Calanka Somaliland Miyaa Lagu Muujin Karaa Fagaare Muqdisho Ah: Dhacdadii Captain Mohamed Gabyaaye Ee Jeneweri 2015! (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr

Calanka Somaliland Miyaa Lagu Muujin Karaa Fagaare Muqdisho Ah: Dhacdadii Captain Mohamed Gabyaaye Ee Jeneweri 2015!

 

Dad badan ayaa ku dooda in calanka Somaliland lagu xidhan karo Muqdisho. Haa.. Qol Hargeysa ahba ka Soomaaliya waa lagu xidhan karaa, luuq yarna waa lala mari karaa. Waxa aan ka hadlayaa waa fagaare uu qof caan ahi ku xidhanayo. Haddii calanka la oggol yahay miyaa madax bannaanida loo fasaxo?

 

Captain Maxamed Xasan Maxamed (Maxamed-Gabyaaye) waa kabtanka Xulka Maroodijeex iyo Kooxda Goodir ee ciidanka Booliska Somaliland, waxa uu Muqdisho u tegay in uu ka qaybgalo ciyaaro halkaas ka socday. Waa xilligii xukuumadda Siilaanyo talinaysay, dhankaasna uu Xasan Sheekh Maxamuud xilka ka hayay.

 

Kaddib waxa la hadlay madax booliska ah “Ma adiga oo askari ah ayaad Xamar aadday, waa lagu xidhayaa, soo laabo” ayaa la yidhi. Waxa uu ahaa muwaaddin aan siyaasad ku lug lahayn oo mihnaddiisa iyo kubbaddiisa u tegay. Qofka u ciyaara kooxaha booliska iyo qaranku waa askari Somaliland ah.

 

Maxamed si uu isu badbaadiyo waxa uu dawaarle ka toshay calanka Soomaalilaan, waxaanu kula soo baxay garoonkii ciyaartu ka socotay. Ma uu helin shirkad si casri ah ugu daabacda xitaa. Markii uu isku sawiray ayaa laga qaaday. Waxa looga yeedhay xarumaha sirdoonka “Ma kala go’a Soomaaliya ayaad taageersan tahay?” ayaa la yidhi.

 

Waxa uu uga warramay sababta ku kelliftay. Dhawr jeer ayay nabad-sugiddu waraysteen. Weliba si aan debecsanayn ayaa suaalaha loogu darandoorriay. Labada dhinacba culays ayaa calanka iyo tegitaanka uu kala kulmay.

 

Markii dambe waxa u ergeeyay Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland, waxaana booliska lagu qanciyay in aan la xidhin. Sidii ayuu Soomaalilaan ku yimi.