guul iyo guul daro diidmada baarlamaanku maxay noqon kartaa? (WQ: Barkhad-ladif Maxamed Cumar)

haddii dhinacyo kala duwan ka eegno labadda way noqon kartaa, guul iyo guul-daro, siduu madaxweynuhu u dhigay ee u rabay way u dhacday dhankaasi marka ka eegno waa u guul, marka indhaha dadka kale ee mucaaradka ku ah ku eegna guul daray noqonaysaa.

Siyaasaddu waa fursadaha ku soo maro oo laga faa’iidaysto, arrimaha ad-adag mararka qaarkood bay fursad kuu tahay oo talaabadaad samaysaa ku keeni karta guul siyaasadeed.
Arrinta goluhu ka soo horjeesteen go’aanka madaxweynaha aan dhawr qodob ka dul istaago, waayo dad badan baa wali is waydiinaya sababta xildhibaanadu uga hor yimid, qaar badanna way fahansan yihiin halka arrintu ka xidhimi laadahay.

Shaxday xukuumaddu dhigtay marka dul istaagno wali guul bay u tahay diidmada baarlamaanka iyo xisbiga WADANI ee taageeray, sababtuna waxay tahay.

Labadda sarkaal ee la dilay waxay ka soo jeedaan Boorama, si Boorama oo wakhtigii doorrashada lagaga sareeyo u hantiyo ayaa talaabadan loo qaaday.

1. Reer Awdal talaabooyinkan uu madaxweynuhu qaaday way soo dhoweeyeen, mar hadii awalba sarkaal wuu u dhiman jirey gacan ka xaqdaran, haseyeeshee waxa uu madaxweynuhu talaabadan u sameeyey sidii uu Awdal uu taageero uga helo
2. Ciidamada kala duwanna talaabadani taageero weyn iyo inuu mar walba dhannkooga yahay ayuu tusay oo markii uu soo jeediyey idinku ka taliya deegaanadan dilku ka dhacay xagooga qiimeyn weyn bay ka tahay.

Diidmada baarlamaanka:

1.Madaxweynuhu awoodiisa uu saraakiilkaasi ku qiimayey wuu sameeyey waxaase diiday xildhibaanadda, taas eeddii uu ku lahaan lahaa wuxuu iskaga leexiyey baarlamaanka waana sida uu doonayey ee ahaa eed iska leexin.

2. xildhibaanadii wuu qaawiyey oo awalba wax walba duuduub bay ku ansixin jireena sababta uga hor yimaadeen waa dhaameelkii baa meesha ka maqan, taasina waxay qaawisay baarlamaankii oo loo arkay in dantooda ka hor mariyaan danta caamka ah oo ay tahay hadii aad wax noo dhiibi waydo waanu ka hor iman kula shaqayn mayno.

3. jabkii uu WADANI la doonayey maanta la helay ka dib markii uu Cabdiraxmaan Cirro si toos ah uga horyimid go’aankaasi lagu sharfayey saraakiisha, isla markaana ku taageeray baarlamaanka, waxaanu arrintani hoos u dhigaysa gobolkii Awdal ee uu KULMIYE kaga badiyey, waana jadhka uu la rabay, taas guul bay xukuumadda u tahay.

Sidaas darteed, guushii siyaasadeed ee uu rabay wuu ka gaadhay aragtidayda, muhiimaduna intaas bay ahayd iyo in gobolka Awdal uu kasbado iyo in baarlamaanka wuu qaawiyo.
Waana markii ugu horeysay ee baarlamaan ka hor yimaadaan go’aan madaxweyne usoo gudbiyey, gole cusubna maaha ee gaalihii waligiiba duuduub ku ansixin jirey.

Dhanka kale, guuldaro: dhinaca kale hadii aynu ka eeegno guul daray u tahay talaabooyinkan uu qaaday madaxweynuhu.

1. Waxa guul daro u ah in taariikhda markii ugu horeysay go’aan madaxweyne ka hor yimaado baarlamaan uu aqlabiyadda xisbigiisu leeyahay, taasna waxa lagu qiimeeya taageerada uu madaxweynuhu ku yeelan karo bulshada maadama oo xildhibaanadu matalaan bulshadda.

2. Guul darada kale, in deegaanda dhibtu ka taagan tahay xaalada degdeg ah mooyee xal kale u waayey, taas oo ay jiri karaan kun xal oo sidan dhaanta oo uu ku waji lahaa.
3. Waxa kale oo halkaasi ka soo baxday in madaxweynuhu intii ugu dhow dhowayd sii kala fogaanayaan.