OGAYSIIS: DEEQ WAXBARASHO XIRFADEED

Hay’ada waddaniga ah ee HYDA (Horn Youth Development association) waxay ku hawlantahay mashaariic ay ka mid tahay kor u qaadida xirfadaha, wacyigalinta, caafimaadka iyo dhammaan adeegada horumarind ee da’yarta Somaliland.

Haddaba Hay’adan waddaniga ahi waxay bixinaysaa xirfado tababar ee hoosku xusan oo dhamaan bilaash ah.

No Nooca Tababarka Xirfadeed Jinsi Mudadda
1 Farsamada Tima jarista Rag kaliya

 

4 Billood
2 Farsamada Qurxinta Dumarka (Beautification)

 

Dumar kaliya 4 Billood
3 Farsamada cilad kasaarista moobaylada (Electronic and Mobile Repair)

 

Rag kaliya 4 billood

Shuruudaha looga baahan yahay qofka soo codsanaya tababarka: 

  1. Waa in da’diisu u dhaxayso 18-35 sanno.
  2. Waa in uu Somalilander yahay.
  3. Waa in uu waxna qori karo waxna akhriyi karo
  4. Waa in uu leeyahay xirfad hore oo la xidhiidha tababarka uu rabo
  5. Waa in aanu hadda wax shaqo ah hayn.
  6. Waa in uu wakhti firaaqo ah oo gelin hore iyo galindanbe ah haysto.
  7. Waa in ay ka go’an tahay dhammaystirka tababarka muddada uu socdo.
  8. Waa in uu codsiga ku soo lifaaqo copy-ga shahaadooyinka.

Haddaba, cidkasta oo danaynaysa kaqayb-qaadashadadeeqdan waxbarasho waa in ay Codsiyadooda iyo CV-gooda ba kusoo hagaajiyaan Xafiiska HYDA oo ku yaalla xaafada Ibrahim koodbuur Badda Cass waxa uu  koonfur kaga dhajisan yahay Hudheelka Summer Time iyagoo Galalka codsiyadooda dushooda kaga soo qoraya magaca codsadaha iyo xirfada ay rabaan in ay bartaan.

Qabashada Codsiyadu waxay ku egtahay 16 October2016-ka, Maalinta Axada 2:00 PM iyadoo lalasoo xidhiidhi doono cida buuxisa shuruudaha kor ku xusan,

Wixii faahfaahina kala soo xidhiidh 063-4093403.