Candhuufta iyo Cudurrada (WQ: Cabdifataax M. Axmed)

Dad badan Marka Cudurradu ay ku Dhacaan,Waxa qaarkood loo Diraa in ay keenaan ama iska soo qaadaan Candhuuf.Caagad Ayaa loo Dhiibaa si ay halkaasi ugu soo Shubaan.Boqollaal Qof oo caagad yar wada sita isla markaasina Candhuuftoodii gacanta ku soo qaadey ayaa Shaybaadhada Cusbitaalada la isugu yimaaddaa.Xannuunada Qaar badan oo ka midd ah Shaybaadhka Candhuuftu waa mid waaajib ah si horre wax looga ogaado sida TB-da iwm.Mar Qudhana maaha ee saddex iyo Laba Jeer Ayaa Candhuufta la sheybaadhaa oo la isku Diraa.Caagadaha Candhuuftu waa u gaar sida caagadaha kale oo dhan “spittoon”.

Waxa Mamnuuc ah in qofku Meelaha Dadku isugu Yimaaddo,amma sidoo Kale Xafiisyada ,Masaajidada  Hudheelada  iyo Gadiidka dadweynaha La soo galo Qufac iyo Calyo badan oo uu kolba tufo.Meel aan loogu Talo gelin Haddii aad dhigto Qashin/Dareeraha Sanbabada ka soo Go,ay waxa suurta gal ah in uu faafo.Dhaqan iyo Akhlaaqad waa in qofku ku daraa basrinta Dareeraha Afkiisa ka socda.Wakhtiyada qaar  Marka qofka xannuuno ku Jiraan ama ay ku Dilaacaan Sida Hargabka oo kale  ayaa laga Yaabaa in uu aad u Qufaco,Qufac kastaana wuxuu inta badan wataa Calyo/Candhuuf badan.Dareeraha badan ee Qufaca la socda Ayaana ah mid sababa in la garto Nooca iyo Xannuunka Jira sidoo kale Marar badan waxa dhakhtaradu ku sheegaan Qaleyl haddii aan Qufac iyo Xaako ”  Phlegm” Midna la socon,iyaga oo ka dhursuga in Waxa qofka hayaa isku badalo Qufac ama Xaako iwm.

dadka qaar marka ay Hadlayaan Waxa soo dhaafa ama qof ka kale gaadha Candhuuftooda,”don’t Pitch me”.Dadyow badan oo Ilkihii ka Celin lahaa Dareeruhuna ay ka Daateen ayaa la daala dhacaaya Candhuuf badan oo markasta afka dibada uga soo baxeysa.Waxa xaqiiqo ah in noole il ma aragtey ah oo Cudurrada keena la isugu gudbiyo hawada iyo candhuufta.

Marka dadkeenu inta badan Lacagta ay tirinayaan uskaga badan,Waxa ay adeeggsadaan Candhuufta carrabka.Marka buugg la akhriyaayo amma Xaashiyihiisa la tiranaayo waxa inta badan dadka qaar Gacanta Geliyaan Afkooda si ay qoyaan uga soo qaadaan.Lacagta iyo Jaraa,idka inta badan marka la tirinaayo ama la soo rogaayo Candhuuf ayaa la isticmaali Jirey laakiin wakhtigan Meelo badan Buush Yar”wet sponge” oo qoyan ayaa Yaalla kaasi oo gacanta la saaro markasta oo wax badan la Tirinaayo.Haddiise aad Candhuufta Gacanta ku Tiriso Lacagta ogow Wax badan in ay oo Cudur Dhaliye ah in aad qaaddaneyso.

Gidaarada iyo meelaha aan ku munaasibka aheyn buuri ama calyo Jaad haddii aad ku tufto.Waa wax laga Fican Yahay,caafimaadkana waxyeelo badan u geysan karta.Tufida Candhuuftuna waa Caado la barto ama dadka ku kala badan Yihiin.Spit/Spat.Candhuufta oo Carruurta yar-yar lagu seydho ama Tufo iyo iyada oo dadka qaarkood si yasid ah Candhuuf indhaha lagaga dhufto ayaa iyaduna ah wax ay tahay in aan la sameynin.

Ugu Danbeyn Candhuufta oo afka Qalaad ku ah “Saliva” waa mid markaad eegto Dhulka soomaalidu Degto Siyaabo kala duwan loogu dhawaaq,Candhuuf,Khaakho iwm.Ogowna candhuufto waa hubka ugu horreeya ee dagaalka oo waa wax la iska sii horreysiiyo. Magaalada iyo Ilbaxnimaduna waxa ay sababtey in meel kasta Noqotey Dhul nidaamsan waxaaney qofka ku qasbaysaa in aanu u noolaan sidii miyigii meelkasta oo bannaan wax la isaga tufaayey.A spitting.

Cabdifataax M. Axmed

Gambiile10@gmail.com