Somaliland, marxuum Maxamed X.Ibraahin Cigaal ma ka helay wixii uu doonaayay, waa hubaal inay isaga ka heshay wax ay ka doonaysayee?.
Waxa xaqiiq ah in Somaliland ay marxuumka ka heshay wixii uu karaayay ee uu aqoonteeda,kartideeda,waayo aragnimadeeda iyo hibadeeda lahaa ee ahayd hogaamin,dawlad iyo dal-dhis.
Qalbiga muwaadiniinta inta badan ee reer Somaliland waxa ku jira in ay adkayd in la helo marxaladihii uu qarankan ka soo saaray cid kale oo ka soo xinbaari karaysay.
Waxa uu yimid Somaliland, iyadoo aynu jahawareersanahay oo aad moodo in meel loo dhaqaaqo la garan la ‘ yahay, waxa mucaaridka dalku ay ahaayeen kornaylo ka soo hadhay kuwii naftooda u soo huray xoreynta dalka, haseyeeshee ku talo xumoobay oo khilaafkii ay kala yimaadeen Qaaxo la soo galay dalka, iyadoo mid walba uu horjooge u yahay guuto ciidan ah oo reer jifadiisa ah, waxa keliya ay garanayeena ay ahayd in xoog iyo qori caaradii wax lagu joojiyo.
Waxa xiligaa uu EEBBE inoo soo diray 13 Oday oo reer Awdal ah, kuwaasi oo ay Hargeysa kaga biireen guurtidii Hargeysa joogtay waxana ay soo afjareen laba sanadood oo ay dagaalo sokeeye ka dhaceen Burco iyo Berbera.
Marxuum Cigaal waxa EEBBE ku guuleeyay inuu hubkii ka dhigo kornaylada marka wefdi dalka yimaadaba xabada cirka u ridi jiray ee huteelka ay martidu degto dul marin jiray.
Waxa uu raggaa ka dhigay shacab waxana uu dalka soo gaadhsiiyay inuu yeesho dastuur ay ilaalinayaan ciidamo qaran iyo shacab dhagaysta Radiyow Hargeysa iyo 3 wargeys oo ah kuwo aan laaluushka aqoon oo runta hor dhiga ummadda.
Waxa uu ka tegay hay’adihii dawlada oo dhamays tiran iyo xeerarkii dalka oo inta muhiimka ahayd wax laga qabtay.
Sidoo kale waxa uu miiska sii saaray xeerkii fasaxaayay xisbiyada badan ee aynu kaga maaranay dabadii in 300 0day ay madaxtooyo inoo dooraan.
ALLE ha u naxariistee waxa shirjaraa’id oon ka mid ahaa weriyayaal kooban oo ka qayb galay uu noogu sheegay inuu dalka markii uu imanayay sitay 20 dirham, haddii marka uu xilka ka tago lagu arko 20kaa iyo wax ka badana ay tahay xoolihii shacabka oo laga qaado, waxana uu intaa raaciyay oo uu yidhi ” waxa keliya een idinka doonayaa marka ay taydii noqoto in laygu ag aaso xabaalaahaa ay Aabahay iyo Aabihii ku aasan yihiin oo ay ummada halkaasi maraysaa tidhaah (waa kaa ALLE u naxariisaygii dawladnimada inoo dhisay oo faataxada laysoo maro “.
Haddaba reer Somaliland waxaan Lee yahay ma u maraa faataxadii marxuumka
ALLAAHU maa balaqtu, anigu saaka iska riday fariintii ee marxuumka faataxada u mara.