Cambaartii Warbaahinta Internet-ka! (WQ: Cabdicasiis Daahir Saleebaan)

 

Muddooyinkii u dambeeyey waxay Soomaalidu la Jaanqaaday horumarka ka socda Daafaha Adduunka, siiba dhinaca Warbaahinta Casriga ah ee loo yaqaan Mareegaha Internetka ama Shabakadaha Wararka ku baahiya Internet-ka.

Shabakadaha Wararka ee wax ku qora Afka Soomaaliya ee Maalinba ta ka dambaysa soo badanaaa, ayaa kuwii ugu horeeyay ee sida fiican u hana-qaaday waxaa ka mid ah Shabakadda Hadhwanaagnews.com.

Shabakadda Hadhwanaag ayaa muddooyinkii hore waxay samcad iyo magac weyn ka kasbatay Bulshada Afka Soomaaliga ku hadasha, hase-yeeshee laga soo bilaabo Doorashooyinkii Somaliland ka dhacay Sanadkii 2012-kii, waxay noqotay mid ka baxday qawaaniintii Saxaafadda waxayna isku-rrogtay Shabakad u adeegta Xaafad ka mid ah Xaafadaha Hargeysa, gaar ahaan Xaafadda Axmed Dhagax. Sababtoo ah waxay la Safatay Urur-siyaasadeedkii dhacay ee Xaqsoor, kaasi oo markii hore laga aasaasay Xaafadda Axmed-dhagax.

Dad badan oo reer Somaliland ah, ayaa waxay aaminsan yihiin  in Shabakadda Wararka ee Hadhwanaagnews ay qayb ka ahayd Fidmadii dhallinyaro badani ku naf-waayeen Mudaharaaddo Is-daba joog ahi ka dhaceen Magaalada Hargeysa, gaar ahaan Xaafadda Axmed-Dhagax, Rabshadahaasi oo ay Ciidamada Amaanka iyo Dad ka biyo-diidsan dhicitaanka Urur-syaasadeedkii Xaqsoor ay halkaasi Maryo-Dhiigle ku kala furteen.

Baaayaba-u-barasho lehe,  2012-kii wixii ka dambeeyay Hadhwanaag waxay horsed u noqotay Shabakadaha ay Reeruhu ku adeegtaan ee wax ka qora Af-ku-xoogleyaasha Iyo Mashaqeystayaasha loo yaqaan weji-kumacaashka ee Caadaystay Xumaanta, Ceebaynta Iyo Cayda Dadka Biri-Magaydada ah, kuwaasi oo iyagu ku walfay amaba shaqo ka dhigtay isku dirka Culimada, Waxgaradka, Ganacsatada iyo Hal-doorka Ummaddani leedahay Iyo Qabaa’ilka Somaliland  wada Dega ee Walaalaha ah.

Hadhwanaagnews waxaan Leeyahay Haddaad ka tagtaan Xishoodka, Haddaad Waxba xeerin-weydaan oo aad joojin waydaan Xasadka, Xumaanta, Isku dirka Bulshada iyo Cayda Ganacsatada Dadka Iyo Dalkaba Qiimaha ku leh, waxaad ogaaataan In Cid kastaa Sidiina Warbaahin leedahay.

Waxaan idiinku nasteexaynayaa inaad kala garataan waxaad xaq u leedihiin iyo waxaa Xaq la idiinku leeyahay.

Haddaad Cabasho qabtaan sharci baa dalka jira, ee Cidna Xoog iyo Cay kaga qaadi maysaan.

 

La Soco Qayb kale oo Maqaalkan ku taxan

 

Qalinkii Cabdicasiis Daahir Saleebaan…