. Dadkana waxan ay sheegayaan waa cadduur dhawdhawduba uma dhacsana.

Markaa dadka waxaan odhan lahaa nimankani waxay dhagaystaan cidaa ahdaaftooda taabata oo waliba si qaldan ay u ugu jawaabaan, cid kale ma dhagaystaan kuwaas ayay u jawaabaan iyaga oo ka didsan in ay dadka ku soo jeediyaan, oo ay magac u bixiyaan si ay dadka u majaro habaabiyaan. Ahdaaftooduna waa ka ururso, kuraastana sii dheeraysta intii aad kari karaysaba, intaad hawsha ku jirtaana, dadka kolba maaweelo u sameeya ay ku mashquulaan. Kuwa soo socda iyo kuwa joogaba ahdaaftoodu waa isku mid.

Nin ka mid ah kuwa dadka maaweeliya ayaan maalin tusay maqaal aan kaga hadlaayay sida horumar lagu gaadhi lahaa wuu ila yaabay, isaga oo igu jees jeesaya ayuu igu yidhi:

Waa baytul qasiida.”

Markaa dadkan ina hoggaaminaya horumar iyo talo waxaas uma jeedaan adduun  baa iska hadlay, ceelna uma qodna  cidna  uma maqna ummaddan ayaa hore loo yidhi. Hadii ay horumar u jeedaan hantida guudba sidaa looma boobeen.

Nuur Xaaji Xiiray

nur.hersi21@gmail.com