Reuters: Hubka Soomaaliya la soo degto waxa iibsada cadawgeeda

 

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa maanta warbixin xasaasi ah ka diyaarisay halka uu ku dambeeyo hubka ay Soomaaliya la soo degto.

Wakaaladdu waxay baadhitaan ku ogaatay in hubka lagu soo dejiyo oggolanshaha Qaramada Midoobay lagu iibiyo suuqyada hubka ee Muqdisho iyadoo tiro lagu qiyaday 40% hubkaasi ka baxo gacanta ciidanka Soomaaliya ayna u badan tahay in uu u gacan-galo cadawga xukuumadda Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Booliska ee Soomaaliya oo arrinkan wax laga weydiiyey ayaa tibaaxay in ay jiraan askarta qaar oo dib u iibiya hubka iyo rasaasta laakiin aanu ahayn ganacsi si baahsan u jira.

Hore waa loo ogaa in ay ciidamada Soomaaliya ee baahidu dishootay qaar badan oo ka mid ahi ay iibiyaan rasaasta iyo qoryaha si ay qoysaskooda ugu quudiyaan , laakiin lama filayn in dib-u-iibinta hubka ciidanka laga dhigtay ganacsi rasmi ah oo aan lala gabban.

Tiro u dhaxaysa 20,000 ilaa 15000 oo hubka fudud ah ayaa Soomaaliya soo dejisatay tan iyo markii Qaramada Midoobay ay cumoqabataynta hubk ka qaadday xukuumadda Soomaaliya 2013-kii si ciidanka Soomaaliya looga dhigo qaar awood u leh in ay iska difaacaan Al-Shabaab iyo xoogagga kale ee ka soo hor jeeda. Laakiin waxa muuqata in ujeeddadaas wax weyni ka khaldameen.

Arrintani waxay werwer aad u badan ku abuuraysaa Golaha Ammaanka oo sannadkiiba mar dib-u-eega cumoqabataynta hubka Soomaaliya, fadhigooduna wuxu ku beegn yahay bishan foodda innagu soo haysa ee November. Lama saadaalin karo in ay xayiraadii hubka ku soo celin doonaan Soomaaliya iyo in ay caqabadan si kale u maarayn doonaan.

Qaadhaan-bixiyeyaasha ayaa marar door ah xukuumadda Soomaaliya ku eedeeyey musuqmaasuq baahsan.

Il-Wareed: Reuters

BANDHIGE NEWS

Bandhige@gmail.com