War-bixin sirdoonka Maraykanku diyaariyeen ayaa sheegtay in madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, isku dayey in uu Donald Trump ka caawiyo sidii uu ugu guulaysan lahaa doorashadii madaxtinimada.
Warbixintan la shaaciyey waxay sheegtay in hoggaamiyaha Ruushku amar ku bixiyey in la bilaabo olole looga dan lahaa in doorashada lagu saameeyo.
Moscow warbixintan kamay hadal laakiin Ruushku hore ayuu u beeniyey eedaymahaas.
Warbixintan markii lagu wargeliyey ee loo faahfaahiyey kadib, Trump Ruushka waxaanu ku eedaynin uun in ay fara geliyeen doorashada, wuxuuse hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in natiijadii doorashada aanay arrintani wax saamayn ah ku yeelan.
Warbixintan 25-ka bog ahi waxay sheegtay in Kremlin ku-waa aqalka looga arrimiyo Ruushku uu si cad u danaynayey in Trump guulaysto.
Warbixintu waxay intaa ku dartay in yoolka Ruushku ahaa in ay wiiqaan kalsoonida shacabku ku qabaan dimuqraadiyadda Maraykanka iyo in ay wiiqaan musharaxii xisbiga Dimuqraadiga Hillary Clinton, si ay u yaraadaan fursadaha lagu dooran karo iyo kuwa ay madaxweyne ku noqon kartaaba.
War-bixintan ayaa waxay tidhi:
“Waxaanu yaqiinsannay in madaxweynaha Ruushku, Vladimir Putin, amar ku bixiyey in la bilaabo olole sannadkii 2016 kaas oo lagu beegsanayey doorashadii madaxtinimada Maraykanka.”