Sirta ka dambaysa xaaladda degdega ah (WQ: Maxamed Xasan Xasharo)

Markii aan u kuur galay, waraystay dad aad iyo aad u xog-ogaal ah, dib u milicsaday dhacdooyinkii u dameeyay, waxa uu maxsuulkii isugu soo ururay qodobadan.

1- In ay labada kornayl la il daran yihiin shaqada hoggaaminta taladda dalka.
2- In qorshaha ugu culus ee hor yaallaa yahay Plan A oo ah “sidii ay jirridda xukunka u adkaysan lahaayeen” taas oo haday u hir-gasho hor-dhac u noqon doonta fikirka ah Plan B, oo ah sii haysashada xukunka muddo aan cayinnayn.
3- In qorshaha labadaa arin ee aan kor ku soo sheegtay lagu hir-galliyo si kasta oo ay ula muuqato in laga ga dhabayn karo, una baddan aqoonta kaliya ee ay wax ka sitaan, taas oo an askarinimo iyo xukun milatari oo talladda lagu xejisto.
4- In maalliyaddii qorshaha lagu fullin lahaa laga dhamaystay Imaaraatka, hordhaceedii oo ah shan Milyan oo Doollar na gacanta lagu hayo, iyadda oo Imaaraatka lagu la soo shuraakoobay in macdanta gobolka Sannaag loo fasixi doonno saddex shorkadood oo ay ka mid tahay shirkaddii soo daabacday buuggaagtii lagu codaynaayay dooradii la musuqay Nov 2017.
5- Gobolka Sannaag oo ah gobolka ugu balaadhan dhul ahaan, iskunna darsaday dhawr arin oo kala ah b)gobolka ugu khayraadka iyo quruxda badan gobollada dalka t) gobolka ay deggan yihiin bulshada ugu mayalka adag kolka ay noqoto maamul gurracan oo loola tago a la is yidhaa marsiiya j) gobol ummada deggani hub haysato, lana doonayo in laga la wareego, iyadda oo looga baqayo in ay ka hor istaagaan Imaaraatka doonaya in uu macdanta kala baxo dhulkaas, waanna sabab ka mid ah sababihii loo xidhay Mujaahid Axmed Caddib x) gobol looga baqayo in ay soo dhex marto jabhadda Caarre.
5- In hadday Bandoo da gobolka Sannaag hirgasho lagu xigsiin doonno, dalka oo la wada gaadhsiiyo Bandoo iyo xukun milatari. Tallaabadani kuma bilaabmin labadan sarkaal ee la shorqoolay ilaa alaankaana afka laga xidhay, ee waxa ay ka soo bilaabantay isku dirkii labada beelood ee walaalaha ah ee isku dillay degmada Ceel-Af-weyn+Cadhadii Caarre+Xadhigii Ina Caddib iyo dilal badan oo saraakiil hore loogu fulliyay.

Ugu dambaynna waxa dalka lala doonayaa in laga dhigo sida wadamada jaarka aynu nahay ee Jabbuuti iyo Itoobiya. Waligiin miyaad maqasheen xisbiyo aan ka ahayn RPP ga Jabbuuti iyo TPLF ka Itoobiya? Maya, laga yaabaa in aydun maqasheen, laakiin malaha wax saamayn ah, kaliya waa magac u yaal, doorashooyin oo dhan xisbi kaligiis ah baa qabsada oo codka isugu gura.!!

Dhawaan uun bay ahayd markii uu Maxamed Kaahin ka qayb galay xuska sannad guurradii xisbiga RPP ee uu hogaamiyo ICG, Kaahin waxa uu madashii xaflada ka sheegay in ay Afrika oo dhami u baahan tahay, dal waliba xisbi kaliya sida RPP. Sidoo kale ayay wafti ka socda xisbiga RPP loogu casuumay shir-weynihii xisbiga Kulmiye ku qabsaday magaalada Boorama, ta la doonayaanna waa in Kulmiye mooyee xisbi kale oo awood lihi ka dhaqdhaqaaqin dalka, Kulmiye laftiisanna la milatariyeeyo.

Talo waxa ay u taallaa waa shacabka iyaggu ah kan ugu awoodda badan, go’aanka sida ay u noollaanayaanna ka go’o, in ay u dhiibaan furaha bilowga xukun caddaab ah oo ay ka qoomameeyaan hadhow iyo in ay iska diidaan dhaqan xummada labada kornayl iyo kalitalisnimo. Xil-dhibaan kastaana waxa ka ishaa-falataysanayaa sida aad ula xisaabtantaan una muujisaan rabbitaankiina.