Curasahdii roobkaas habeennimo iyo waqtiga oo aannu weli soo marin xiddigii saraareeddo ayaa waxa is-qabsaday barwaaqo oogo iyo bannan-ba la isaga soo wada guryo-noqday. Sareeddo waxay la kowsatay nimcaddii gu’ga. Juddiiba, xoollaha ayaa naqa wada goostay ‘gaane iyo irmaan-ba oo wada naaxay’, dhaqayo iyo dhalyo-na wada darrarray. Sareeddo-na, durba, waa taa ka harqatay danbarkii iyo xoorkii la ga dhiijiyey xoollahaa. Durba, waa taa kobbocday iyaddoon la moodin in ay dhashay hooyo nafaqo darro weligeed haleeshay. Durba, waa waa kuwaa jiidh dhallaan iyo butucsanaan dhaylo ay jidhkeedda wada xulleen.
Dadka deggaanku waxay u gu yeedheen “Barwaaqo” laakiin hooyadeed ‘xaddiyo’ ayaa u gu magac-dartay ayaydeed hooyo oo “Sareeddo dheeg” la oran jirey, oo dhowaan aakhiraysatay. Quruxda sareeddo waxay ahayd mid dabiiciya oo ay kabtay daryeelka hooyaddeed la garab-taagnayd had iyo gooraale. Hannaan wanaag jidheed ayaa sareeddo ka soo bidhbidhayey gu’ba, gu’ga ka danbeeya. Taa soo sii hurisay hadal-haynta Sareeddo guud ahaan deegaanka cadcadaley.Sababtaas, baa barbaar wal oo filkeed ahaa u gu haddaaqay oo u gu hanqal-taagay. Jeerkaasna, ay quruxdeeddu noqotay, sidii laan ka lullata laag ka soo deldellan jarrar-buureed. Dadka badankiisanna ku noqatay laab-lakac aan lahayn rajo iyo yadadiilo la hawaysto toonna. Inkastoo aay ku noolaayd beryahan danbe magaallo aan ahayn hoygii ay ku dhalatay, haddanna, booqasho xiise leh ayay ku iman jirtey deggaanka Cadcadaley, u gu yaraan halmar sanadkii oo ka dhigan hawa-geddis iyo dal-barasho labada-ba.
W/Q: Xasan Cabdi Shire