Doorashadii madaxtooyada Somaliland oo dad badani saadaalinayeen in maanta dib loo dhigayo ayaa ku qabsoomaysa wakhtigii loogu talo galay sida uu tibaaxay Af-hayeenka xisbul-xaakimka Xasan Gaafaadhi oo shir-saxaafadeed ku qabtay xarunta Komishanka kadib markii Komishanka Qaranku ay la shireen saddexda xisbi qaran maanta si ay war-bixin uga siiyaan hannaanka doorashada.
Xasan Gaafaadhi wuxu sheegay in Komishanku ay diyaariyeen qaybtintii kaadhadhka ayna bilaabayaan bishan aynu ku jirno 21-keeda, isla markaana ay u qaybin doonaan laba laba gobol.
Sidoo kale Xasan Gaafaadhi wuxu tibaaxay in doorashadu ay wakhtigeedii oo ah 27-March ku qabsoomayso.
Hoos ka daawo muuqaalka Salaan Media ee la xidhiidha shirka xisbiyada qaranke ee maanta ku qabsoomay xarunta Komishanka Doorashooyinka Somaliland.
https://www.youtube.com/watch?v=nw0SPSrfAQw