Mas’uuliyiinta maamullada kala duwan ee Soomaaliya loo sameeyaa waxa ay marar badan afka ka sheegsheegaan wanaag, khayr iyo midnimo Soomaaliyeed. Ummadda Soomaaliyeed dhawr qaybood ayey ka kooban tahay, hase ahaato ee iyagu marka horeba sida ay hadalka u dhigaan ayaa khalad ah oo laba ka mid ah qaybahaas dhawrka ah ayey ummad Soomaaliyeed u yaqaannaan. Taasi inta badan ma aha wax ogaal la’aan loo yidhaahdo, ee waa marinhabaabin weyn oo aan caad saarrayn oo la garan karo!.
Mar kasta oo ay afka ka sheegaan in ay wanaag ummadeed u xusulduubayaan waxa ay haddana ku kacaan fal kasta iyo wax kasta oo bulsho marka horeba kala irdhaysnayd sii kala fogeyn kara. Mas’uuliyiinta maamullada dawladaha lagu sheego ee Soomaaliya loo dhisaa waxa ay sheegaan in dhibaatooyinkii maamulkii askarta ee Maxamed Siyaad Barre uu geystay ay ahaayeen dhibaatooyin uu maamul kelitalis ahi geystay oo ay ka xun yihiin. Isla marka ay sidaas leeyihiin ayey haddana taageeraan shakhsiyaadkii dhibaatooyinkaas geystay, waxayna yareeyaan oo ay wax aan sidaas u sii weynayn ka soo qaadaan burbur weyn oo ummad dhan ku dhacay oo awood dawladeed lagu geystay.
Waa ay fiicnaan lahayd in ay mashkiladihii Kacaanku geystay iska fogeeyaan, shakhsiyaadkii qirtay ama lagu tuhmay ama lagu helayna aanay soo dhowaysan oo ay iyagu qorshe cusub oo aan daalin-kalkaal ahayn la yimaaddaan. Laakiin taasi ma ay dhicin. Maamulka maanta Muqdisho ka jira iyo kuwii ka horreeyeyba Maxamed Cali Samatar waa ay taageereen. Waxaba qoladan hadda jirta laga soo sheegayaa in ay ninkaas halyey ku sheegeen oo ay doonayaan in ay isaga dartii calankooda hoos u dhigaan!.
Qofna in denbiile lagu sheegaa horta ma fiicna. Haddii qof denbi lagu tuhmo marka hore waxa la odhan karaa, qofkaasi waa eedeysane. Laakiin haddii ay qofkaas denbiga lagu eedeeyey maxkamadi ku hesho denbigaas waxa uu noqonayaa denbiile. Waxa markaa lagu doodi karaa in uu Maxamed Cali Samatar denbiile ahaa, waayo maxkamad ayaa denbi lagu eedeeyey ku heshay sida warbaahinta laga akhriyey ama laga maqlay.
Haddaba mar haddii uu Taliskii Kacaanku ahaa talis xilli hore jiray oo denbiile ahaa, maxaa mas’uuliyiinta maamullada xilliyadan danbe Soomaaliya loo sameeyo ku kelifa in ay difaacaan talis iyaga ka horreeyey oo ummadda denbiyo kala duwan ka galay? Marka ay leeyihiin midnimo iyo wanaag Soomaaliyeed baannu doonaynaa, ee ay haddana dadkii midnimadaas iyo wanaaggaas ay raadinayaan xilli hore baabbi’iyey taageerayaan sow arrintoodu ma noqonayso munaafaqnimo weyn iyo khayaamo?
Dhan kale haddii aynu arrinta ka eegno, sow ma cadda in wixii dad meel wada deggan isku dad ka dhigi lahaa ee isku dan ka dhigi lahaa uu meesha ka maqan yahay? Jawaabta oo koobani haddii far waaweyn lagu qoro waa “HAA”.
Haddaba waxa lagu doodi karaa oo gar noqon karta maamullada Muqdisho laga dhisaa in ay mar walba ka fog yihiin hababka ilbaxnimada ku salaysan ee dad waqtigan nooli ay ku kala bixi karaan. Weligoodba “midnimo” iyo “wanaag” afka ha ka sheegsheegaan, hadalladoodu waa hadallo aanay dadnimo ka hoosayn oo ay daacadnimo ka dheer tahay oo ka soo baxa af iyo uur is khilaafsan!.
Halkan hoose ka akhriso maqaalladii hore ee uu qoray Axmed Iid Aadan:
Baadisooc: Dhaxal Ma-Guuraan Ah
Sannad-guurada 14aad ee Halyeygii Somaliland: Maxamed X. Ibraahin Cigaal
Halabuur mise hadal? – Doorsoonka ku socda Fanka waqtigan
Abaydin Abaydin dhalay: Ruwaayad digniin weyn bixinaysa
Af qalaad ma laga maarmi karaa?
Adeegsiga Qabyaaladda ma la yarayn karaa?
Hibada, aqoon-darrada iyo waxbarashada
Axmed Iid Aadan
ahmediid@hotmail.com
Hargeysa, Soomaalilaan